Dilip Kumar: Jilaaga ruug caddaaga Hindiya oo 98 jir ku geeriyooday

Dilip Kumar and Saira Bano
Qoraalka sawirka, Dilip Kumar waxa uu hormuud ka ahaa in ka badan 65 filim

Dilip Kumar, oo ka mid ahaa jilaayaasha filimada ee ugu horreeyay Hindiya uguna caansan, ayaa ku geeriyooday magaalada Mumbai isagoo 98-jir ah.

Kumar halyeygaas dhabta ah, ayaa waxa uu jilay in ka badan 65 filim kuwaas oo uu jilay ku dhawaad 50 sanadood, isagoo dhowr dowr oo kala duwan ciyaarayay.

Waxaa la dhigay isbitaalka 30-ka Juun kaddib markii neefta ku dhagtay. Muddo bilo ah ayuu marba xanuunsanayay.

Kumar ayaa waxa uu ka tagay xaaskiisa Saira Banu oo laf ahaanteeda ah jilaa. Lamahaasi wax carruur ah uma noola.

Tacsi ayaa waxaa aad la isula wadaagayay baraha ay bulshada ku wada xiriiraan iyadoo dadku ay ka tacsiyadaynayeen geerida jilaaga halyeyga ah - oo siyaasiyiin, xiddigaha Bollywood iyo xitaa tiirkhyahanno ayaa farriimo tacsi ah soo dhigayay barahaas.

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Presentational white space
Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

Presentational white space
Ka bood X boggan, 3
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 3

Presentational white space
Ka bood X boggan, 4
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 4

Presentational white space

Dilip Kumar oo markuu dhashay loo bixiyay Yussuf Khan ayaa Diseembar 1922-kii ku dhashay gobolka Peshawar - halkaas oo haatan Pakistan ah - ka hor inta aanan Hindiya la kala qaybin.

Sida jilaayaasha kale ee Muslimiinta ah ayaa markii uu filimada Hindiga ku biirayay waxa uu qaatay magaca Hindu-ga ah ee Dilip Kumar.

Waxa uu 1944 ku soo shaacbaxay filimkii Jwaar Bhata hasayeeshee waxa uu ku soo caanbaxay filimkii 1949 ee Andaz. Ruug caddaagaas ayaa sidoo kale waxa uu hormuud u ahaa oo uu soo gacanqabtay jilaayaasha sida Nargis iyo Raj Kapoor oo markii dambe iyana caan noqday.

Lord Meghnad Desai oo qoray taariikhda Kumar ayaa waxa uu ninkaasi la barbar dhigay jilaagii waynaa ee Hollywood Marlon Brando ama ruug caddaaga reer Talyaani ee Marcello Mastroianni.

Dilip Kumar in a still from Deedar

Xigashada Sawirka, Twitter@NFAIOfficial

Qoraalka sawirka, Kumar (Midig) ayaa waxaa loo yaqaannay 'boqorka musiibada'

"Dilp Kumar ayaa ah atooraha ugu fiican ee aflaamta Hindiya laga soo saaray. Waxaa jiri kara xiddigo isaga xitaa ka weyn, balse ma jiro mid ka wanaagsan. Xitaa dhanka majaajilada ayuu guul ka gaaray" ayuu BBC-da u sheegay.

Qaar ka mid aflaamtiisa sida Mela, Naya Daur, Ganga Jumna, Devdas iyo Mughal-e-Azam ayaa dhammaantood ahaa kuwa si weyn u shaqeeyay oo guuleystay, taas oo usoo jiiday taageerayaal badan.

Kumar waxa uu aflaamta ku jilay dhawr kaalin, sida nin tuulo joog ah, nin reer magaal ah, oday Bengali ah iyo sidoo kale nin halyey ah, isaga oo markii uu weynaaday aflaamta ka geli jirey qeybaha taageerada.

Shahrukh Khan and Dilip Kumar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xiddiga Bollywood Shahrukh Khan ayaa sheegay inuu taageero wayn u yahay Kumar

Atooraha caanka ah ee Bollywood Shahrukh Khan ayaa sheegay in uu taageere weyn u yahay Dilip Kumar "Marka laga tago tirakoobka aflaamta uu sameeyay, Dilip waxa uu aflaamtiisa ku muujin jirey geeddi-socodka siyaasadda iyo isbadalka Hindiya, Hindiya oo xor ah ayaa dhalatay, dhibaatooyin ayay martay, waa ay barwaaqoowday, dhammaan marxaladahaas Dilip aflaamtiisa ayuu ku muujin jirey" ayuu yiri Shahrukh Khan.

Dilip ayaa heley abaalmarino badan oo dhanka aflaamta ah iyo waliba labo ka mid ah abaalmarinada ugu sareeya Hindiya ee dhanka rayidka.

1966-dii ayuu guursaday Saira Banu, iyaga oo isla jiley dhawr filim, markii ugu dambeysay ee uu filim kasoo muuqdo waxa ay ahayd 1998-dii.

Qoraalka Muuqaalka, Dilip Kumar: Hindiya oo ka murugoonaysa geerida jilaaga 'boqorka musiibada' ee Bollywood