Coronavirus: Seddax sheeko oo quluubta dadka Hindiya taabatay

(L-R): Dr Barua and his landlord outside their residence in Delhi, Vatsal Sharma during 'his birthday celebrations and Karan Puri cutting a cake that police got him for his birthday

Xigashada Sawirka, Kaushik Barua, Pimpri Chinchwad & Panchkula police

Qoraalka sawirka, Sheekada seddax qof oo la kulmay naxariis aan caadi ahayn xilli lagu guda jira xayiraadda Coronavirus

Iyadoo Hidniya ay la daalaa dhaceysa saameynta ka dhalatay xayiraadda coronavirus e lagu soo rogay dalkaasi ayaawaxaan halkaan idinkula wadaageynaa sedax sheeko oo qalbiga taabanaya oo la xiriira dad u socdaalay in ay farxad galiyaan qof .

Waad iga farxiseen

Hindiya waxaa ay xayiraad ku jirtay tan iyo 25-kii bishii Maarso,iyadoo taasi ay keentay in dad badan ay ku xayirmaan guryaha isla markaana ay kali ku noqdeen gaarahaan dadka waayeelada ah ayaa cidlo dareemay kuwaas oo ay is waayeen qoysaskoodii iyo saaxiibadood.

Karan Puri, waa odey waayeel ah oo degan magaalada Panchkula, oo taala waqooyiga gobalka Haryana, waxaa uu dareemay farxad iyo reyn-reyn kadib markii dhawaan ay boolisku garaaceen albaabka gurigiisa .

Muuqaal laga duubay oo ilaa iyo hadda lagu wadaagayo baraha bulshada ayaa waxaa la arkayay iyadoo Mr Puri oo taagan alaabka gurigiisa kuna dhawaaqaya "waxaan ahay Karan Puri" waxaan noolahay kaligey waxaan ahay muwaadin."

Balse Maxaa dhacay, dhalashao wanaagsan ayay ku heesayeen asakartii waxaana uu is waydiyay Mr Puri oo la yaabay sida ay ku ogaadeen askartu in caruurtiisii ay ka maqanyihiin isaga oo ilmeynaya

Booliska ayaa u sheegay in aysan jirin sabab kalifi karta in uu cidlo dareemo waxaana ay ugu calool qaboojiyeen in ay ehelkiisa oo kale u yihiin iyagoo markaa bilaabay in ay jaraan cake, dhalashadiisa ayna siiyaan waxyaabo hadiyado ah sidoo kale waxey marka kale u qaadeen heesta dhalashada .

"Waad mahadsantihiin ayuu ku yiri isaga oo u sheegay in maalintiisa ay farxad galiyeen."

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Cunto labo qof

Dhaqaatiirta dalka Hindiya ayaa sida meelaha kale waxaa ay safka hore kaga jiraan la dagaalanka fayraska faafa ee corona waxaana ay shaqeeyaan saacdo badan si ay u qaataan doorkooda kaga aadan xakameynta cudurkaan.

"Heerka welwelka iyo walaaca shaqada waa mid aad u sareeya ayuu yiri Kaushik Barua, oo ah 30-jirr- ah kana shaqeeya isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaala caasimadda dalka Hindiya ee Delhi.,"

"Balse safarkaan adag waxaa jira hal qof oo si dhab ah ii caawiyay ayuu yiri ".

Milkiilaha gurig, Rohit Suri, waxaa uu u kariyaa cunto maalin walba isaga oo cunto kulul baaquli uga dhiga si uu cuno marka uu shaqada ka soo laabto isaga oo daalan.

Labada nin ayaa noqday saaxiibo isu wanaagsan iyadoo Mr Suri uu sidoo kale noolyahay kaligii.

"Waan ku faraxsanahay in xiligaan aan wada galno sawir muujinaya saaxiibtanimadeena ayuu yiri Dr Barua," oo blog uu leeyahay isla markana caan ka aha baraha bulshada soo dhigay sawirka idin muuqadaoo ah isaga saaxiibkaa iyaga oo waliba raacaya mid ka mid ah talaabooyinka fayraska looga hortago ee kala fogaanshaha.

Dr Barua ayaa sheegay in uu dareemayo in uu leeyahay nasiib wnaagsan sababtoo ah mid ka mid ah saxiibadii oo isna dhaqtar ayaa haweenay uu guri ka deganaa waxaa ay ka saartay gurigeeda .

bb
bb

Dhowr dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal cafaimaad ah ayaa dalka Hindiya ka cowday in milkiilayaasha guryaha ay ka saareen guriyihii ay ka daganaayeen iyadoo ay ka cabsi qabaan in ay qaadsiiyaan fayraska corona.

"Mr Suri wuxuu ahaa insaan aad u naxariis badan isaga oo kale ayeyna dunidu u baahantahay waqtigaan oo kale ayuu yiri," Mr Barua

Dr. Barua and his landlord Mr Suri (left) outside their house in Delhi

Xigashada Sawirka, Kaushik Barua

Qoraalka sawirka, Dr Suri (bidix) ayaa habeen kasta casho u kariya Mr Barua

Dabbaaldeega xafladda dhalashada

Kaliya ma aha in Vatsal Sharma uu dabaal dego dhalashadiisa 15-aad ay ku soo aaday inta lagu gudo jiro xayiraadda balse wuxuu dhiganayaa xafladda aabihii oo aan la joogin .

Wuxuu u aaday dalka Mareykanka shaqo suurta galna uma noqon in uu soo laabto waqtigaan maadama ay Hindiya joojisay duulimaadyadii.

Marka Mr Sharma wuu la yaabay wayna taabtay in wali aabihii ay u suuragashay dabbaal degga dhalashadiisa isla markaana uu usoo diri karo doorashaha dhalashada isagoo soo marsiiyay booliska

Aabihii ayaa waydiistay booliska magaalada hadii ay wiilkiisa kala qayb qaadan karaan farxada xaflada dhalashadiisa iyagoo isaga matalaya sidaas darteed ayay boolisku u tageen xaafadda iyaga oo fulinaya codsigiisa.

Muuqala ay barta tweeter-ka soo dhigeen boolisku ayaa Mr Sharma waxaa uu ku sheegay in sanadkana ay boolisku u sameeyeen xaflad dhalasho oo gaar ah isla markaana faraxd galisya

Vatsal Sharma cuts a cake while police officials sing to him

Xigashada Sawirka, Pimpri Chinchwad police

Qoraalka sawirka, Vatsal Sharma ma uusan islahayn xafladdiisa sidan ayay noqon doontaa

Muuqaal ay boolisku soo dhigeen bartooda Twitter-ka ayaa , Mr Sharma waxa uu ku yiri, "Sanadkan booliiska waxa xafladeyda dabaadegga ka dhigeen mid xasuus gaar ah mudan. Aaad baan u jecleystay!"

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2