Diego Maradona: Falcelintii geeridiisa

Xigashada Sawirka, Getty Images
Halyeeygii kubada cagta Diego Maradona, oo ka mid ahaa ciyaartoydii ugu fiicnaa abid kubadda cagta, ayaa ku dhintay da'aadda 60 jirka.
Laacibkii hore ee kadka dhexe ee weerarka ah isla markaana ahaa tababaraha Argentina ayaa wadnuhu istaagay xilli uu ku sugnaa hoygiisii Buenos Aires.
Wuxuu qalliin guuleystay ku sameeyay xinjirowga dhiigga maskaxda horraantii Nofeembar waxaana laga rabay in laga daweeyo ku tiirsanaanta belwadda.
Maradona wuxuu ahaa kabtan markii Argentina ay ku guuleysatay Koobkii Adduunka ee 1986, isagoo dhaliyay goolkii caanka ahaa ee ee gacanta kaga dhaliyey dhaliyay England rubuc dhamaadka koobka adduunka.
Weeraryahanka xulka qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ammaan u muujiyay Maradona isaga oo sheegay in uu weligiis qalbyadeenna ku jiri doono.
"Maalin murugo leh ayey u tahay dhammaan dadka reer Argentina iyo kubada cagta" ayuu yidhi Messi. "Wuu naga tagayaa laakiin ma baxoyo, maxaa yeelay Diego waa mid weligiis jiraya."
"Waxaan dhawrayaa oo haystaa dhamaan waqtiyadii quruxda badnaa ee aan la noolaa waxaan tacsi u dirayaa dhamaan qoyskiisa iyo asxaabtiisa"
Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka Instagram boggan
Bayaan ay soo dhigeen baraha bulshada, xidhiidhka kubadda cagta Argentina ayay ku muujiyeen in "murugadooda ugu weyni tahay geerida halyeeygeenna", iyagoo intaa ku daray: "Waligaa waxaad ahaan doontaa qalbiyadeenna."
Alberto Fernandez, madaxweynaha Argentina wuxuu ku dhawaaqay seddex maalmood oo baroor diiq qaran ah, wuxuuna yidhi: "Waxaad na gaysay meesha ugu sarreysa adduunka. Waxaad noo dhigtay farxad aan caadi ahayn. Waxaad ahayd kii ugu mudnaa"
"Waad ku mahadsan tahay jiritaankaaga, Diego. Waan kuu xiisi doonnaa nolosheena oo dhan."
Maradona ayaa u soo ciyaaray kooxaha Barcelona iyo Napoli intii uu ku guda jiray xirfadiisa dhanka naadiyada, isagoo kula guuleystay labo horyaal oo Serie A ah kooxda reer Talyaani. Wuxuu xirfadiisa ciyaareed ka bilaabay Argentinos Juniors, sidoo kale wuxuu u ciyaarayay Sevilla, iyo Boca Juniors iyo Newell's Old Boys oo dalkiisa kuyaal.
Wuxuu dhaliyay 34 gool 91 kulan oo uu u saftay xulkiisa Argentina, isagoo u matalay afar koob adduun.
Maradona ayaa u horseeday dalkiisa 1990-kii finalka Talyaaniga, halkaasoo ay ku garaaceen Galbeedka Jarmalka, ka hor inta uusan kabtan ka noqon mar kale Mareykanka 1994, laakiin waxaa loo diray gurigiisa ka dib markii uu ku guuldareystay baaritaanka daroogada ee loo yaqaan 'ephedrine'.
Intii lagu guda jiray qeybtiisii labaad ee xirfaddiisa, Maradona wuxuu la halgamay qabatinka maandooriyaha loo yaqaan 'cocaine ' waxaana laga mamnuucayciyaaraha muddo 15 bilood ah ka dib markii laga helay daroogada uu qaatay 1991.
Sidii Dunida uga falcelisay
Halyeeyga reer Brazil Pele ayaa ugu tacsiyeeyey Maradona, qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka: "Waa war murugo leh. Waxaan waayey saaxiibkeygii weynaa, duniduna halyeey ayay weyday. waxaa jira wax badan oo laga odhan karo. Balse hadda, Alle ha siiyo soo kabasho fiican qoyskiisa. Maalin, waxaan rajeynayaa in aan dib u kulanno. "
Weeraryahankii hore ee xulka England isla markaana ah barnaamij soo saaraha barnaamijka Match of the Day, Gary Lineker, oo ka mid ahaa xulkii England ee ay garaaceen Argentina koobkii adduunka ee 1986, ayaa sheegay in Maradona uu masaafo fog u taagan yahay ciyaaryahanka ugu fiican ee jiilkeyga, waxaana la dhihi karaa waa kan ugu weyn abid."
Ciyaaryahankii hore ee Tottenham iyo xulka Argentina Ossie Ardiles ayaa yiri: "Waad ku mahadsan tahay Dieguito saaxiibtinimadaada, kubada cagtaada, sarreyntaada, isbarbardhig la'aantaada. Si fudud, ciyaaryahanka kubada cagta ee ugu fiican taariikhda kubada cagta. Waqtiyado badan oo farxad leh wada jir ayaan qaadannay. Suuragal ma ahan in la sheego midka kee ayaa kaa fiicnaa. RIP saaxiibkeyga qaaliga ah. "
Weeraryahanka Juventus iyo Portugal Cristiano Ronaldo ayaa yiri: "Maanta waxaan sagootinayaa saaxiibkey, adduunkuna wuxuu ku sagootinayaa caqliyad sarraysay. Mid ka mid ah kuwa ugu fiican waqtiga oo dhan. Sixiroole aan la qiyaasi karin. Wuxuu inaga tegey xilli hore, laakiin wuxuu ka tagayaa dhaxal aan xad lahayn. meel banaan oo aan la buuxin doonin waligeed, waxaan ku rajeeyey negaansho"
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan














