Tabobarihii hore ee Man United oo maskaxda laga qalay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tabobarihii hore ee kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson oo shalay qaliin degdeg ah oo dhanka maskaxda lagu sameeyay ayaa haatan la soo sheegayaa in xaaladiisu ay soo hagaageyso.
War qoraal ah oo kasoo baxay Manchester United ayaa lagu sheegay in qallinkii lagu sameeyay Sir Allex uu si wanaagsan ku dhamaaday, haatanna uu u baahanyahay waqti, si uu usoo kabto.
Sir Alex oo ka soo jeeda gobolka Scotland ee boqortooyada Ingiriiska ayaa ciyaaraha ka fariistay sannadkii 2013-ka, kadfib markii uu ku guuleystay 38 koob 26 sanno oo uu tababare u ahaa kooxdaasi.
Aaxaddii lasoo dhaafay ayaa Sir allex waxaa lagu arkay garoonka Old Trafford, xiligaasi oo uu macsalaameynayay Arsene wenger oo isna ka tegayay kooxad Arsenal.
Sir Alex Ferguson ayaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay tababarayaashii soo maray horyaalada Ingiriiska ee horumarka ka gaaray dhanka tababaranimada, waxaana uu horyaalka Ingiriiska ku guuleystay 13 jeer.






