Doorashada Soomaaliya 2022: Guusha Xasan Shekh Maxamuud maxay uga dhigan tahay Colaadda Tigray?

Xigashada Sawirka, PM OFFICE
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Hoggaamiyaha TPLF ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Hambalyada guusha ee labada dhinac ayaa ku soo beegmeysa xilli ay dowladda Itoobiya ciidamadeeda heegan gelisay kaddib markai ay fallaagada TPLF sheegtay iney dagaal kale u diyaar garoobeen dhawaanna ay soo qaadayaan.
Abiy Axmed oo bartiisa Twitter-ka farriin hambalyo ah u soo mariyey Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud ayaa sheegay in uu si dhaw ula shaqeyn doono madaxweynaha cusub, ayna iska kaashan doonaan arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo danaha gobolka.
Xasan Sheekh ayaa doorashada madaxweynanimada ee xalay ka dhacday xerada Afisiyoone ee magaalada Muqdisho ka helay 214 cod halka Farmaajona uu helay 110 cod.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xiriir dhow la lahaa Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa cod aqlabbiyad ah doorashada looga guuleystay.
Waxaa codeysay 327 xildhiban ee labada aqal ee baarlamaanka. Doorashadaasi oo ay u tartameen in ka badan 30 murashax oo ku haray wareeggii koowad iyo labaad ee codbixinta ayaa ahayd mid aad u adag.

Xigashada Sawirka, Reuters
Guusha Xasan Sheekh TPLF maxay ka tiri?
Fallagada TPLF ee dagaalka kula jirta dowladda dhexe ee Itoobiya waxay farriin hambalyo ah u soo dirtay Madaxweynaha Dowladda Fedraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Farriinta hambalyada uu soo diray hoggaamiayaha TPLF oo lagu baahiyey barta Twitterka ee xafiiska arrimaha dibadda fallaagada waxaa lagu sheegay inay kalsooni ku qabaan hoggaanka cusub isla markaana ay diyaar u yihiin in iskaashi dhanka amniga gobolka ah ay la yeelan doonaan madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda fedraalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa kale oo farriinta hambalayada ee ay TPLF u diray Xasan Sheekh lagu sheegay in Xukuumadda Tigray ay si buuxda u qadarinayso jawiga siyaasadeed ee kacsan ee Soomaaliya."Soo laabashada taariikhiga ah ee Madaxweyne Xasan ee ka dhalatay codka aqlabiyadda aadka u badan waxay caddeyn u tahay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee ah iney isbeddel doonayan si loo helo mustaqbal waara oo loo dhan yahay," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay hoggaanka TPLF.
Waxay TPLF sheegtay iney diyaar u yihiin hoggaanka cusub iney iskaashi iyo wadashaqeynba kala yeeshaan xasiloonida gobolka iyo soo celinta xiriirka soo jireenka ah.
Kornayl Gabrezabher Alemsged, oo Soomaalidu ay u taqaanno Jeneraal Gabre, wuxuu dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyey si toos ah iyo si dadbanba ugu lug lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo waddankiisa Itoobiyana ka ahaa mid ka mid ah saraakiisha milateriga ee saamaynta weyn leh marka la soo qaado arrimaha Soomaaliya.
Booqashadii Xasan Sheekh Maxamuud ee Itoobiya
Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud ayaa 2016-ki booqasho ku tagay dalka Itoobiya isaga oo booqashadiisa ka billaabay magaalada Addis Ababa kaddibna u gudbay magaalada Jigjiga.
"Wax bani'aadam huraa waxaa ugu culus nafta, Itoobiyana ay naf iyo dhaqaalaba waxay ku bixisay sidii ay Soomaaliya cagaheeda isugu taagi lahayd nabad iyo horumar waarana uga dhaqan geli lahaayeen," ayuu yiri xilligaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xilliga uu booqashada ku tagay waxyaabihii uu ka hadlay waxaa ka mid ah arrinta ONLF iyo amniga iney Itoobiya kala shaqeynayaan.
"Waa arrin aad iyo aad noo dhiirrigelineysa inaan ku sii adkaanno walaaleynta Soomaalida meel kasta oo ay joogaan iyo nabadda iyo dagganaashaha gobolkan geeska Afrika iyo horumarinta cilaaqaadka iyo saaxibtinimada iyo walaalnimada Soomaaliya iyo Itoobiya. Ka laba dowladood oo geeska Afrika ku nool ahaan intaba waxaa Jigjiga nagala sii siiyey awood iyo tamar dheeri ah oo aan ku hirgelinno hadafkaas," ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud oo Jigjiga Khudbad ka jeediyey xilli uu Itoobiya booqday.
Isbaddalka Soomaaliya iyo Isbahaysiga seddexda dal

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi oo ku guul darraystay doorashadii 15-ka May ka dhacaday magaalada Muqdisho waxay guul darradiisa saameyn Taban ku yeelan kartaa isbahaysiga seddex geesoodka ahaa ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.
Abiy, Farmaajo iyo Isayaas waxay galeen heshiis seddex geesood ah oo seddexda dal iskaashi dhinacyo siman ay ku yeelanayaan.
Waxay seddexda hoggaamiye kulamo dhowr ah ku yeesheen Magaalooyinka Asmara iyo Addis Ababa si ay u qiimeeyaan waxa ka hirgalay heshiiska seddex geesoodka ee ay galeen iyo dardar gelinta heshiisyadaasi.
Waxyaabihii inta badan kulammadooda ay uga hadlayeenna waxaa ka mid ahayd arrinta la xiriirta suuragalnimada inay midoobaan dalalkan mustaqbalka.
"Waxaan rajeynayaa saddexdan madaxweyne ee halkan taagaan carruurtoodu inay arki doonaan saddexdan waddan ee aan ka kala nimid oo hal madaxweyne leh, oo aanan saddex madaxweyne lahayn," ayuu yiri Abiy Axmed oo ay goobta kula sugnaayeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.
Suuragalnimada mideynta saddexdan dal
Faysal Rooble oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo ka faallooda arrimaha geeska Afrika oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in arrinta midnimada Itoobiya iyo Soomaaliya in badan lagu haminayey, isla markaasna aysan ahayn markii ugu horreysay ee arrimahaasi la soo hadal qaado.
"Wakhtigii Mengistu Hailemariam iyo Siyaad Barre waa tii Yemen la isugu geeyay, Fidel Castro arrintaasi ayuu soo qaaday sidii Soomaaliya iyo Itoobiya dal looga wada dhigi lahaa…Laakin wax hadda waaqici ah ma hayno," ayuu yiri Feysal Rooble.
Madaxweynaha Soomaaliya ee xilka sii baneynaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Eritrea ma aysan carrabaabin arrinta ku aadan midaynta dalalkan balse waxay ka hadleen sidii looga shaqayn lahaa horumarka iyo xiriirka diblomaasiyeed ee saddexda dal.
"In dalalka Soomaaliya , Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan hal madaxweyne waa arrin aanan suuragali Karin, iyadoo Eritrea uu ka taliyo madaxweyne muddo badan dalkaasi ka arriminayay. Itoobiya waxaa ka taagan khilaafaad u dhexeeya bulshooyinka halkaasi wada dega, halka Soomaaliya aysan nabad ka jirin", ayuu yiri Feysal Rooble.











