Dagaalka Ukraine: Malaga yaabaa in Putin maxkamad la soo taago?

A protester in Paris holds a sign accusing Vladimir Putin of war crimes

Xigashada Sawirka, Reuters

Sawirro laga soo qaaday meydadka rayidka waddooyinka Bucha ayaa horseeday cambaareyn caalami ah oo ka dhan ah Ruushka iyo eedeymo dheeraad ah oo ku saabsan in ciidamadiisa ay geysanayaan dembiyo dagaal.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada ayaa durba billowday baaritaanka haddii ay dembiyo dagaal dhacayaan sidoo kale Ukraine ayaa sameysay koox caddeymo soo uruurisa.

Waa maxay dembiyo dagaal?

Waxaa laga yaabaa inaysan u muuqan, balse "xitaa dagaalku shuruuc ayuu leeyahay", sida uu qabo Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas.

Shuruurcdan waxay ku jiraan cahdiyo lagu magacaabo Cahdiyada Geneva iyo shuruuc iyo heshiisyo kale oo caalami ah.

Dadka rayidka ah si ula kac ah looma weerari karo - iyo sidoo kale dhismooyinka iyo waddooyinka muhiimka u ah noloshooda.

Hubka qaar waa la manuucay sababo la xiriira dhibaatooyinka ay sababaan - sida miinooyinka iyo hubka kiimikada ama bayolojiga.

Dadka xanuunsan ama dhaawaca ah waa qasab in la daryeelo - oo ay ka mid yihiin saraakiisha dhaawaca ah, oo xaq u leh inay noqdaan maxaabiis dagaal.

Dembiyada aadka u daran sida dilka, kufsiga amaba dilal wadareedyada waxaa loo yaqaannaa "Dembiyada ka dhanka ah bani'aadannimada".

Waa maxay xasuuq?

Xasuuqa marka la eego sharciga caalamiga ah waxaa lagu qeexaa dilka ula kaca ah ee dadka dal gaar ah, isir ama koox diimeed, iyadoo loola dan leeyahay burburinta kooxda - haddii ay gebi ahaan yihiin amaba qeyb ka mid ah.

Markaas, xasuuqu waa dembi dagaal oo goonni ah oo ka weyn kan dilka sharci darrada ah ee rayidka. Sharcigu wuxuu u baahan yahay caddeyn ku saabsan in loo dan lahaa burburinta koox.

Xasuuqii 1994 ka dhacay Rwanda ee loo geystay qiyaastii 800,000 oo qof ayaa horseeday in la maxkamadeeyo dadka qaar oo ka dambeeyay.

Maxaa eedeymo dembiyo dagaal ah oo ka jiray Ukraine?

Baarayaasha iyo weriyeyaal ayaa ka war helay wax u muuqda inay caddeymo u noqon karaan dilka ula kaca ah ee rayidka loogu geystay Bucha, oo ah magaalo ku taalla duleedka Kyiv, iyo deegaanno u dhow.

Ciidamada Ukraine ayaa sheegay inay xabaal-wadareedyo heleen ayna jirto caddeyn ku saabsan rayid la toogtay kaddib markii gacmahooda iyo lugahooda la isku xiray.

Ra'iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in weerarradu oo dembiyo dagaal ay yihiin caddeymo dheeraad ah.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Ruushka uu "burburiyay dhismooyin, iskuullo, isbitaallo, waddooyin muhiim ah, gawaari dadweyne, xarumo laga dukaameysto, iyo ambalaasyo" - ficilladaas oo uu Mareykanku sheegay inay u dhigmaan dembiyo dagaal.

Bishii March, duqeyn cirka ah oo uu Ruushku ka geystay tiyaatar ku yaalla magaalada Mariupol ayaa u muuqda inay tahay meeshii ugu horreysay ee la xaqiijiyay inay dilal ballaaran ka dhaceen. Erayga "carruur" ayaa far waaweyn ku qornaa bannaanka dhismaha.

Ukraine ayaa hore duqeymaha cirka ee Ruushka ka geystayisbitaalka Mariupol ku tilmaantay dembi dagaal.

Waxaa sidoo kale jira caddeymo soo baxaya oo ku saabsan in nooc bambada ka mid ah oo halis ah lagu weeraray meelo ay rayid deggan yihiin oo ku yaalla magaalada Kharkiv.

UK ayaa sheegtay in Ruushka uu adeegsaday walxaha qarxa oo halis ah. Walxahaas lama mamnuucin, balse in si ula kac ah loogu adeegsado meelo ay rayid ka dhow yihiin ayaa ha kuwo jebinaya shuruucda dagaal e calamiga ah.

Khubarro badan ayaa ku doodaya in duullaanka qudhiisa uu yahay dembi.

An apparent cluster bomb sub-munition that fell on Kharkiv

Xigashada Sawirka, Private/Human Rights Watch

Qoraalka sawirka, Caddeyn muujineysa bambo halis ah oo loo adeegsaday Kharkiv

Sidee loo maxkamadeyn karaa dadka looga shakisan yahay dembiyo dagaal?

Waxaa jira maxkamado tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka - waxaana ka mid ah maxkamadda baareysa dembiyada dagaal ee kala go'ii Yugoslavia.

Guddi ayaa sidoo kale loo saaray oo maxkamadeeya kuwii ka dambeyay xasuuqii 1994 ka dhacay Rwanda.

Maanta, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada (ICC) iyo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ) ayaa door ku leh ilaalinta shuruucda dagaalka.

Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ) shuruucdeeda waa murannada u dhaxeeya dalalka, balse ma maxkamadeyn karto shakhsiyaad. Ukraine ayaa furtay kiis ka dhan ah Ruushka.

Haddii ay ICJ riddo xukun ka dhan ah Ruushka, Golaha Ammaanka ee QM ayaa mas'uul ka noqon doona xoojintiisa.

Balse Ruushka - oo ka mid ah shanta xubnaha joogtada ka ah golaha - ayaa codka diidmada qayaxan u adeegsan kara haddii cunaqabateyn lagu soo rogo.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada (ICC) ayaa baarta oo maxkamadysa shakhsiyaadka dembiyada dagaal geysta.