Sida lagu faafiyay been abuurka sheegayay in haweenay ay 10 carruur ah dhashay?

Xigashada Sawirka, African News Agency (ANA)
Baadhitaan ay masuuliyiinta dawladdu sameeyeen ayaa lagu ogaaday in warar horaantii bishaan sheegayay in haweeney Koonfur Afrikaan ah oo lagu magacaabo Gosiame Sithole ay umushay 10 caruur ah war aan sal iyo raad lahayn oo been abuur ah.
Maamulka gobolka Gauteng ayaa sheegay in aysan jirin caddeyn rasmi ah oo muujineysa in haweeneydaasi ay dhashay 10 caruur ah.
Qaar ka mid ah tijaabooyinka sayniska ayaa muujiyay in Ms Sithole aysan uur yeelan muddooyinkii u danbeeyey, sida ay sheegeen cilmi baadhayaasha.
Haweenaydan oo jirta 37 ayaa hada waxa ay ku jirtaa dhaqtarka maskaxda.
The Independent Online (IOL), oo laga leeyahay Pretoria News oo ahayd goobtii ugu horreysay ee daabacaadda warkan, ayaa weli ku adkaysanaysa in sheekadan ay tebiyeen run tahay.
Wuxuu ku andacooday in Ms Sithole ay 7-dii Juun ku umushay isbitaalka Steve Biko Academic Hospital (SBAH) ee caasimadda Pretoria.
Waxayna sheegayaan in dayacii ku yimi dhalmada gabadhaas ay cisbitaalka iyo maamulku degmadu isku deyayaan in qariyaan, oo sheekadii ka soo qaadaan waxba kama jiraan.
"Eedeymahan waa calaamadeyn aan sal iyo raad toona lahayn oo loola dan leeyahay in lagu bahdilo cisbitaalka Steve Biko iyo Dawlad Gobolleedka Gauteng," ayaa lagu yiri qoraalka.
Bayaanka ayaa intaas ku daray talaabo sharci ah oo laga qaadi doono tifaftiraha guud ee wararka Pretoria, Piet Rampedi, iyo IOL.
Sidee ayay sheekadan ku soo bilaabatay?
Ms Sithole, oo haysata mataanaheeda lix sano jirrada ah iyo lamaanaheeda Teboho Tsotetsi waxay ku nool yihiin Thembisa, gobolka Gauteng oo u dhaw Johannesburg.
Sida laga soo xigtay IOL, waxay dhigtaan isla kaniisadda ay ku kulmeen bishii December Rampedi oo ah weriyihii sheekadan ka sameeyey Bishii May waxaa la sheegay inuu wareystay lammaanaha oo ay u sheegeen inay filayaan sideed carruur ah - sawir muujinaya Ms Sithole oo uur lehna laga qadaay.
Bishii Juun 8deedii, Pretoria News waxay soo werisay lala anfariiray ee ku saabsanaa dhalashada 10 carruur ah, iyagoo soo xiganaya Mr Tsotetsi oo ah ninka u sheegay sheekada. Markii dambena wuxuu sheegay inuu ka helay farriimo qoraaleedka saaxiibtiis una sheegtay inay umushay, wuxuuna intaa ku daray in loo diiday inuu tago isbitaalka sababo la xiriira wadno xanuun.
Rampedi wuxuu kaloo isna ku tiirsanaa farriima lagu wadaagayey dhanka WhatsApp - mana uusan helin ilo ka madax bannaan cisbitaalka oo ku saabsan sugnaanta sheekada.
Duqa magaalada ayaa markaa xaqiijiyay dhalashada - oo markaa ay baahisay warbaahinta, oo ay ku jirto BBC - laakiin afhayeen u hadlay dowladda ayaa goor dambe sheegay in siyaasigu uu kaliya ka maqlay warka qoyska haweenaydaas oo cidina ma arkin dhallaanka markii ay dhasheen kaddib.
Waxaa lacago deeq ah loo diray lamaanaha iyo caruurta ay dhaleen, oo lagu naanaysi jiray "Thembisa 10", oo ay kujirto hadiyad dhan hal milyan oo rand ($ 70,000; £ 50,000) oo ka timid madaxwaynaha IOL Iqbal Survé.
Si kastaba ha noqotee, shaki ayaa ka dhashay sheekada ka dib markii Pretoria News ay ku guuldareysatay inay sheegto isbitaalka ay ku dhasheen dhallaankaasi iyadoo dhowr isbitaal oo ku yaal gobolka Gauteng ay soo baxeen oo ay beeniyeen eedeymaha.










