"Waxaan arkay sawirkayga oo gidaar lagu dhejiyay oo lagu dul qoray in dowladda si weyn ii doon dooneyso"

Xigashada Sawirka, Jean Lindo
Dr Jean Lindo waxaa farriin u soo diray saaxibkeed oo ku wargeliyay in sawirkeeda oo gidaar lagu dejiyay uu ku arkay afaafka hore ee kaniisad ku taalla dalka Philippines. sawirkaas ayaa muujinayay inay tahay qof la doon doonayo.
Waxaana sawirkeeda lagu qoray inay tahay qof ku xadgudbay 'Xuquuqul insaanka' iyo inay tahay 'qof dilaa ah', waxaana kamid dadka kale ee sawirradooda la baahiyay ee la doon doonayo agaasime Iskuul iyo baadari.
Dr Lindo waxay hogaamisaa urur haween ah iyo urur kale oo u ololeeyo arrimaha deeganaka, waxay sheegtay in arrintani ay ka dhalan karto dhibaato weyn maadama sawiirada dacaayadaha ee ku saabsan dadka la doon doonayo ee gudaha Philippines lala xiriiriyo dilalka loo arko inay sharciga ka baxsan yihiin.

Xigashada Sawirka, Photo courtesy of Karapatan
Lamana ogo cidda ka dambeysa sawirka dacaayadda ah ee muujinayo in gabadhaas la doon doonayo, waxaana tallaabadan lala xiriirin karaa inay adeegsato dowladda Philippine iyo laamaha amniga si loo beegsado dadka u dhaqdhaqaaqo bulshada iyo rayidka.
Dadka u ololeeyo xuquuqul insaanka waxay ka digayaan tallaabooyinka dowladda uu hogaamiyo Rodrigo Duterte oo si cad u caambaareyso dadka u ololeeyo xuquuqul insaanka isla markaana ku tilmaantay dambiilayaal.
Marka la eego sharciga ka hortagga argagixisada, dadka u dhaqdhaqaaqa bulshada iyo rayidka waxay sheegaayaan in dowladda ay dhaleeceenta ku tilmaantay falal dambi ah.
Halista ay wajahaan dadka u dhaqdhaqaaqa bulshada iyo rayidka
"Waxaan la socdaa in muddo in howlaha dowladda aan dusha kala socday" ayay tiri Dr Linda oo BBC-da la hadashay, waxay sheegtay inay aheyd dhakhtar kasoo shaqeysay deegaanada ay dagaallo ka dhaceen ee dalkaas.
Waxay sheegtay inay ka naxday in la beegsado.
Muddo tobonaan sano ah, qowmiyadda Lumad ee ku nool koonfurta Philippines waxay la daalaa dhacayeen dagaallada ka taagan halkaas ee u dhexeeya militariga iyo koox fallaago ah, waxay dowladda ku eedeysay qowmiyadda Lumad inay caawinayaan fallaagada.
Sanadkii 2017-kii madaxweyne Duterte wuxuu ku hanjabay in uu duqeyn doono iskuulada ay ku nool yihiin qabaa'ilkaas, si weyn ayaa loo cambaareeyay hadalka kasoo yeeraya madaxweynaha.
Sanadkii 2018-kii, dalka Philippines waxaa lagu tiriyay waddanka ugu badan ee lagu bartilmaameedsado dadka u ololeeyo ilaalinta deegaanka, sida ay sheegtay ha'yadda watchdog Global Witness.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dr Lindo waxay sheegtay in muddo labo bil gudahood ah labo jeer la bartilmaameesaday, bishii July ayay aheyd markii boorar ay ku dhagan yihiin qaar kamid ah dadka u dhaqdhaqaaqa bulshada iyo rayidka lagu dul qoray 'inay yihiin dadka shaqaaleysiiyo argagixisada'
Weriyeyaasha iyo qareenada ayaa lagu soo warramayaa in la beegsaday bilihii lasoo dhaafay iyadoo la adeegsanayo dacaayado laga baahiyay.
Bishii Juun xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey wuxuu sheegay in dacaayadaha laga faafiyo dadka u doodo xuquuqul insaanka inay yihiin halis weyn oo ka dhan ah xoriyatul qowlka.
Jay Apiag oo ka tirsan ha'yadda xuquuqul insaanka ee Karapatan, wuxuu sheegay in loo soo diray farriimo loogu hanjabayo in la dilayo kaddib markii lagu baahiyay baraha bulshada dacaayado ah in uu yahay argagixiso.

Xigashada Sawirka, Karapatan
"Waxaan goob joog u ahaa dacaayadahan horseedayo in lagu dilo" ayuu yiri Jay Apiag.
Bishii August ayay aheyd markii Jay Apiag saaxibtiis la dilay kaddib markii ay rasaas ku fureen dabley aan heebtooda la qoon, waxaana kasii horreeyay dil loo geystay Randall Echanis oo ahaa madaxa ha'yad la yiraahdo urban poor kaas oo lagu dilay gurigiiisa.
Labadan qof ee la dilay dowladda Duterte waxay sanadkii 2018-kii waxayy ku tilmaantay argagixiso isla markaana waxay ku dartay liiska dadka taaageero fallaagada.
Waxaan markii dambe laga saaray liiskaas.
BBC -da waxay isku dayday in arrintani ay wax ka weydiso dowladda Philippines balse wax jawaab ma aanay helin, saraakiisha militariga waxay beeniyeen inay ku lug lahaayeen dhacdadaas.










