Maxay tahay sababta ay sare ugu kacday tirada mataanaha dhalanaya?

Tirada caruurta mataanaha ee ku dhalanaysa caalamka ayaa sare u kacday

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Tirada caruurta mataanaha ee ku dhalanaysa caalamka ayaa sare u kacday

Waxaa sii kordhaysa tirada caruurta mataanaha ah ee ku dhalanaysa guud ahaan caalamka, sida ku cad daraasad cusub oo la soo saaray.

Waxaa sanad walba guud ahaan caalamka ku dhasha caruur matano ah oo tiradooda ay gaarayso 1.6 milyan.

Tiradan ayaa ka dhigan in 42 cunug ee dhalataba uu mid ka mid ah yahay mataano.

Arintan ayaa loo aaneeyay dumarka qaar oo marka ay qaangaaraan ka dib aan muddo dheer caruur dhalin iyo waliba daawooyiin sida IVF oo dadka qaar ka caawiya fursadda ay mataano ku dhali karaan.

Tan iyo intii daawadan IVF oo la soo saaray sadeetameeyadii ayaa waxaa sare u kacay tirada haweenka dhalaya mataanaha.

Balse khubarada ayaa waxay leeyihiin marka la eego dhanka badqabka waxaa dumarka u wanaagsan uurka halka cunug.

Sida ku cad warbixinta the journal Human Reproduction, tirada mataanayaasha ku dhalanaya guud ahaan qaaradaha caalamka ayaa sare u kacday.

Muudo 30 sano ah waxa ay tirada sare u kacday 32% dalalka Eeeshiya halka waqooyiga Ameerika ay tiradu sare u kacday oo ay gaartay 71%.

Cilmi-baaridda ku aadan mataanayasha ayaa laga sameeyay 165 dal laga bilaabo 2010 ilaa 2015, waxaana loo barbardhigayay daraasaddii la sameeyay sanadihii 1980 ilaa 1985.

Tirada mataanayaasha ku dhalanaysa dalalka Yurub iyo waqooyiga Ameerika ayaa aad sare ugu kacay.

Guud ahaan caalamka 1000 cunug ee ku dhasha-ba 12 ka mid ah waa mataano.

Balse tirada mataanayaasha ku dhasha dalalka qaaradda Afrika ayaa waligeed-ba sareysay islamarkana mar jiro wax badan oo iska badalay 30-kii sano ee ugu dambeeyay.

Dhalidda mataanaha ayaa ah mid halis ku keeni karta caruurta iyo hooyada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dhalidda mataanaha ayaa ah mid halis ku keeni karta caruurta iyo hooyada

Maxaa gacan ka geystay arrintan?

Dalalka qaaradaha Afrika iyo Eeshiya ayay ku dhashaan caruurta mataanayaasha ee ugu badan taasi oo ah 80%.

Prof Christiaan Monden, oo ah khabiirka qoray cilmi-baarida islamarkana ka tirsan jaamacadda Oxford, ayaa sheegaya inay jirto sabab arrintan ka dambeyso.

"Tirada mataanayaasha ku dhalanaya Afrika ayaa sareysa sababtoo ah caruurta ka beermaya labo ukumood oo kala duwan waxaana halkaas ka dhasha mataano," ayuu yiri.

"Waxaa laga yaabaa in tani ay ugu wacantahay hidde side laga yaabo in dadka Afrika ay uga duwan yihiin caalamka intiisa kale." Ayuu intaa ku daray.

Tirada caruurta mataanaha ah ee ku dhalanaysa dalalka Yurub iyo Waqooyiga ayaa sare u kacday, islamarkana waxaa taasi loo aaneynayay inay gacan ka geysato daawooyiin la isticmaalo kuwaasi oo kordhiya fursadda uu qofka ku dhali karo mataano.

Daawooyiinka sida IVF, ICSI, ayaa waxay yihiin kuwa bac-rimin ah islamarkana sare u qaada tayada ilma galeenka.

Dhammaan farsamooyiinkan waxay sare u qaadaan suurtagalnimada in haweeneyda ay qaado uur mataano ah.

Fursadda badbaadida Mataanaha

Daraasadda ayaa lagu ogaaday inay aad u yar tahay fursadda bad-baadida mataanayaasha ku dhasha dalalka dhaqaala ahaan hooseeya iyo kuwa dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay.

Dalalka saxaaraha ka hooseeya ee Afrika, mid ka mid ah mataanayaasha ayaa dhinta sanadka ugu horeeya ee noolashooda.

Tiradan ayaa micnaheedu tahay in sanadkii ay dhintaan in ka badan 200,000.

Marka aan mustaqbalka eegno, sida ku cad cilmi-baaridda dalalka Shiinaha iyo Hindiya ayaa door wayn ka ciyaari doona tirada mataanayaasha calamka ku dhasha.