Fikradihii aad kasoo dhiibateen Soomaliya oo 60 sano jirsatay

Xigashada Sawirka, Getty Images
60 sano ayaa laga joogaa markii ay Soomaaliya noqotay waddan xor ah. Kuwani waa fikradihii ay dadka ku xiran BBC Somali kasoo dhiibteen arrintaas, dareenkoodana ku cabbireen.
Dadka nala soo xiriiray siyaabo kala duwan ayey u cabireen dareenkooda.
Nimcaan Jaamac Maxamed, oo jooga magaalada Burco: "60 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay gobollada Waqooyi iyo koonfur xorriyadooda qaateen kuna midoobeen runtii waa mid ku weyn quluubta Soomaaliyeed waana markii gayiga Soomaaliyeed laga taagay calan ay Soomaali leedahay oo xor ah, kaddib dadaal dheer oo loo galay sidii la isaga kicin lahaa gumeystihii dalka heystay. Inkastoo muddadaas 60-ka sano ah ay dhaceen isbadallo badan - oo ay midoobeen koonfur iyo waqooyi, haddana ay kala qeybsameen - waxaan leeyahay bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan HAMBALYO HAMBALYO."
Aamina Ifraax Cabdi oo joogta Gaarisa: "Runtii maalinta ay xorriyadda qaadatay Soomaaliya waa mid qiimo badan oo ku weyn quluubta ummada Soomaaliyeed. Hambalyo ayaan leeyahay guud ahaan dadka Soomaaliyeed meel kasto oo ay dunida ka joogaan. Xilligaas ay midoobeen koonfur iyo waqooyi runtii waa mid aan ka go'eynin qalbiyada Soomaalida. Dhanka kale aniga ahaan waxay iiga dhigan tahay Maalin qiimo badan. Waloow aan arkin Somaliya waligey, haddana waxan Aaminsanahay inaan ahay wadaniyad jecel Soomaaliya. Nabad iyo barwaaqo ayaan u rajeyna Soomaali oo dhan. Alle swt waxan uga baryayaa inuu waddanka noqdo hoyga nabadda. Amniga iyo hormarka Inshllah".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Saxardiid Xaashi Ardaale, oo jooga Boorama: "Anigu weligay umaan dabaal degin maalinta Xoriyada ee 26-ka Juun, inta noloshyda kadhimana uma dabaal degi doono, waayo? Waxaan aaminsanahay inaan weli laga xoroobin gumeysigii oo weli ay gacanta ku hayaan maskaxda iyo dhaqaalaha bulshadeenna, mana jirto sabab aan ugu dabaal dego xorriyad iyadoo weli aan wax ku barto luuqadooda .
Shukri J Cali Dhuux, oo aan sheegin meesha ay joogto: "Maalmaha xorriyada waa maalmo ku qaali ah qof kastoo Soomaali ah, aniguna aad bay iigu weyn yihiin maalmahan, laakiin waxaa murugo leh kala maqnaashaha labada gobol ee waqooyi iyo koonfur, micnana ma samaynayso dabaal dagyada la dhigayo."
Cabdiraxmaan Cabdullaahi Maxamed, oo jooga Mandheera: "Waxaan la wadaagayaa umadda Soomaaliyeed dhammaanteed hambalyo ku aaddan 60 guuradii kasoo wareegtay gobanimada Soomaaliya. Wax la dhayalsan karo ma aha in qofka bani'aadanka ah uu helo xorriyaddiisa, waxaana dhibaatada uu gumeysi leeyahay dareemi kara qofkii arka oo kaliya. 60 sano kaddib waxaa aniga ii muuqata ifafaalo ah in mar labaad ay midnimo yeelan doonto Soomaali, ummaddana waxaan leeyahay niyadda kheyr halloo sheego."
