Uganda oo baaraysa tallaal ''been abuur ah''

Xigashada Sawirka, AFP
Baaritaan ayaa kusocda labo sharikadood oo laga leeyahay dalka Uganda, kuwaas oo lagu eedaynayo in ay keeneen xarumaha caafimaadka dalkaas ee gaarka loo leeyahay talaalka cagaarshowga ama Hepatitis B oo been abuur ah.
Wargayska ay dawladdu leedahay ee New Vision ayaa kasoo xigtay Wasaaradda caafimaadka dalkaas in ay jirto fursad tallaalku uu ku noqon karo mid sax ah, balse si khaldan loo calaamadeeyey.
Sida laga soo xigtay ururka qaran ee daawooyinka dalkaas ee magaciisa loo soo gaabiyo (NDA) kaas oo baaritaan ka barbar wadda wasaarrada caafimaadka, talaalkaan been abuurka ah ayaa laga helay sideed isbitaal iyo xurumo kale oo ku yaal magaala madaxda Kampala, iyo sidoo kale magaalooyinka Mbale, Entebbe iyo Mbarara.
Ugu yaraan hal xarun oo caafimaad oo kamid ah kuwa baaritaanku ku socdo ayaa beenisay in ay isticmaashay talaalkan been abuurka ah.
"Adeegyadeenu waa kuwo gaarsiisan heer caalami… dhammaan daawooyinka loo qaybinayo isbitaalladeena waxa ay maraan baaritaan adag si aan u hubino in ay yihiin kuwo sax ah oo waxtar leh" waxaa sidaa sheegay afhayeenka xarunta Kampala Univic Medical oo la hadlayey wargayska gaarka loo leeyahay ee Daily Monitor.
Balse ururka daawooyinka qaranka (DNA) ayaa sheegaya in ay arkeen talaalkan been abuurka ah markii ay booqdeen xarumaha caafimaadka.






