Sirdoonka Mareykanka: Putin wuxuu soo wadaa dagaal weyn

Xigashada Sawirka, EPA
Sirdoonka Mareykanka ayaa ka digay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu isku diyaarinayo in dagaal weyn oo dabo dheerado uu ku qaado dalka Ukraine iyadoo laga guuleystay ciidamadiisa ku sugan bariga dalkaas isla markaana ay suurrtogal tahay in colaadda Ukraine aysan soo afjarmin.
Digniintan ayaa ku soo beegantay iyadoo dagaallo ba'an ay ka socdaan bariga Ukraine, halkaasoo Ruushka uu isku dayayo inuu qabsado dhul ballaaran.
Moscow ayaa dib u habeyn ku sameysay ciidamadeeda doonayo inay la wareegaan gobolka Donbas ka dib markii Ukraine ay iska caabisay ciidamada Ruushka oo waday isku day ay ku doonayeen inay ku qabsadaan caasimadda Kyiv.
Laakiin iyadoo ay taasi jirto, haddana ciidamada Ruushka ayaa u muuqda kuwa jahwareersan,sida ay sheegeen sirdoonka Maraykanka.
Avril Haines, oo ah agaasimaha sirdoonka Mareykanka, ayaa u sheegtay guddiga Senate-ka Mareykanka oo dhageysanayay arrinta ku aadan in Putin uu weli damacsan yahay "inuu gaaro hadaf ka baxsan qabsashada gobolka Donbas isla markaana uu farqi u dhexeeyo wixii uu ka damacsanaa dagaalka iyo awoodda militeri ee Ruushka ee haatan"
Waxay intaa ku dartay in madaxweynaha Ruushka "malaha" uu ku xisaabtamayay taageerada Mareykanka iyo Midowga Yurub ee Ukraine si loo wiiqo awoodda Ruushka iyadoo uu sare u kacay sicir-bararka, cunto yarida iyo qiimaha tamarta ee Ruushka.
Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Ruushka uu xaaladda u baddali karo 'mid halis ah' maadaama dagaalka sii socdo - in kasta oo Moscow ay isticmaali doonto hubka nukliyeerka haddii Putin uu arko in halis ay kusoo wajahan tahay dalkiisa.
Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka Difaaca Scott Berrier ayaa u sheegay guddiga Senet-ka in Ruushka iyo Ukraine ay "isku ismari la'yihiin" dagaalka.
Ukraine ayaa sheegtay inay dib u qabsatay afar deegaan oo ku yaalla waqooyi bari gobolka Kharkiv.
Magaalooyinka Cherkasy Tyshky, Ruski Tyshky, Rubizhne iyo Bayrak ayaa dhamaantood lagala wareegay ciidamada Ruushka, sida uu sheegay militeriga Ukraine.
Madaxweyne Volodymyr Zelenskiy ayaa sheegay in guulaha Ukraine ay horseedayaan si tartiib tartiib ah in ciidamada Ruushka looga saarayo Kharkiv, halkaasoo uu Ruushka duqeynayay tan iyo markii uu dagaalku bilowday.
Laakiin wuxuu sheegay in dadka reer Ukraine "waa in aysan sameyn awood xadh dhaaf ah, halkaas oo guulo laga filayo toddobaad kasta iyo xitaa maalin kasta inay kasoo hoyiyaan".

Xigashada Sawirka, Reuters
Dhinca bariga Ukraine:
- Magaalada Izyum, meydadka 44 qof oo rayid ah ayaa laga helay burburka dhismo dumay, iyadoo dagaal xooggan uu ka socdo halkaas.
- • Dhismahan oo ka koobnaa shan dabaq ayaa dumay bishii Maarso iyadoo dadka deegaanka ay gabbaad ka dhigteen qeybta hoose ee dhismaha kuwaas oo ka cararayay duqeymaha Ruushka.
- Magaaladan waxay ku taal koonfur-bari ee Kharkiv, Izyum waxaa loo yaqaanaa albaabka laga galbo gobolka Donbas. Waxa ku hareeraysan kaymo iyo webiyo, kuwaas oo ka dhigaya dufeyso dabiici ah.
- Dagaalkii ugu dambeeyay ee warshadda birta Azovstal ee Mariupol halkaas oo boqolaal dagaalyahan oo Yukreeniyaan ah ay ku sugan yihiin dhulka hoostiisa iyadoo ay ku hareeraysan yihiin ciidamada Ruushka.
- Qabashada Mariupol waa waxa ugu muhimsanaa ee uu Ruushku damacsanaa, sababtoo ah waxay tallaabadaas u horseedeysaa in uu gacanta ku dhigo mid ka mid ah dekedaha ugu weyn Ukraine si uu ugu sii dhaadhaco gudaha Ukraine.
- Magaalada dekedda leh ee Odesa, gantaallo ayaa xaley lagu garaacay dhismayaal badan, gantaallada ayaa ruxay guryaha ku yaallaa halkaas. Hal qof ayaa ku dhintay shan qofna waa ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay ciidamada Ukraine

Wararka la xiriira dagaalka Ukraine













