Wargeysyo qaab la yaab leh caradooda u muujiyay

Wargeysyada ugu afka dheer dalka Australia ee aadka isaga soo horjeedo ayaa ka yaabiyay dad badan, waxayna sameeyeen arrin aan horay loo arag, ka dib markii ay bogga hore ee wargeysyada ku daabacaeen sadaro madow.
Wargeyska The News Corp Australia iyo Nine mastheads ayaa maanta oo isniin ah bogga hore ku daabacay sadaro madow oo aan wax qoral ah la soconin, waxayna ku dhufteen shaabad ay ku qoran tahay "sir".
Wargeysyadan ayaa ashtako ka ah sharci la xiriira amniga qaranka ee dalkaas, oo ay wariyeyaasha ku tilmaameen in uu xadiday shaqooyinkooda, horseedayna in saxaafadda Australia laga qariyo waxwalba.
Dowladda dalkaas waxay sheegtay inay taageereyso saxaafadda xorta ah, balse aysan jirin cid ka sareysa sharciga.
Bishii Juun ee sannadkan, booliska dalka Australia ayaa galay xarunta telefishenka ABC iyo xarunta kale ee wargeyska The home of a News Corp Australia, taa dhalisay caro badan.
Ururada warbaahinta ee dalkaas ayaa sheegay in sababta loo weeraray xarumahaas warbaahinta ay tahay in mid ka mid ah uu qoray maqaal xogtiisa laga soo xigtay qof aan la aqoonin.
Mid ka mid ah warbaahinta la weeraray ayaa sidoo kale wax ka qoray dembiyo dagaal, halka kan kalena uu wax qoray qorshe la doonayay in lagu basaaso shacabka Australia.
Ololahan ay wadaan wargeysyada ee ah in xogta dowladda aanan la qarinin, balse dadweynaha lala wadaago, waxaa tagaeeray warbaahinta kale ee ka dhisan dalka Australia oo ay ka mid yihiin raadiyeyaasha, bogagga wararka lagu qoro iyo telefishinnada.

Michael Miller, oo ah madaxa wargeyska News Corp Australia ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay nuqul ka mid ah wargeyska uu madaxda ka yahay oo aan bogga hore wax war ah aysan ku qorneyn, balse lagu soo daabacay sadara madow.
Sidoo kalena Michale wuxuu soo dhigay wargeysyada kale ee ay aadka u xifaaltamaan ee The Australian iyo The Daily Telegraph oo aan waxba ku daabicin bogga hore.
Wuxuu shacabka dalkaas ugu baaqay in dowladda ay weydiiyan waxa shacabka ay ka qarinayaan.
Agaasimha guud ee warbaahinta ABC ee dalka Australia, David Anderson wuxuu yiri: "Australia waxay khatar ugu jirtaa inay noqoto dal wax kasta ay sir yihiin ee caalamka."
Maalin kahor, dowladda Australia waxay sheegtay inay suurtagal tahay in saddex wariye maxkamad la soo taago, kuwaas oo laga soo qabtay xarumihii ay dowladda gudaha u gashay.
Ra'iisul wasaaraha dalkaas Scott Morrison, wuxuu sheegay in xorriyadda saxaafadda ay muhiim u tahay dimuqraadiyadda dalka Australia, wuxuuse intaa ku daray in loo baahan yahay in sharciga la ilaaliyo.
"Dadka la rabo in ay sharciga ilaaliyaan aniga ayaa ka mid ah, wariye walba ama qofkasta ayaa ka mid ah,'' ayuu yiri.
Indha indheyn laga sameeyay xorriyadda saxaafadda ayaa lagu wadaa in dhawaan la horgeeyo barlamaanka dalkaas.
Maxay dalbanayaan warbaahinta Australia?
Warbaahinta dalka Australia ayaa ku doodaya in sharciyo adag oo la meel mariyay labaatankii sano ee la soo dhaafay ay khatar geliyeen baaritanada ay sameeyaan wariyeyaasha iyo in sharciyadaas ay xadideen xaqa ay dadka u leeyihiin inay ogaadaan waxa socda.
Waxay sido kale shirkadaha warbaahinta ku baaqeen in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo dhinacyada kale ee xorriyadda, sida xorriyadda xogta.










