Maalinta Calanka: Calamada kala duwan ee Soomaalida iyo xilliyada dabaaldegyada

.

Xigashada Sawirka, Facebook/Galmudug State House

    • Author, Cabdishakuur Casoowe
    • Role, Nairobi

Sannad kasta, 12-ka October, waxaa la xusaa maalinta calanka Soomaaliya.

Sidoo kale, in ka badan 60 sano ayaa laga joogaa markii ay Soomaaliya gobannimadeeda ka qaadatay gumeystayaashii reer Yurub. Astaamihii ugu waaweynaa ee xorriyadda muujinayay waxaa ka mid ahaa calanka ay yeelatay dowladdii la baxday Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Muddo 30 sano ah xornimadii ka dib ayuu calankaas buluugga ah ee dhexda ku leh xiddigta cad ee shan geesoodka ah kaligiis astaan u ahaa Soomaalida ku midowday gobolladii Waqooyiga iyo Koonfurta.

Laakiin wixii xilligaas ka dambeeyay waxaa soo baxay calamo kale oo ka duwan kii ugu horreeyay. Maanta oo uu Soomaaliya ka jiro nidaam federaal ah waxaa shacabka indhahooda ku soo batay calamo ay sameysteen maamul goboleedyada kala duwan ee hoos taga dowladda dhexe.

Marka laga soo tago Jamhuuriyadda iskeed madax-bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, waxaa jira shan maamul oo ka jira Federaalka Soomaaliya - kuwaasoo mid walba uu leeyahay calan u gaar ah.

Dadka Soomaalida ah ee ka soo kala jeeda dowlad goboleedyada ayaa si weyn u daneeya calamada maamulladooda, qaarkoodna waxayba isbarbar dhig ku sameeyaan calamadaas kala duwan iyo midka Qaranka.

Muxuu ka dhigan yahay Calanka Soomaaliya?

Calanka Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed

Qoraalka sawirka, Calanka Soomaaliya waxaa hindisay Alle ha u naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan

Dad badan waxay aaminsan yihiin in midabka buluugga ah ee calanka uu micnihiisu yahay "cirka oo aan caad lahayn".

Hase yeeshee sida saxda ah waa in "midabkaas uu ka dhigan yahay badweynta ku teedsan xeebta ugu dheer Afrika ee ay Soomaaliya leedahay," sida uu BBC-da u sheegay Abwaan Cali Jaamac Cawaale (Cali Dhoof) oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee khibradda u leh taariikhda calanka - kaas oo adeer uu u yahay Maxamed Cawaale Liibaan oo ah ninkii hindisay naqshadda calanka. Xiddigta shan geesoodka lehna "waxay mataleysaa shanta Soomaaliyeed, halka midabkeeda cadna uu yahay nabad."

Qoraalka Muuqaalka, Maxay tahay sababta uu ninkan caddaanka ah uu gurigiisa u soro calanka Soomaaliya?

Markii ugu horreysay ee lagu fikiray in calan ay Soomaali leedahay la abuuro waxay ahayd dabayaaqadii 1940-meeyadii, markaas oo tallaabo loo qaadayay sidii ay Soomaaliya uga bixi lahayd gumeysiga, sida uu horay u sheegay Maxamed Cawaale Liibaan - oo ah maskaxdii ka dambeysay calanka naqshaddiisa.

Wareysi uu Cawaale bixiyay sannadkii 1983, ayuu ku yiri: "Markii xaaladda Soomaaliya go'aankeeda lagu wareejiyay Qaramada Midoobay, oo Taliyaanigana la yiri 10 sano haku gaarsiiyo hannaanka xorriyadda, qodobbadii lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in la sameeyo calan summad u noqda Soomaaliya oo looga sooco ummadaha kale."

Wuxuu sheegay in Talyaaniga uu damcay in uu ka soo hor jeesto calankaas, isagoo ku andocoonaya inuu u egyahay calamo kale oo markaas horay usii jiray.

