War kasoo baxay xaaladda caafimaad ee Rug caddaaga kubadda cagta, Diego Maradona

Sannadkii 1986-kii ayuu Maradona koobka adduunka u qaaday qarankiisa Argentina

Xigashada Sawirka, BBC Sport

Qoraalka sawirka, Sannadkii 1986-kii ayuu Maradona koobka adduunka u qaaday qarankiisa Argentina

Rug caddaaga kubadda cagta ee dalka Argentina Diego Maradona ayaa laga saaray isbitaalka ka dib markii laga daweeyay dhiig bax uga furmay gudaha caloosha, sida ay sheegtay gabadhiisa.

58 jirkan ayaa xaaladdiisa caafimaad lala tacaalayay isagoo ku sugan wadannkiisa hooyo, tan iyo markii ay dhakhaatiirta ogaadeen xanuunkiisa.

Hase ahaatee, qoyskiisa ayaa sheegay in uusan wax khatar ah ku jirin Maradona.

"Dadka aad uga walwalayay aabahay waxaan u sheegayaa inuu fiican yahay. Mar dhow ayuu guriga aadayaa", ayey tiri gabadhiisa oo lagu magacaabo Dalma.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa goor dambe soo tabisay in Maradona laga saaray isbitaalka.

Diego Maradona ayaa ah rug caddaa kubadda cagta ku leh taariikh mug weyn, waana ciyaar yahan ay aqoon u leeyihiin guud ahaan dadka xiiseeya kubadda.

Dadka indha indheeya arrimaha kubadda cagta ayaa ku tilmaamay inuu ka mid yahay shakhsiyaadka fara ku tiriska ah ugu wanaagsanaa ee soo maray kubadda cagta adduunka.

Abaal marinta ciyaar yahankii ugu wanaagsanaa qarnigii 20-aad ee xiriirka FIFA ayuu ku guuleystay, isagoo uu ku wehlinayay rug caddaaga reer Brazil ee Pele.

Waxa uu isagoo xulkiisa qaranka Argentina Kabtan u ah ku hoggaamiyay iney ku guuleystaan koobkii adduunka ee sannadkii 1986-kii.

Hadda waxa uu tababare u yahay kooxda Dorados de Sinaloa oo ka ciyaarta heerka labaad ee horyaalka dalka Mexico.

Waxaa xanuun loo qaaday intii ay socotay ciyaar ka tirsaneyd koobkii adduunka ee sannadkii lasoo dhaafay ka dhacay dalka Ruushka, xilli ay socotay ciyaar dhex martay qarankiisa Argentina iyo xulka qaranka Nigeria.

Hase ahaatee waxaa goor dambe la soo tabiyay inuu fiican yahay.