Duterte: xataa wiilkayga haddii daroogo lagu helo waan dili

Xigashada Sawirka, EPA
Kumannaan dad ah oo ku sugan dalka Philippines ayaa ka qayb qaatay mudaaharaadka lagu diidan yahay awaamiirta uu madaxweyne Duterte soo rogay ee muranka badan dhaliyay.
Dadka Duterte ka soo horjeeda ayaa dhaliilay sida cad ee ugu hanjabayo inuu dib u soo celi doono xukunkii deg degga ahaa iyo dagaalka ay dadka badan ku dhinteen ee ka dhanka ah daroogada.
Kumannaan ruux oo kale oo mudaaharaadkaas ka soo horjeeda taageerana u muujinaya Duterte ayaa wadooyinka isugu soo baxay.
Wiilka uu dhalay Duterte ee Paolo ayaa wajahaya eedaymo ku saabsan in uu daroogo ka ganacsado.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu xaqiijin doono in la dilo Paolo haddii la caddeeyo in eedaymahaas ay run yihiin.
"Amarkaygu waa in lagu dilo haddii lagugu helo. Waanan difaaci doonaa booliiskii ku dila, haddii ay rumawdo". Saxafiyiinta ayuu u sheegay in uu hadalkaas ku yiri wiilkiisa Paolo.
Wiilkiisa oo 42 jir ah ayaa senetka ka soo hormuuqday horraantii bishan, wuxuuna ku adkaystay in kutiri kuteen iyo haddallo la isla dhexmaray uun ay yihiin eedaymaha sheegaya in uu gacan siiyay markab daroogo ka keenay Shiinaha oo dalka Philippines la geeyay.

Xigashada Sawirka, AFP/REUTERS
Madaxweynahan 72 jirka ah ayaa xilka la wareegay bishii Luulyo isaga oo meel adag ka istaagay daroogada iyo dambiyada.
Booliiska iyo shacabka ayuu marar badan ku booriyay in ay dilaan dadka daroogada looga shakiyo, siyaasaddaas ayaa loo arkay in ay ka dhantahay xuquuqda aadanaha, cambaarayn caalami ah ayuuna kala kulmay.
Dadka mudaaharaadaya ayaa waddooyinka dhex qaaday iyaga oo wata boorar ay ku qoran yihiin "Jooji Dilka" "Ma rabno xaalad degdeg ah" - iyaga oo ka cabsi qaba in madaxweyne Duterte uu dalka oo dhan ka hirgaliyo arrintaas sidii uu sameeyay madaxweyne Ferdinand Marcos 45 sano ka hor.