Sidoo kale wuxuu maamulka Taliyaaniga daneynayay calamo lala tartansiinayay kii uu Cawaale la yimid, kuwaas oo qaarkood ay u ekaanayeen midka Taliyaaniga qudhiisa.

Alle ha u naxariisteen Cawaale wuxuu magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday 5-tii bishii June ee sannadkii 2001-dii, xilligaas oo ay da'diisu ahayd 92 sano.

Marxaladihii uu soo maray calanka

Abwaan Cali Jaamac Cawaale (Cali Dhoof) oo ka mid ah abwaanada Soomaaliyeed - oo sheegay inuu soo korsaday Maxamed Cawaale Liibaan - ayaa tilmaamay in calanka uu soo maray marxalado kala duwan.

Abwaan Cali Jaamac Cawaale (Cali Dhoof) waxaa adeer u ah oo soo korsaday Maxamed Cawaale Liibaan oo ah ninkii hindisay calanka Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Abwaan Cali Dhoof/Youtube

Qoraalka sawirka, Abwaan Cali Jaamac Cawaale (Cali Dhoof) waxaa adeer u ah oo soo korsaday Maxamed Cawaale Liibaan oo ah ninkii hindisay calanka Soomaaliya

"12-kii Oktoobar, sannadkii 1952, ayaa la hindisay calanka, labadii sanno ee xigtay dood ku saabsan baa ka jirtay Qaramada Midoobay, balse 1954-tii markii Cabdullaahi Ciise uu tagay xarunta Qaramada Midoobay ayaa la oggolaaday.

Bishii Oktoobar ee isla sannadkaas ayaa la arkay isaga oo suran Fiisho Gufeerno (Dhismaha xarunta dowladda hoose ee Xamar). Wuxuu markaas u dhaxeeyay calankii Qaramada Midoobay iyo kii Taliyaaniga, balse wuu ka gaabaa," ayuu yiri Abwaanka.

"Qof gumeysi arkay baa qarannimo garan kara"

Abwaan Cali Jaamac Cawaale wuxuu dhaliilay dadka isku barbar wada calanka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

"Maxamed Cawaale wuxuu yiri: "Qof gumeysi dhibkiisa arkay, oo xorriyad ka raadsaday baa garan kara waxay tahay gobannimada iyo dal jacaylka. Marka dadka qaarkood hadda waxay calamada cusub u arkaan reer hebel iyo qabiillo. Haddii xitaa ay ismaamul goboleed u arki lahaayeen way fiicnaan lahayd," ayuu yiri.

Calamada dib ka soo baxay

Shan maamul goboleed oo ka tirsan dowladda federaalka ayaa leh calamo u gaar ah, waxayna kala yihiin Jubbaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Punland.

Jubbaland waxay ka mid tahay maamul goboleedyada Soomaaliya ee calanka gaarka ah sameystay

Xigashada Sawirka, Jubbaland Tv

Qoraalka sawirka, Jubbaland waxay ka mid tahay maamul goboleedyada Soomaaliya ee calanka gaarka ah sameystay

Munaasabadaha ka dhaca deegaannada ay ka jiraan maamul goboleedyadaas ayaa lagu arkaa dadweynaha oo ku labisan calamada dowlad goboleedyadooda, iyagoo ku lammaaniyay calanka Soomaaliya.

Sidoo kale muddooyinkii dambe waxaa soo kordhay naqshadaha laga sameeyo calamada gaarka ah iyo qalab lagu xardho.

Waxaa ka mid ah kuulaha qoorta lagu xirta, jijimaha gacanta, sallado, qalimaan iyo waxyaabo kale.

Khilaafka u dhaxeeya qaar ka mid ah maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa la aaminsan yahay inuu saameyn ku leeyahay isbarbar dhigga calamada.

