Sawirro muujinaya waayihi kubadda cagta xiddiiggii reer Arjentina ee Diego Maradona ee geeriyooday

Diego Maradona

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Diego Maradona oo la sawiran xaaskiisi hore Claudia iyo labadiisa gabdhood Dalma iyo Gianina xilli ay socdeen koobka ciyaaraha kubadda cagta addunka ee sanaddi 1986-kii.

Sawirradan kooban ee quruxda badan ma aha kuwa sawir dhammeystiran ka bixinaya waayihiisi kubadda cagta. Diego Maradona wuxuu ahaa ciyaartooy kubadda cagta hibo weyn u lahaa haddana waayahiisaasi muran badan uu ka taagnaa.

Sawir ahaan waxaan ku eegeynaa noolashiisi ka soo billaabatay dalkiisa hooyo ee Argentina ilaa iyo guushiisi Talyaaniga iyo guulihiisa ciyaaraha koobka kubadda cagta adduunka ilaa iyo maandooriyihi uu isticmaalayey ee noolashiisa la hadhay.

Diego Maradona 1982-dii

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Billowgi Maradona wuxuu ahaa kulankiisa ugu horreeyey uu koobka adduunka uu u saftay sanadki 1982-kii wuxuu ahaa ciyaarti dhexmaray Argentina iyo Spain, balse afar sano kaddib ayey riyadiisa guusha u rumoowday.
Diega Maradona iyo Peter Shilton oo isgacan qaadayo xilli uu koobka adduunka 1986-kii uu socday.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Diego Maradona ciyaartii koobka 1986-kii Britain wuxuu ka dhaliyey laba gool.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Diego waxaa lagu xusuustaa goolki uu ka dhaliyey kooxda Britain isaga oo adeegsaday gacantiisa bidix, goolkaasi oo uu xigay goolkiisa qarniga ee dunida ka yaabiyey.
Diego Maradona oo gacanta ku hayo Koobka adduunka

Xigashada Sawirka, Rex Features

Qoraalka sawirka, Maradona oo hormuud u ahaa guushi ay Argentina koobka adduunka ku qaaday 1986-kii wuxuu ku muteystay abaalmarinta laacibka tartankaasi ugu wanaagsanaa.
Diego Maradona

Xigashada Sawirka, Getty Images

Diego Maradona sanadki 2001-dii

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sawir Maradona laga qaaday 2001-dii, xilli uu halgan adag uu ugu jiray inuu hilib iska dhimo kaddib marki ay noolashiisa la hadhay isticmaalka maandooriyaha.
Lionel Messi iyo Diego Maradona

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Maradona wuxuu tababare uu u noqday xulka kooxda Argentina u safatay koobki 2010-kii oo Leonel Messi uu ka mid ahaa ciyartooydi u safatay balse Argentina 4-0 waxaa ku karbaashtay xulka Jarmalka.
Diego Maradona oo Ruushka ku sugan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Maradona oo gacanta ku hayo sawirkiisa oo weyn xilli ay 2018-kii Ruushka ku wada ciyaarayeen Argentina iyo Nigeria.