Qalliin lagu sameeyey ilmo aan weli dhalan oo ilmo galeenka ku jira

Hooyooyinka ayaa la siiyey dawooyin dejiya inta uu qalliinku socdo
Qoraalka sawirka, Hooyooyinka ayaa la siiyey dawooyin dejiya inta uu qalliinku socdo

Qalliinnadan oo ahaa kuwii ugu horreeyay ee noocooda ah oo laga sameeyo dalka Ingiriiska ayay koox dhakhaatiir ah oo ka kooban 30 ruux ka fuliyeen isbitaal ay leedahay jaamacadda Magaalada London.

Carruurta ayaa qabtay dhibaato ku saabsan lafdhabarta oo aan si fiican u dhammeystirneyn, taasoo loo yaqaanno spina bifida.

Xanuunkan ayaa markii hore si caadi ah loo daweyn jiray, ka dib marka ay ilmaha dhashaan, hase ahaatee waxay khubarada caafimaadka isku raaceen in isku habeynta lafdhabarta xanuunkaas qabta ay ku haboon tahay marba marka ka sii horreysa.

Sidaasi awgeed ayay dhakhaatiirta ula tacaaleen xilli ay ilmahaasi wali ku jireen uurka hooyooyinkood.

Inta lagu guda jiray mid ka mid ah qalliinnada oo socday 90 daqiiqo, isla markaana la fuliyay xagaagan, ayey dhakhaatiirta ku guuleysteen iney furaan minka hooyada ka dibna isku hagaajiyaan texanaha lafdhabarta, si loo buuxiyo meelo ay ka kala durugsaneyd.

Howlgalkan oo halis ah ayaa sababi kara in ilmaha ay soo dilmaan, balse khubarada ayaa isticmaashay habab iyo qalab casri ah oo ay khatarta ku yareynayeen.

"Hooyooyinka waxaan siinnay dawooyin sababaya iney xasilaan, laakiin wali way jirtay khatartu" ayay tiri Barfasoor ka tirsan jaamacadda howlgalkan fulisay oo lagu magacaabo Anne David, taasoo dadaal saddex sano ah ku bixisay sidii qalliinkaas loo geyn lahaa dalka Ingiriiska.

Mas'uuliyiinta isbitaalka ayaa sheegay in hooyooyinka iyo carruurta lagu sameeyay qalliinnadaas ay hadda soo caafimaadayaan.

Qaabka qalliinka uu u dhacay
Qoraalka sawirka, Qaabka qalliinka uu u dhacay

Haweenka ay carruurtooda dhibaatadaas qabaan ayaa horay qalliinka noocan ah ugu doonan jiray dalalka Mareykanka, Biljam iyo Switzerland.

Barfasoor David oo hadalkeeda sii wadatay ayaa tiri: "Dumarka hadda uma baahna iney u safraan meel ka baxsan Ingiriiska. Waxay adeegga helayaan iyagoo qoysaskooda la jooga. Kharashkuna intii hore wuu ka yar yahay. Marka arrimuhu aad bay u wanaagsanyihiin".

Muxuu yahay xanuunka spina bifida?

Sida ay sheegtay hay'adda samafalka ee Shine, 200 oo carruur ah ayaa sannad walba ku dhasha xanuunka noocan ah.

Waaxda qaran ee caafimaadka ayaa sharraxday xanuunkaas oo ay ku tilmaantay mid ka yimaada marka ay si aan dhammeystirneyn u abuurmaan maxkaxda iyo lafdhabarta carruurta, arrintaasoo horseedda in ay qabyo noqdaan qeybo ka mid ah lafdhabarta.

Inta badan qalliinka ayaa loo adeegsan karaa in lagu daboolo meelaha ka bannaan lafta dheer ee dhabarka, balse mararka qaar waxay u badan tahay iney horayba waxyeello u sii gaartay neerfaha, taasoo sababta in cunuga uu curyaan ka noqdo lugaha.

Carruurta qaar ayay xaaladdan caafimaad darro u horseeddaa iney fahmad u yeelan waayaan waxbarashada.

Ilaa hadda lama oga waxa sababta u noqda xanuunkan, oo ilmaha soo food saara inta ay hooyadu uurka leedahay, hase yeeshee waxaa khatarta sii kordhin kara in hooyada uurka leh ay qaadan weyso fitamiinnada loogu tala galay, gaar ahaan nooca loo yaqaanno Vitamin B Complex.

"Waxaa jira carruur lagu sameeyay qalliinkan oo ay u suurta gashay iney socdaan, laakiin haddii aan adeegaas caafimaad loo sameyn lahayn, lagama fisheen iney lugahooda ku istaagaan" ayay tiri Barfasoor David oo ka qeyb qaadatay daraasad dhawaan laga soo saaray Mareykanka.