Sida 52 qof loogu khiyaanay shaqo been abuur ah

Shirkii dhanka Zoom-ka ahaa waxaa ku jirtay ilaa 40 qof, shirka ay lahaayeen shaqaalaha shirkadda qaabilsan naqshadeynta waxaa loogu baaqay inay soo dhaweeyaan shaqaalaha cusub ee dhawaan la qoray, shirkadda magaceeda wuxuu ahaa Madbird halka ninkii madaxda ka ahaa la oran jiray Cali Ayad, qof kastana wuxuu ka doonayay in uu noqdo qof firfircoon sidiisa oo kale.
Laakin waxa ay garan waayeen kuwa kamaradahooda shitay in qaar ka mid ah kuwa kale ee shirka ka soo qayb galay aanay ahayn dad dhab ah oo aysan garaneyn wajiyadooda, dadka qaarkood waxay lahaayeen Emailo , waxaa sidoo kale u furnaa barta LinkedIn, laakin magacyadooda saxda ah ma aheyn kuwa sax ah dad kale wajiyadooda ayay adeegsanayeen.
Dhammaan arrinta waxay aheyd mid been abuur ah, BBC ayaa muddo sanad ah ku qaadatay baaritaanka waxa dhacay.

Chris Doocey, oo ah 27 jir maareeyaha iibka ah oo fadhigiisu yahay Manchester, wuxuu shaqo ka bilaabay Madbird Oktoobar 2020, dhawr bilood ka hor wicitaanka Zoom. Waxaa loo sheegay inuu ka shaqayn doono guriga. waxaa dunida si ba'an u saameeyay cudurka Covid-19, waana sababta Chris uu shaqo uga raadsaday Madbird, xayeysiintu waxay tilmaantay "wakaaladda naqshadaynta Digital-ka ah ee bani'aadamka xuddunta yahay oo kasoo baxda London, oo adduunka oo dhan ka shaqeysa". Waxay ula ekaatay mid wanaagsan.

Madbird waxay shaqaaleysiisay in ka badan 50 qof oo kale. Intooda badan waxay ka shaqeeyeen iibka, qaar nakhshadaha iyo qaar kale oo laga dhigay kormeerayaal. dadka cusub ee ku soo biiray waxaa la faray inay guryaha ka shaqeeyaan -waxaa si toos ah farriimo laisugu dirayay Email-ka iyo barta Zoom-ka.
Shaqaale kale ayaa ku noolaa meel ka baxsan UK, qof kastana wuxuu galay suuqyada caalamiga ah, Waaxda shaqaaleysiinta ee Madbird ayaa internetka ku baahisay xayeysiisyada shaqo ku saabsan iibka caalamiga ah oo fadhigeedu yahay Dubai. Ugu yaraan toban qof oo ka kala yimid Uganda, India, South Africa, Philippines iyo meelo kale ayaa la shaqaaleysiiyay.
Waxaa shaqaalaha loo sheegay in marka ay ka gudbaan muddada tijaabada ah oo lix bilood aheyd in la siin doono dal ku galka dalka UK, Waxay shirkadda Madrib bixineysaa kharashka qofkaa uu ku tegayo UK.
Ali Ayad wuu ogaa waxa ay noqon karto in nolol cusub laga sameeyo UK. Waxa uu inta badan kala hadli jiray shaqaalaha Madbird noloshiisii hore ka hor inta uusan degin London.
Laakiin waxaa jiray qaybo badan oo sheekadiisa ah hal qof waxa uu isu baray Mormon, oo ka yimid Utah ee Maraykanka.
Dadka qaar wuxuu u sheegay inuu kasoo jeedo Mareykanka halka qaar uu u sheegay in uu kasoo jeedo dalka Lubnaan.
Xitaa marar qaar wuxuu isugu yeeri jiray Ayyad iyo Alex Ayd".

Cali wuxuu inta badan shaqaalaha u sheegi jiray sheekooyin joogto ah-wuxuu sheegay in wakhti uu ku qaatay shirkadda Nike oo uu ka ahaa naqshadeeya dhanka hal abuurka, wuxuu qof kasta u sheegi jiray in uu ka shaqeeyo xarun wax xayeysiisa oo ku taalla gobolka Oregon ee dalka Mareykanka, Waxay ahayd meeshii uu kula kulmay Dave Stanfield, oo ah aasaasihii Madbird.
Sheekooyinka guusha Cali uma ekeyn kuwa been abuur ah, wuxuu ahaa howlwadeen ku takhasusay wicitaanka muuqaallada, waa nin cod kar ah, Wuxuu u hadlay si kalsooni leh, mararka qaarkoodna wuxuu u cagajugleyn jiray shaqaalaha, Waa arrinta ku khasabtay in ugu yaraan saddex qof ay shaqada isaga tegaan.
Shaqaalaha Madbird wax shaki ah kama aysan qabin sheekada Nike, waxay inta badan macluumaadkiisa ka eegi jiray barta LinkedIn.
Inta aysan fashilmin shirkadda been abuurka ah ee Madbird, waxyabaaha ay shaqaalaha ka cabanayeen ayaa aheyd in wax mushaar ah aysan qaadan.
Waxaa shaqaalaha lagu la heshiiyay inay marka ay dhameystaan muddada lix bilood ee tijaabada ah la siin doono ($47,300) oo doolar.

