Dilip Kumar iyo Bollywood: Muxuu jilaagan isaga bedelay magaciisii Yusuf Khan?

Jilaagan caanka ah, Dilip Kumar, wuxuu ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Mombai, wuxuuna ahaa 98 sano jir.
Buug uu qoray ayuu uga sheekeeyay sida uu isaga bedelay magaciisii Yusuf Khan iyo waxa ku qasbay in uu u baxsado Dilip Kumar.
Dunida waxay ku xusuusataa magaca Dilip Kumar, waxaana aad loo ammaanay qaabka jilliinkiisa iyo waxyaabo badan oo filimada uu ku soo kordhiyay. Weligiina kuma uusan fikirin in mar ay dunida si wayn u xusi doonto magaciisa.
Dilip Kumar aabihii wuxuu ka mid ahaa ganacsatadii qudaarta ee ugu waaweynaa Mumbai. wuxuuna isagoo yar ka mid noqday ganacsiga reerkiisa.
Xilligaas waxaa lagu magacaabay Yusuf Sarwar Khan, wiilka ganacsadaha Maxamed Sarwar Khan.
Ka dib, wuxuu go'aansaday in uu u guuro magaalada Pune, si uu u noqdo qof isku filan. Maadaama uu garanayay luqadda Ingiriiska, wuxuu shaqo kaaliye ah ka helay goob ganacsi oo ciidankii Britain ay ku lahaayeen Pune.
Ka dib wuxuu furtay meel lagu iibiyo rooti la dhexgeliyay hilib ama khudaar, wuxuuna noqday qof caan ka dhex ah ciidamadii Britain. Balse waxaa markii dambe loo xiray in uu taageeray dagaalladii looga soo hor jeeday British-ka ee xornimo doonka.
Dilip Kumar wuxuu arrimahaan oo dhan kaga hadlay buuggiisa uu kaga sheekeeyay taariikhdiisa noloshiisa.

Xigashada Sawirka, Twitter@NFAIOfficial
Jilaagan oo la dhihi jiray Yusuf Khan, wuxuu dib ugu noqday magaalada Bombay (haddana ah Mumbai) wuxuuna dib u billaabay in uu aabihii caawiyo. Wuxuu sidoo kale billaabay ganacsiga barkimaha oo uu ku qasaaray.
Yusuf Khan wuxuu markii dambe u wareegay Dadar, oo uu ka helay shaqada soo dejinta alaabaha alwaaxda ah ee ciidankii Britain. Wuxuuna ka helay lacag fiican.
Wuxuu la kulmay oo ay is barteen Dr Masani, oo ahaa dhakhtar cilmu-nafsiga bartay oo aad loo garanayay.
Wuxuu Yusuf Khan u sheegay in uu halkaas shaqo fiican ka heli karo. Markii hore wuu yara diiday, balse waxaa soo jiitay in xilligaas meeshaa laga furay istuudiyowga aflaanta, sidaa ayuuna ku aqbalay.
Qorshihii magac bedelka
Dilip Kumar wuxuu booggiisa ku sheegay in uu joojiyay la hadalkii Dr Masani iyo gabadhii uu sii baray ee Davika Rani, oo ahayd milkiilihii 'Bombay Talkies', ka dib markii uu ogaaday in uusan diyaar u ahayn magac cusub.

Xigashada Sawirka, Dilip Kumar family collection
Magaciisa wuu fiicnaa, balse muhiim miyey ahayd in uu iska bedelo?
Devika Rani ayaa u dhoollacadeysay, waxayna Dilip Kumar ku tiri, "Fikir dheer ka dib, waxaan go'aansaday in magacaaga aflaanta uu meeshiisa ahaanayo."
Dilip Kumar wuxuu buuggiisa ku sheegay in Devika Rani ay u sheegtay in ay aragto guushiisa mustaqbalka ee dhanka aflaanta, ayna wanaagsan tahay in uu yeesho magac uu caan kaga yahay aflaanta dhexdooda. Sidoo kale, waxaa loo sheegay in magaciisa uu yahay mid Muslim.
Xilligaas waxay ahayd ka hor intii Hindiya aysan qaadanin xuriyadda, mana aysan jirin khilaaf iyo dareen ka colaadeed oo ka dhexeeyay dadka Hindu-ga iyo Muslimiinta.
Balse, dhowr sano ka dib, waxaa la kala jaray Hindiya iyo Pakistan oo hal dal isku ahaa. Waxaana loo kala qeybiyay Hindu iyo Muslimiin.
Devika Rani waxay fahamsanayd suuqa aflaanta, waxayna ogayd in loo baahan yahay magac ay aqbali karaan labada bulsho.
Balse xaaladda sidaa way ka duwanayd. Keliya, jilaayadii Muslimiinta ahaa ayaa laga doonayay in ay magaca iska bedelaan, oo ay la yimaadaan mid u gaar ah aflaanta.

