1-da Luulyo: Maxay tahay sababta uu ninkan caddaanka ah uu gurigiisa u suro calanka Soomaaliya?

Qoraalka Muuqaalka, Maxay tahay sababta uu ninkan caddaanka ah uu gurigiisa u soro calanka Soomaaliya?

Nin ku nool Australia ayaa sanadwalba gurigiisa ka taaga calanka Soomaaliya. Ninkaas wuxuu deggan yahay xaafadda ay Soomaalidu ku badanyihiin ee magaaladaasi Melbourne.

Xafladda calansaarka Soomaaliya ee uu ninkaasi gurigiisa ku qabto waxaa sanadkan ka qeybgalay dad kooban fayraska korona awgii.

Waxaa xafladdaasi ka qeybgalay weriye Ibrahim Cumar Baafo kaddibna warbixintan ayuu inoo soo diray.