Waalidiin war khaldan loo sheegay oo si arxan darro ah u dilay labo nin

Bishii October ee sannadkii la soo dhaafay, labo baarayaal ah ayaa waxa lagu dilay tuulada Gonji ee dalka Itoobiya. Baarayaasha oo ka yimid caasimadda Addis Ababa, ayaa baarayay heerka xanuunada mindhicirka, iyaga oo ku sugan mid ka mid ah iskuulada tuulada ayaa waxa la shaaciyey warar been abuur oo lagu sheegay inay ilmaha siinayaan sun.
Baaritaan ay samaysay BBC-da ayaa waxay kula kulantay nin ka badbaaday halista ka dhalatay warkaan been abuurka ah oo lagu magacaabo Haileyesus Mulu.
"Ilkaha ayaa laiga burburiyey, muddo lix isbuuc ah ayaan isbitaalka ku jiray aniga oo miyir la'aan ah kadib weerarkii nagula qaaday."
Haileyesus, oo ah farsamayaqaan ka howl gala deegaanka ayaa waxa lagu amray inuu la shaqeeyo Dr. Wossen Tafere iyo Mandfero Abi, oo ahaa baarayaal ka yimid caasimadda Addis Ababa, baarayayna heerka xanuunada mindhicirka ee iskuulada dowladda ee gobolka Amhara. Labadaba waxay fasax ka haysteen dowladda. Balse arrimaha ayaa aad u xumaaday. Haileyesus waxa uu sheegay inuu yahay qofka kaliye ee ka badbaaday weerarkan maadama ay u maleeyeen inuu dhintay.
"Macalinka iskuulka ayaa noo sheegay inaan ka tagno goobtii aan ku sugnayn. Ardayda oo kaliya ma ahayn waxa laga cabsi qabay balse xitaa dadka kale ee bulshada. Waxa ay sheegeen inaan sumaynayno carruurtooda. Qof ayaa u sheegay in sababta aan halkan u nimaanay ay tahay inaan ilmaha iskuulka ka layno."
BBC-da ayaa sidoo kale la kulantay Alemneh Tafere, oo ah walaalka mid ka mid ah baarayaasha la dilay.
"Uma aanan malaynaynin inuu dhimanayo. Maxaan samayn karnaa? Wax dhib ah malahan inay dadka dhintaan balse ma ahayn inay sidaas ku dhintaan. Waxa uu jiray 42 sano, ma uusanna helin waqti uu ku guursado. Waxa uu sheegay inuu guursan doono ka hor inta uusan tuulada ka tagin", ayuu yidhi.

Gonji waa meel yar, oo ay dadka iswada yaqaanan. Biyazinejigu Melese, oo ah madaxa iskuulka weerarka uu ka dhacay ayaa sheegay inaysan filaynin arrinkan ayna ku noqotay dhacdo walaac badan abuurtay.
"Waxaan baarayaasha ka codsaday inay bulshada la hadlaan ayna u sharaxaan adeegooda. Markaas dhakhtarka waxa uu ii sheegay inuusan baqaynin maxaa yeelay waxa ay samaynayaan waa wax sharci ah. Kalsooni ayuu qabay. Kaddib markii aan shaqada joojinnay, waxaan aadnay albaabka. Markaas ayaana aragnay waalidiin badan oo dhankeenna u soo socda", ayuu yidhi.
Dhacdadan naxdinta leh ayaa waxaa sababay warka been abuurka ah ee lagu dhex faafiyay bulshada.
Meelo badan oo ka mid ah caalamka, sida Hindiya iyo Bangladesh ayey dad ugu dhinteen warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada awgood.










