Doorashada Soomaaliya 2022: Yaa kale oo guul kala hoyday teendhada?

Xigashada Sawirka, Anadolu Agency
- Author, Abdirahman Taysiir
- Role, Weriye Sare, BBC Somali
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiska ku wareejin doona madaxwenaha cusub, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guuleystay doorasho sanad iyo saddex bil xilligeedii dhaaftay.
Xasan Sheekh waa madaxweynihii ugu horreeyay ee dowlad aan kumeel-gaar ahayn iyo madaxweyne taariikh ku galay in muddo-xileed labaad la doortay.
Marka laga soo tago guusha madaxweynaha dooran, waxaa jira guuleysteyaal kale oo dhammeystirka doorashada Soomaaliya kala haraya dareen wanaagsan, guul-shaqsi, hami iyo hiigsi cusub.
Haddaba waxaan halkan ku soo gudbineynaa guuleysteyaasha doorashada 2022, innagoo ka eegeyna xaglo kala duwan.
Shacabka Soomaaliyeed
Guuleysteyaasha ugu waaweyn ee doorashadii xalay ka dhacday Teendhada Afisiyooni waa shacabka Soomaaliyeed.

Xigashada Sawirka, HASAN ALI ELMI
Is-jiid-jiid siyaasadeed, amni-darro iyo khilaaf baahsan oo saameeyay dowladnimada Soomaalia oo uu horseeday muddo kororsi labo sano ah oo Baarlamaanka Federaalka uu u sameeyay hay'adaha dowladda ayaa dhaliyay hubanti-la'aan dhinaca loo socdo ah.
Fasiraadda aragtiyada siyaasadeed, hadal-heynta iyo falanqeynta doodaha is-diiddan iyo is-durista siyaasiyiinta ee baraha bulshada iyo warbaahinta la isku mariyo ayaa dhaliyay inaan la aqoon jihada uu dalka u socdo iyo waxa laga filan karo dhinacyada siyaasadda.
In uu ugu dambeyn dalku yeesho madaxweyne cusub waxay dajineysaa xiisadihii taagnaa iyo dareennadii la qabay ee muddada soo dhismayay, wuxuu bixinayaa waqti uu shacabku uga nasto daalkii uu reebay sooyaalkii sanadihii tagay iyo qudbadihii is-eedeynta, dareen-abuurka iyo loollanka doorashada.
Raysul-wasaare Rooble

Xigashada Sawirka, Getty Images
Raysul-wasaaraha Soomaaliya wuxuu la kowsaday muran siyaasadeed iyo colaad hubeysan oo ka dhalatay muddo-kororsi uu Baarlamaanka Federaalka ah bishii Abriil ee sanadkii 2021 u sameeyay Madaxweynaha xafiiska wareejinaya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Inuu ahaa dhowaan-gal siyaasadeed oo af-gaaban darteed, aammin laguma qabin gudashada xilkiisa. Xilligaas, mucaaradka waxay tuhunsanaayeen in xilka loogu dhiibay inuu madaxweynaha kala shaqeeyo howsha muddo kordhinta iyo in mar kale dib loogu doorto xilka.
"Murashax Madaxweyne Farmaajo wuxuu bil dhan raadinayaa maamulaha ololahiisa doorashada uu title-ka [darajo] Raysul-wasaare u huwin lahaa," sidaas waxaa xilligaas yiri Madaxa Hay'adda Hiraal ee Cilmibaarista, ahaana La-taliyihii Amniga ee Madaxweyne Farmaajo, Xuseen Macallin.
Arrintaas si tartiib ah ayay meesha uga baxday markii khilaaf la xiriira hirgelinta doorashada ay soo kala dhex-gashay isaga iyo madaxwenihiisa.
Daminta xiisaddii colaadeed iyo middii siyaasadeed ee ka dhalatay muddo kordhinta ayuu ku guulestay, isagoo kasbaday mucaaradka, kuna qanciyay ciidamadii gadoodsanaa ee ka dagaallamay Muqdisho. Xilligaas wuxuu ballan-qaaday inuu dalka doorasho ku hoggaamin doono isagoo aan dano siyaasadeed oo shakhsi ah eegeynin, murashaxna aan u ahayn inuu xafiiska dalka ugu sarreeya qabto.
Caqabado badan oo ay ugu dambeysay dhaarinta xildhibaannada oo muran-badan uu ka jiray ayuu ka gudbay, taas oo bud-dhig u ahayd dhammeystirka doorashada dalka.
Geeddigii doorashada ee xalay ku furtay Teendhada Afisiyooni waxay u tahay sumcad, guul siyaasadeed iyo taariikh baal-dahab ugu qornaan doonta sooyaalka dalka.
Dani iyo Mucaaradka
Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Puntland oo wareeggii koowaad hoggaaminayay tartanka doorashada ayaa wareeggii labaad looga adkaaday tartanka. Marka laga soo tago inuu ku guul-darreystay qabashada xafiiska dalka ugu sarreeya oo uu muddo halgan ugu jiray, haddana waxaa jirta guul shakhsi ah oo uu gaaray.

