Shan marxaladood oo uu soo maray calanka Soomaaliya iyo shaki ay ka muujiyeen dadka qaar

Xigashada Sawirka, AFP
Maanta oo ah 12 October waxay ku beegantahay maalinkii la sameeyay calanka Soomaaliya, kaas oo goboladii Waqooyi iyo kuwii Koonfureed ee Soomaaliya labadaba laga taagay markii ay xornimada Soomaaliya ka qaadatay gumeystayaashi Talyaaniga iyo Ingiriiska.
Abwaan Cali Jaamac Cawaale (Clai Dhoof) oo ka mid ah abwaanada Soomaaliyeed, uuna adeer u yahay Maxamed Cawaale Liibaan - oo ah ninkii hindisay naqshada Calanka Soomaaliya ayaa BBC Somali uga waramay shan marxaladood oo xasaasi ah oo uu soo maray calanka Soomaaliya.
VIDEO
"Calanka waxaa naqshadiisa la keenay 1952-dii, 12-kii Oktoobar, labadii sanno ee xigtay dood baa ka jirtay Qaramada Midoobay tiilay, balse 1954-tii markii Cabdullaahi Ciise uu tagay Qaramada Midoobay waana la ogolaaday, isla sannadkaas 12-kii oktoobar ayaa la arkay isaga oo suran Fiisho Gufeerno, oo u dhaxeeya calankii Qaramada Midoobay iyo kii Talyaaniga, balse ka gaaban, 1956-dii markii dowladdii Cabdullaahi Ciise la dhisay waxaa lala simay kii Talyaaniga iyo kii Qaramada Midoobay, 1960-kii, 26-kii June waxaa la surey beerta xoriyadda Hargeysa, isaga oo kaligiis ah, waana marka la yiri kana siib kana saar, ugu dambeyntiina 1960-kii , 1dii luuliyo isaga oo kaligiis ah ayaa Xamar laga surey" ayuu yiri Abwaan Cali Dhoof.
Abwaanka ayaa sidoo kale ka sheekeeyay dhacdo ku qabsatay magaalada Kismaayo sannadkii 1996-dii, taas oo ahayd in ay waayeen calan ay suraan mar ay u dabaaldagayeen munaasabadda koowda Luuliyo, balse ay ka heleen haweenay sanduuqa uu ugu jiray illaa 1962-dii oo kaydsatay.
Soomaalida ka shakisan asalka calanka
Waxaa jira Soomaali ka shakisan asalka calanka Soomaaliya iyo meesha uu ka yimid, iyaga oo ku tilmaamay shay la soo waariday.
Sufyyaan Sheekh Axmed oo ay dhawaan gacanta ku dhigeen sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa kamid ahaa dad baahiyay muuqaallo uu ku duray asalka calanka.
Wuxuu aaminsan yahay in calanka la sameeyey 1936, oo samayntiisana aysan Soomaali shaqo ku lahayn. Wuxuu ku tilmaamay calanka buluugga ah ee xiddigta cad dhexda kaga taallo "astaan shaydaan".
Ujeeddada uu sidaa u leeyahay wuxuu ku macneeyey in markii hore ay Soomaalidu khaldantay, laakinse hadda ay tahay inay isa saxdo.
Wuxuu sidoo kale diiddan yahay heesta calanka ee 'Qolaba Calankeeda' oo uu tusaale u soo qaatay tuducyo heesta ku jira oo uu ku macneeyay kuwa aan sax ahayn.
Dhanka kale waxaa jira Soomaali kale oo aaminsan in lahaanshaha calanka Soomaaliya looga horeeyay Soomaalida, oo laga leeyahay Wuqooyiga America, inkasta oo calanka ay isticmaaleen dadkii ku dhaqnaa gobolka Florida uu ka midab duwan yahay kan Soomaaliya.
Qoraalo kala duwan oo ay mareegaha internet ka ku daabaceen ayay fikirkaan ku cadeeyeen dadkaasi.











