Diego Maradona: Maxaa la isugu haystaa maydka xidiggii kubadda cagta?

Friends and family carry the casket of soccer legend Diego Armando Maradona, at the cemetery in Buenos Aires, Argentina, November 26, 2020.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Maradona waxaa lagu aasay qabuuro gaar ah oo ku yaalla meel u dhow Buenos Aires

Meydka xiddigga kubadda cagta Diego Maradona "waa in la keydiyaa" sababo la xiriira kiis ku saabsan gabadh sheegtay in aabeheed uu yahay, ayaa lagu yiri xukun ay ridday maxkamad ku taalla Argentine.

Maradona ayaa bishii la soo dhaafay wadno istaag u dhintay, isagoo jiray 60 sano.

Maxkamadda oo ka falcelineysa kiis ay soo gudbisay haweeney sheegtay in laga yaabo in Maradona uu aabbaheed yahay, ayaa waxay amartay in dhiigga hidda-sidaha laga soo qaado cayaar yahanka.

Waxaa jira labo gabdhood oo ay xaas hore u dhashay. Kaddib markii ay kala tageen wuxuu sheegay inuu dhalay lix carruur oo kale.

Kiiska waxaa soo gudbisay Magalí Gil oo 25 jir ah, taas oo aan ku jirin lixda carruur ee uu sheegay Maradona.

Graphic showing Maradona family tree
1px transparent line

Ms Gil, oo ay qoys kale korsadeen, ayaa sheegtay in hooyadii dhashay ay la soo xiriirtay labo sano kahor ayna u sheegtay in laga yaabo in aabbaheed "uu yahay Diego Maradona".

Muuqaal ay soo dhigtay barta Instagram-ka, ayay Ms Gil ku sheegtay inay "xaq caalami ah" ogaanshaha"Haddii Diego Maradona uu yahay aabbaha i dhalay iyo in kale".

Ka bood Instagram boggan
Oggolow Instagram macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka Instagram boggan

2px presentational grey line

Kaddiib geeridiisii 25-kii November, Maradona waxaa lagu aasay qabuuro gaar ah oo u dhow Buenos Aires. Maxkamad ayaa 30-kii November xukmisay in meydkiisa aan la gubin ilaa lagu sameeyo baaritaanka loo baahan yahay.

Xukunkan Arbacadii dhacay ayaa sii xoojinaya arrintaas.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in qareenka Maradona uu u sheegay in dhiigga hidda-sidaha ee DNA ee cayaar yahanka haatanba la hayo. Isla markaana aan loo baahneyn in la soo faago meydkiisa.

Maradona wuxuu ka tegay hanti dhaxal ah oo ay adag tahay in la qeybiyo taas oo ay ku dagaallameen carruurtiisa la ogyahay iyo kuwa haatan kiisaskooda geeyay maxkamadda.

Geeridiisa keliya naxdin kama abuurin gudaha Argentina balse waxay gilgilashay caalamka iyadoo boqollaal kun oo taageere u ahaa cayaar yahanka ay isugu yimaadeen si ay u xusaan.