Xigashada Sawirka, Anadolu Agency
"Hadafka ugu weyn oo aan leennahay waxa weeye in uusan sii joogi karin Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xilka oo ay adag tahay inuu dalkan horay u sii socdo." ayuu Dani ka yiri xafladdii shaacinta musharraxnimadiisa bishii Maarso.
Marka taas laga shidaal-qaato, waxaa la dhihi karaa Deni 'hadafkiisii ugu weynaa' wuu gaaray.
Marka laga soo tago Deni, Mucaaradka dowladdii Farmaajo ayay guul u tahay in xafiiska la gala wareego. Isbaheysiyo siyaasadeed oo ka abuurmay Baarlamaanka cusub ee Fedaraalka ah ayaa la yimid isbeddel hoggaaneed taas oo dhalisay erey-siyaasadeedka cusub ee 'Washamsi' oo ah in wareegga ugu dambeeya codadka la isugu geeyo tartamaha ka soo horjeeda siyaasiyiinta loo xaglinayay dowladdii hore.
Raysul-wasaare hore, Kheyre
Muddo shan sano ah oo siyaasadda uu toos ugu jiray oo u kala qeybsanta saddex sano iyo bar oo uu xukuumadda Federaalka ah hoggaaminayay iyo ku dhowaad labo sano oo uu safka mucaaradka ku jiray, Xasan Cali Kheyre waa mid ka mid ah guuleysteyaasha ugu weyn ee doorashadii dhacday 15-ka May 2022.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kheyre waxay aad isugu dhowaayeen Farmaajo, waxayna dad badan aaminsan yihiin inuu eersaday ka hor-imaanshaha muddo kororsiga iyo hankiisa madaxtinimo, taas oo dhaxal-siisay in si muran leh xafiiska looga saaro.
"Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan muddo kordhin sababtoo ah muddo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase-siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur", ayuu Kheyre ka yiri kulan uu Golaha Wasiirrada qadka fogaan-aragga kula yeeshay bartamihii bishii Luulyo ee 2020-kii.
Madaxweynihii hore, Farmaajo ayaa taageeray go'aanka Golaha wasiirrada, balse dhowr iyo toban cisho kaddib baarlamaanka ayaa si muran badan ku jiro xilka uga qaaday Xasan Cali Kheyre.
Inuu wareegga labaad u gudbo waxay Kheyre u ahayd guul-wayn oo dad badan aanay sii saadaalineynin. Tabashooyin laga qabay muddadii uu xafiiska raysul-wasaaraha joogay, muddada gaaban ee uu siyaasadda ku jiray iyo saaxiibbo-la'aanta siyaasadeed owgeed ayaa loo arkaa inay tahay guul-shakhsi ah oo uu tartanka ka gaaray, taas oo ififaaleyneysa inuu leeyahay mustaqbal siyaasadeed oo uu hiigsan karo.
Madaxweynihii hore, Farmaajo
Marka la eego wixii dalka ka dhacay muddo-xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, dad badan ayaa aaminsan guul-darradiisa inuu xafiiska mar kale ku soo noqdo inay tahay mirihii ka dhashay tallaabooyinkii uu qaaday intii uu xukunka joogay.
Marka xagal kale laga fiiriyo, Madaxweyne Farmaajo guul-shakhsi ah ayuu gaaray marka loo eego aragtida jirtay awgeed inuu wareegga ugu dambeeya ka gaaray doorashada iyo inuu xilka u wareejiyay si la mid ah sidii shan sano kahor uu ugala wareegay is-la madaxweynaha cusub, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Aragtiyada jiray oo hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee nidaamkiisa diiddanaa waxaa ka mid ahaa inuu Farmaajo yahay kaligiis-taliye aan rabin doorasho iyo in si dimuquraaddi ah xilka uu u wareejiyo.
Sababo la xiriira guul-darrooyin siyaasiyiin ay isku dhowaayeen ka soo gaaray doorashooyinka baarlamaanka iyo guddoonka labada aqal iyo arrinta xildhibaannada Garbahaarrey oo loo maareeyay si aanu raalli ka ahayn ayay dad badan aaminsanaayeen inuu tartanka ka hari doono.
Inuu tartamo illaa wareegga ugu dambeeya, xilkana uu wareejiyo waxay sumcad iyo guul shakhsi ah u tahay madaxweyne Farmaajo, laakiin dad badan way ku dhaliili karaan hoggaamintiisii dalka muddadii uu xilka hayay.











