Shan jir waalidkii gaari ka xaday ka dibna kexeeyay
Qaar ka mid ah caruurta ayaa waxay caanaha ku daadiyaan Jikada amaba waalidiinta ay dhibaan marka ay guriga joogaa.
Balse arrintu imika sidaasi way ka duwan tahay oo waa sheeko cajiib ah oo caruurta la xiriirta.
Adrian oo ah wiil yar oo Shan jir ah ayaa qaatay oo kaxeystay gaariga qoyskiisa islamarkana waxaa laga war helay oo kali ah markii ay booliiska qabteen isaga oo wadada saaran.
Nin joogay mid ka mid ah goobaha Shidaalka lagu iibiyo ayaa arkay wiilkan islamarkana ku war-galiyay ciidamada wadooyiinka.
"Aad ayuu u naxay markii uu arkay cunug yar oo gaarigan kaxeynaya, waxa uuna wiilka yar ninkaasi u sheegay in uu ku sii jeed goob u doonayo in uu ka soo iibsado gaari ah nooca raaxadda ee loo yaqaano Lamborghini.
Wiilkan Shan jirka ah ayaa booliiska u sheegay in uu guriga ka soo tagay ka dib markii hooyadii ay diiday in ay u iibiso gaari ah nooca raaxada oo qiimihiisu yahay $180,000 taasi oo dhalisay in uu muran dhexmaro.
"Waxaa u go'aansaday in uu gaariga qaato oo uu aado California si uu gaariga isaga uga soo iibsado," waxaa sidaasi barta Twittar-ka ku soo qoray booliiska Utah.
"Waxaa jaabka ugu jirtay oo kali ah $3 doolar."
Ciidamada ilaalada ammaanka waddooyiinka ayaa marki hore u maleynayay in gaariga uu qof wayn wado.
Muuqaalka la soo duubay ayaa muujinaya askariga oo wiilka waydiinaya "Imisa jir ayaa tahay? ma shan sano ayaa jirtaa?"
Wiilka ayaa waxaa uu gaariga ka soo kaxeeyay guriga isaga keenay ilaa meel guriga loga socod 5 daqiiqo.
Ma jiro cid wax ku noqotay dhacdadan.
Dacwad oogayaasha ayaa imika ka baaraandagaya inay dacwad ku soo oogayaan waalidka wiilkaasi iyo in kale, sida u ku waramay TV-ga KSL-TV.
Waalidiintiisa ayaa markii ay dhacdadani ay dhaceysay shaqo ku maqnaa islamarkana cunuga waxaa looga tagay walaalihii.
Booliiska ayaa xusuusiyay waalidiinta in aysan furaha gawaarida dhigin meel ay caruurta ka heli karaan.