Xigashada Sawirka, Twitter@aapkadharam
Ka hor Dilip Kumar, Waxay Devika Rani iyo seygeeda Himanshu Rai magaca ka bedeleen Kumudlal Ganguly oo ay ka dhigeen Ashok Kumar, xilligii jilliinka ee filimkii 'Achhut Kanya' ee 1936.
Ashok Kumar wuxuu ahaa jilaagii ugu horreeyay ee isticmaalay magaca Kumar ee aflaanta Hindiga qeyb ka noqday. Wuxuuna kaga sii horreeyay Dilip Kumar.
Haddaba, inkastoo Dilip Kumar uusan ogolaanin in magaca laga bedelo, haddana wuxuu wakhti la qaadan jiray Ashok Kumar, wuxuuna ugu yeeri jiray Ashok Bhaiya.
Xoogaa ka dib, Yusuf Khan, wuxuu ogolaaday in magaca uu iska bedelo, wuxuuna muddo niyadda ku hayay Dilip Kumar in uu baxsado.
Jilaagii kale ee caanka ahaa, Shashidhar Mukherjee, ayuu la tashaday, wuxuuna u sheegay in hadalkia Devika uu saxan yahay, loona baahan yahay magac kale.
Ka dib taladaas, Yusuf Khan wuxuu ogolaaday magaca ah Dilip Kumar in loogu yeero marka uu aflaanta jilayo, balse sida caadiga ah loo garan doono Yusuf.
Xilligaas ayuu billaabay jilliinka filimkiisii ugu horreeyay ee 'Jwar Bhata' oo soo saare uu ka ahaa Amiya Chakraborty.
Devika Rani way ku qanacday
Labadoodaba ma aysan ogayn in sidaas aadka ah ay isu sii baran doonaan, mustaqbalkoodana wax wayn iska bedeli doono.
Shirkaddii Bombay Talkies waxay noqotay middii ugu sareysay ee aflaan soo saarta, xilligaas. Devika Rani waxay ahayd atariisho caan ahayn, waxayna aad ugu ololeyneysay arrimaha haweenka.
Dilip Kumar wuxuu buuggiisa ku qoray in markii Dr Masani uu is baray isaga iyo Devika Rani, in uu ogaaday in ay ahayd haweeneyd aad u sharaf badnayd. Ka dib Dr Masani ayaa haweeneydaas weydiistay in ay shaqo siiso Dilip Kumar.
Waxay ka sheekeysteen sida qoyskiisa ay khudaarta uga keenaan Peshawar ee Mombai ugu iibinayeen.
Markaa ka dib ayey weydiisay in uu doonayo inuu noqdo atoore? Ka hor inta uusan jawaabin, waxay u ballan qaaday in ay shaqo siineyso. Ka dibna Dr Masani ayaa Dilip u sheegay in shaqada uu ogolaado.
Balse Dilip Kumar oo u mahadceliyay Devika Rani, wuxuu sheegay in uusan khibrad lahayn, uusanna garaneynin jilliinka aflaanta.
Devika Rani oo ku cadaadineysay Dilip in uu atoore noqdo, waxay u sheegtay in uu shaqada baran doono, si la mid ah qaabka uu u bartay suuqa khudaarta.
Waxay ku tiri: "Waxaan u baahanahay jilaa aqoon leh oo qurux badan. Adigana waan kaa dhex arkaa in aad noqon karto jilaa fiican."