Calanka Hirshabeelle

Xigashada Sawirka, Hirshabeelle State

Qoraalka sawirka, Calanka Hirshabeelle

Dhanka kale calamada deegaannada ayaa loo sameeyay heeso, kuwaas oo looga dayanayo heesaha waddaniga ah ee lagu maamuuso calamka Soomaaliyeed.

Dhammaan calamada gaarka ah ee dowlad goboleedyada ayaa qeyb ka mid ah lagu muujiyay calanka qaranka.

Waxaa kale oo xusid mudan in ay jiraan "dad waddaniyiin ah oo uu ku weyn yahay calanka, taariikhdiisana jecel inay wax ka ogaadaan."

Meelaha "sida weyn looga xiiseeyo" calanka Soomaaliya waxaa ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Calanka maamulka Koonfur Galbeed oo ka barbar suran calanka Soomaaliya

Xigashada Sawirka, KGS STATE HOUSE

Qoraalka sawirka, Calanka maamulka Koonfur Galbeed oo ka barbar suran calanka Soomaaliya

Magaalada Jigjiga ayey muddooyinkii ugu dambeeyay ku soo badanayeen dadka daneeya calanka Soomaaliya.

Dharka lagu xardhay calanka Soomaaliya gaar ahaan diracyada ay xirtaan dumarka ayaa gudaha magaaladaasi aad uga qiimo badan dharka kale.

"Diraca baatiga ama shiidka ah waxaan ku gadnaa 120 bir oo lacagta Itoobiya ah, balse marka lagu xardho calanka Soomaaliya waxaan ku gadnaa 300 oo bir," ayay tiri Salma Yuusuf Ismaaciil oo goor sii horreysay la hadashay BBC-da.

Inta badan munaasabadaha ka dhaca maamul goboleedyada ayaa loo soo qaataa calnka maamul goboleedkaas oo barbar socda kan Qaranka Soomaaliya, sida kan sawirkan hadda ka muuqda ee Galmudug

Xigashada Sawirka, Galmudug State House

Qoraalka sawirka, Inta badan munaasabadaha ka dhaca maamul goboleedyada ayaa loo soo qaataa calnka maamul goboleedkaas oo barbar socda kan Qaranka Soomaaliya, sida kan sawirkan hadda ka muuqda ee Galmudug

Itoobiya waxaa ka bilowday isbedel iyo furfurnaan wixii ka dambeeyay markii uu Ra'iisul Wasaaraha ka noqday Abye Axmed, oo heersare gaarsiiyay xorriyadda hadalka iyo dookha dadweynaha.

Magaalada Nairobi iyo magaalooyinka gobolka Waqoyi Bari ee Kenya sida Gaarisa ayaa caadi looga xirtaa calanka Soomaaliya, iyadoo dadka aysan wax cabsi ah qabin, sababtuna waa in aysan dawladdu mamnuucin, dadkuna ay xor u yihiin wixii ay cawrada ku asturanayaan.

Xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii, oo ka tirsan magaalada Nairobi, waxaa ku yaalla meherado badan oo lagu sameeyo qalabka lagu xardho calanka, kuwaas oo laga heli karo dhammaan noocyada calamada ka jira Soomaaliya.

Calanka Puntland

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Calanka Puntland - oo ka mid ah maamul goboleedyadii ugu hor sameysmay

Waxaa xitaa calamadaas hadda kala garanaya farsamayaqaannada aan Soomaalida ahayn ee ka ganacsada meheradaha lagu iibiyo ee Kenya.

Soomaali badan oo ku nool dalalka kale ee Qurbaha ayaa sidoo kale isticmaala astaamaha calanka, gaar ahaan xilliyada ay jiraan munaasabadaha. Halka ay qaarkoodna dalalkaas ku adeegsadaan calamada maamul goboleedyadana.

Qaababka kale ee ay Soomaalida ku muujiyaan jacaylka calanka waxaa ka mid ah in qaarkood ay midabkiisa wajiga marsadaan, xilliyada ay xusayaan maalmaha xorriyadda.