Elena Kabayeva: Waa tuma marwada koobaad ee qarsoon ee madaxweyne Voldamir Putin?

Elena Kabayeva,

Xigashada Sawirka, SASHA MORDOVETS / GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Elena Kabayeva,

Elena Kabayeva, oo loo yaqaan 'Marwada Koowaad ee Qarsoodiga' ee Ruushka. Waxaa la hadal hayay tan iyo faragelintii Ruushka ee Ukraine.

Sababta ayaa ah in Maraykanku uu cunaqabatayn ku soo rogay dadka ku dhow dhow madaxweyne Vladimir Putin, oo ay ku jiraan gabdhaha Putin. Laakiin ilaa hadda ma jirto wax xannibaad ah oo lagu soo rogay Elena.

Sida uu qoray wargayska Wall Street, Maraykanku waxa uu qorsheeyay in uu cuna qabatayn ku soo rogo Putin "saaxiibaddii", blase taas ma aysan dhicin daqiiqaddii u dambeysay.

Waxaa loo malaynayaa in haddii taasi ay dhici lahayd, Putin uu u qaadan lahaa weerar shakhsi ah oo naftiisa ku wajahan oo ay khatar gelin karto dadaallada nabadda.

Si kastaba ha ahaatee, Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad Jane Sackie ayaa beenisay Isniintii in Maraykanku aanu si bareedr ah cunaqabatayn ugu soo rogin gabadha la sheegay in ay saaxiibo yihiin Madaxweynaha Ruushka.

Mar la weydiiyay sababta aan tallaabo looga qaadin gabadha horay ugu guuleystay bilad ciraraha Olombikada ah, waxay ku jawaabtay in Mareykanka qoto dheer uga fakarayo cunaqabateynta.

Putin iyo Elena

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Putin iyo Elena

Waa tuma Elena Kabayeva?

Elena waxaay ku guuleystay bilad dahab ah ciyaarihii Olombikada Athens 2004. Wuxuu bilaabay jimicsiga caadiga ah iyadoo 13 jir ah waxayna ku guuleystay horyaalkeedii ​​​​ugu horreeyay ee adduunka sannadkii 1998-dii.

Tan iyo markaas waxay ku guuleystay billado dhowr ah waxaana ka mid ahaa koobabkii sannadadii 2001 iyo 2002 ee Horyaalkii Yurub. Waxa ay sidoo kale ku guuleystay dhowr koob oo adduunka ah sannadkii 2003.

Elena waxa ay siyaasadda Ruushka ku soo biirtay sannadkii 2005-tii, xilligaas oo magaceeda lala xidhiidhinayey madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Waxaa sidoo kale loo doortay Xisbiga Midnimada Ruushka ee Duma , oo ah aqalka hoose ee baarlamaanka Ruushka. Sannadkii 2014, waxa lagu sharfay inay ka mid noqoto dhawr ciyaartoy oo sitay tooshka Olombikada Olombikada Sochi.

Elana

Xigashada Sawirka, Getty Images

Elena kuma aysan lug yeelan ciyaaraha iyo siyaasadda oo kaliya, balse waxa ay sidoo kale madax ka noqotay warbaahinta qaranka ee dowladda Ruushka. Sida laga soo xigtay Moscow Times, magaceeda ayaa laga saaray mareegaha kadib markii ay caddaatay bishii April in cunaqabatayn reer galbeedka lagu soo rogi karo dagaalka Ukraine awgii.

Sida uu qoray wargeyska Moscow Times, saraakiil ka kala socda Switzerland, Maraykanka iyo Yurub ayaa wargeyska Wall Street Journal u sheegay in Alina ay u safartay Switzerland sannadkii 2015 si ay ugu soo umusho. Sannadkii 2019, Elena waxay gudaha Moscow ku dhashay mataano. Hase yeeshee Madaxweyne Putin waligiis ma uusan xaqiijin warkan.

Ka qaybgalkeedii Munaasabadda Moscow

Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay Moscow Times, Elena Kabayeva waxay ka qaybgashay xaflad ka dhacday caasimadda Ruushka isbuucii hore. Waxay u timid bandhig jimicsi, oo la siidaynayo Maalinta Guusha Ruushka ee May.

Elana

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoys kastaa waxa uu leeyahay sheeko dagaal, waana in aynaan iloobin sheekooyinkaas oo aan u sheegno jiilasha dambe," ayay tiri.

Waxa ay sheegtay in ay taageersan tahay Isbaheysiga Mareykanka, balse ilaalinta madaxbanaanida ay muhiim u tahay Ruushka.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Elena ka qaybqaadashadii barnaamijka ka dib, waxaa meesha ka baxay wararkii xanta ahaa ee sheegayay inay ku dhuumanayso bakhaar ku yaal Switzerland ama Siberia.

Boqolaal caruur ah ayaa ka soo qeyb galay xaflada, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay astaanta 'Z' oo astaan ​​u ah duulaanka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukraine.