Bollywood: Atoorihii qarni jirsaday oo diiday inuu u dabaaldego dhalashadiisa

Xigashada Sawirka, EPA
Jilaaga rugcaddaaga ah ee shirkadda Bollywood-ka, Maxamed Yuusuf Khan, oo caan ku ah magaca uu la baxay ee Dilip Kumar ayaa maanta 98 jirsaday.
Xaaskiisa, Saira Banu, oo qudheeda atariisho ayaan jirtay, ayaa horaantii isbuucan sheegtay in seygeeda uu xoogaa daciif yahay balse uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay.
Hase yeeshee, waxay sheegtay in qoyska aysan sanadkan wax qorshe ah u sameynin u dabbaaldagista dhalashada jilaagan caanka ah.
"Wali waxaan naga bixin murugadii geerida walaalaheen Ehsan iyo Aslam, taasna waxaa sii dheer in isagu uusan sanadkan qorsheysanin wax dabbaaldag ah. Xaqiiqdii wuxuu munaasabadda soo xasuustaa marka uu arko ubaxyada ay usoo direen saaxiibbadiis iyo taageerayaashiisa, markaas wixii ka dambeeyana telefoonka lama kala joojiyo," ayey tidhi.
Aslam Khan, oo ahaa Dilip walaalkiis wuxuu geeriyooday 21-kii bishii August, halka Ehsan Khan oo isagana walaalkood ahaa uu heeriyooday 2-dii bishii September ee sanadkan.
Sababta ugu weyn ee aan sanadkan loogu damaashaadeynin dhalshada Dilip Kumar waa in la iska ilaaliyo faafintaanka cudurka Covid-19, oo Hindiya ay ka mid tahay dalalka uu saameynta ugu ba'an ku yeeshay.
Waa kuma Maxamed Yuusuf Khan (Dilip Kumar)?
Kumar wuxuu 10-kii bishii December ee sanadkii 1922-kii ku dhashay magaalada Beshawar ee dalka Pakistan, sida uu qoray wargeyska Times of Hindiya. Laakiin warbaahinnada kale qaarkood waxay taariikhda dhalashadiisa ku tilmaamaan 11-kii December, oo ah maalintii xigtay.
Ka hor inta uusan la bixin magaca jilista filimada ee Dilip Kumar, wuxuu magaciisa dhabta ahaa Maxamed Yuusuf Khan.

Xigashada Sawirka, Hindustan Times
Kumar waa jilaagii ugu horreeyay ee lagu daah furay abaalmarinta atooraha ugu wanaagsan sanadka la siiyo ee Filmfare, taasoo ay jilayaasha maanta aad ugu xusul duubaan, waana atooraha heysta tirada ugu badan ee billadaas.
'Ninkii Hindiya baray habka jilista filimada'
Dadka qaar waxay ku qeexaan inuu yahay Khan-kii ugu horreeyay ee Hindiya, sidoo kalena waxay ku tilmaamaan ninkii Hindiya geeyay hannaanka jilista filimada ee la yiraahdo "Method Acting".
Habkaas waa qorsheynta ku aaddan diyaarinta qofka jilaaga ah, tababarkiisa iyo qoondeynta doorka uu ka jilayo filimka.
Waxaa markii ugu horreysay soo hindisay jilaa sidoo kale filim soo saare ahaa oo u dhashay dalka Ruushka, kaasoo lagu magacaabi jiray Konstantin Stanislavski.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kumar waxa uu sanadkii 1944-kii kasoo muuqday filimkiisii ugu horreeyay oo lagu magacaabo Jwar Bhata. Xirfaddiisa jilista oo socotay muddo 50 sano ah wuxuu uga qeyb qaatay ilaa 65 filim.
Filimadiisa ugu caansan waxaa ka mid ah: Andaz (1949), Babul (1950), Deedar (1951), Aan (1952), Daag (1952), Devdas (1955), Azaad (1955), Naya Daur (1957), Yahudi (1958), Madhumati (1958), Kohinoor (1960), Mughal-e-Azam (1960), Gunga Jamuna (1961) iyo Ram Aur Shyam (1967).
Sanadkii 1976-kii ayuu Kumar fasax shan sano ah ka qaatay jilista filimada, wuxuuna dib ugu soo rogaal celiyay filimkii lagu magacaabay Kranti, oo la jilay sanadkii 1981-kii. Intaas kaddib wuxuu sii waday xirfaddiisa, wuxuuna kasoo muuqday filimo ay ka mid yihiin Shakti (1982), Mashaal (1984), Karma (1986) iyo Saudagar (1991).
Filimkiisii ugu dambeeyay ee uu kusoo afjaray xirfaddiisa wuxuu ahaa Qila, oo soo baxay sanadkii 1998-kii.
Jilista filimada ka sokoow wuxuu ahaa siyaasi mar xubin kasoo noqday baarlamaanka dalka Hindiya.
Labo jeer ayaa geeridiisa la isla dhex maray
Tan iyo markii uu dillaacay fayraska corona, wuxuu Kumar ku jiray feejignaan uu isaga ilaalinayay xanuunkaas galaaftay dadka waayeellada u badan.
Bishii March ee sanadkan, xilligii uu caalmka saameynta ku yeeshay fayraska corona ayuu Dilip sheegay in uu karantiil galay.
"Waxaan ku jiraa iskaliyeelid buuxda iyo karantiil sababo la xiriira fayraska corona ee dillaacay. Saira wax walba way iga ilaalisay si uusan fayraska iigu dhicin." ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Jilaagan rugcaddaaga ah labo jeer ayaa laga faafiyay warar been abuur ah oo ku saabsan in uu geeriyooday.
Marka koowaad waxay ahayd sanadkii 2016-kii, kaddib markii isbitaalka loola cararay isagoo ka cabanaya xanuun lugta midig ah iyo qandho.
Xaaskiisa ayaa ku wehlineysay isbitaalka, waqtigaasna waxay ahayd maalmo ka hor inta uusan u dabaaldagin xuska sanad guuradii dhalatshiisa ee 94-aad.
Marka labaadna ee wararka geeridiisa ku saabsan ee been abuurka ah la faafiyay waxay ahayd bishii August ee sanadkii xigay ee 2017-kii, xilligaas oo mar labaad isbitaal loola cararay isagoo la xanuunsan biyaha oo jirkiisa ka dhammaaday iyo dhibaatooyin kale.