Wax heshiis ah lalama gelin dhalinyaradan, marka la gaaray bishan Febraayo shaqaalaha ma aysan saxeexin wax qanddaraas ah iyo lacagtoona ah.
Qaar kamid ah shaaqalaha ayaa isaga tagey shaqada balse intooda badan wey joogeen-intooda badan lix bilood ayay halkaas joogeen, qaarkood waxay nolosha ku khasabtay in lacago amaah ah ay soo qaataan si ay ugu maareeyaan nolosha qoysaskooda.

Gemma Brett iyo Antonia Stuart waxay ahaayeen laba shaqaale oo ka shakiyay shirkaddan, Ka dib markii internetka ay baaritaan ka sameeyeen iyaga oo isticmaalaya sawirro muuqaal ah, waxay ogaadeen in qaar badan oo ka mid ah asxaabtooda aysan jirin. waxay go'aansadeen in dhammaan shaqaalaha ay u direen Email.
Waxay ku eedeeyrreen aasaasaha shirkadda Madbird "Anshax xumo" oo kamid yihiin in uu ka kacay falal xatooyo iyo shaqo been abuur ah.
Waxay u muuqatay in shaqaalaha lagu khiyaanay shaqo been abuur ah isla markaana aysan heli wax lacag ah muddadii ay shaqeynayeen.
Waana xilliggii aan bilownay baaritaanka, waxaan xaqiijinay Email-ka la diray.

Xigashada Sawirka, .
Been abuurka
Shirkadda muddo 10 sano ah kama aysan shaqeyneyn badeecadaha laisaga gudbiyo caalamka iyo gudaha, sida lagu xusay Emailka, Ali Ayad wuxuu shirkadda Madbird ka diiwaangeliyay UK isla maalintii uu shaqaaleysiiyay Chris Doocey- 23 September 2020.
Ugu yaraan lix ka mid ah shaqaalaha ugu sarreeya ee Madbird waxay ahaayeen kuwo been abuur ah. magacyada waa laiska sameeyay iyadoo la isticmaalayo sawiro laga soo xaday interneedka iyo magacyo been abuur ah oo la sameeyay.
Iyadoo la adeegsanayo teknooloojiyadda aqoonsiga wajiga waxaan isku barbardhignay sawirka Dave Stanfield iyo qofkii iska lahaa sawirkjaas, waxaa inoo soo baxday magaca nin la yiraahdo Michal Kalis. markii aan la xiriirnay wuxuu inoo sheegay in ku noo l yhaya Paraguay isla markaana uu ka shaqeysto xanaaneynta Shinnida, wuxuu sheegay in uusan xitaa maqlin magaca 'Madbird, 'Ali Ayad' ama Dave Stanfield.

Tusaale ahaan, nin shirkadda been abuurka ah u qaabilsanaa naqshadeynta sawirrada iyo muuqaalada ayaa adeegsanayay sawir been ah.
Dhammaan sawirrada waxay ahaayeen kuwo lasoo xaday si loogu been abuurto dad kale.
Waxaan la xiriirnay dhammaan shirakadiihii ay sheegan jirtay Madbird inay macaamiil u ahaayeen sida Nike, Tate, iyo Toni & Guy. waxay dhammaantood sheegeen in weligood wax shaqo aysan dhexmarin Madbird.
Markii aan baaritaan ku sameynay arrinta, waxaan ogaanay in Ali Ayad uusan weligii la shaqeynin Nike, shirkaddana wey xaqiijisay arrintaas.
Shaqaalihii ayaa qaatay deymo iyagoo mar uun ku han weynaa in lix bilood kadib lacag la siin doono taas oo aan dhicin.
Waxaana shaqaalahaas kamid ahaa Elvis John oo asaal ahaan kasoo jeeday Chennai Hindiya, wuxuu rajeynayay in mar uun la geeyo UK kadib marka uu dhameysto lixda bilood ee tijaabada ah si shirkadda Madbird ay uga bixiso kharashak fiisaha UK markii uu arkay Emailka daaha ka rogay fadeexaddan aad ayuu welwelay.

Qabashada Cali
Waxaan ku aragnay galbeedka London xilli duhur ah bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay, wuxuu xirnaa jaakad madow ah, wuxuu isku dayay inuu iska dhaga tiro su'aalaha aan weydineynay-markii wuxuu ku khasbanaaday inuu ka jawaabo.
Wuxuu ku adkeystay in uu waday isku day uu wax wanaagsan kula imaanayay.
"Waxan aan ogahay ayaa ah in fursado aan u abuurnay dadka kadib saameynta ka dhalatay Covid-19"
Markii aan ku eedeynay in uu sameeyay wajiyo been abuur ah isla markaana uu xaday shaqo dad kale ay lahaayeen, aad buu u xanaaqay.
Wuxuu sidoo kale ku adkeystay in shirkadda Madbird ay laheyd xafiis aan rasmi aheyn, "Khasab ma ahan in aad Kombiyuutar hor fariisato? waa shirkad Digital ah"
Markii wuu ka gaabsaday in uu ka jawaabo su'aalaha.


Waxaa naqshadeysay Lilly Huynh