Xamda Jaamac, oo joogta Muqdisho: "Mansha allah 60 guuradii kasoo wareegtay xorriyadda Soomaaliya waxaan u arkaa waqti farxadeed, waana xilli ummada Soomaliyeed meel kastoo ay joogaan qalbigoda ku weyn. Waxaan u mahad celinayaa dadkii la dagaallantay gumeystaha ee naftooda u huray si jiilka ka dambeeya ay nolol fiican ugu noolaadaan. Alle ha u naxaristee, annagana waxaa nalaga rabaa inaan sidooda oo kale mustaqbalka dalkeenna iyo dadkeennaba ka fakarnaa insha allah."
Salebaan haybe ciilmooge, oo jooga Balaycabane: Munaasibada 60 sano guurada xorriyaddii Soomaaliya aad ayaan u soo dhawaynayaa, waxaanan ku talin lahaa in labadii Gobol ee Ingriiska iyo Talyanigu kala gumaysanayay ay noqdaan labo dal oo walaalo ah, si lookala fudaydiyo culaska dhaqaale iyo kuraas waayo hadii Somaliland la aqoonsado dhammaan kuraasta laga siinayo Soomaaliya waxaa lasiin lahaa Bulshada la yaso ee lagu tilmaamo 0.5, markaa si ay xal ugu helaan 0.5 iyo dadka la hayb sooco, xalku sidaas ayuu ku jiraa."

Aamina Shitaaw Abuukar, oo aan sheegin meesha ay joogto: "Waxaan hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa ummadda Soomaali weyn meel walba oo ay caalamka ka joogaan, waxaana leeyahay maalintii xorriyadda waa maalin qiimo badan, oo dadka Soomaaliyeedna ku weyn. 60 sano ayaa laga joogaa maalintaas, dadkii xorriyadda noo keenay waxay dareemeen ayaan annaguna maanta dareemeynaa waxaana uga mahadcelinaynaa dadaalkooda, annagoo Alle uga mahad naqeyna inuu naga dul qaaday gumaysiga. Waxaa kadhiidhiyay isticmaarka soomaali isku duuban oo ul iyo diirkeed ah, waxaana u rajeynayaa Alle ka baryayaa in dadkeenna ay noqdaan kuwo jecel Soomaali weyn iyo wada jirkeeda, oo illooba 30-kii sano ee aan anagu isku mashquulnay una duceyno kuwii guusha keenay, ee hir galiyay kanna saar kanna siib. Waa inaan ka soconno dhibaatadii aan isku gaysanay, waxaana wanaagsan in Soomaali weyn oo wada faraxsan oo gacmaha isheysta uu adduun weynuhu arko."
Abdulkadir Yusuf, oo aan sheegin meesha uu joogo: "Dhab aan ahaantii dareenkega lama soo koobi karo aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inay Soomaaliya xornimadeedii qaadatay 60 sano ka hor, laakiin waxaan haddana dib uga murugoodaa halka ay maanta joogto iyo khilaafyada taagan ee aan tanaasulka lahayn. Waxaanse u rajeynayaa guul, horumar caddaallad, sinnaan iyo midnimo!!."
Sumaya Xiddig Nuux, oo joogta Garoowe: "Aniga waan u dabaal dagay 60 guuradii xorriyadda Soomaaliya. Waxaan rajeynayaa in 4 sano oo dambe ay Soomaaliya horumar ku tallaabsan doonto. Taasna ifafaaladeeda way noo muuqataa.
Maxamed Sheekh Axmed, oo jooga Koonfur Africa: " Waxaan kasoo jeedaa waxa loogu yeedho kilalka shanaad ee Itoobiya. Waxan ahay Soomaali aan wali xoroobin. Aniga xornimada Soomaaliya waxay iiga dhigan tahay niyo jab wayn sababtuna waa labo. 1- Inaan nasiib u yeelanin inaan la xoroobo walaaladay 1960-kii. 2- Inay walaaladay dayaceen xornimadaa aan anigu wali ku taamayo.
Farxiyo Nuur Dirir, oo joogta Sacuudi Carabiya: "Haddi aan firikayga ka dhiibto 60 guuradii kasoo wareegtay xorriyadda Soomaaliya, aniga waxan u arkaa inaysan Soomaalidu waxba ka faa'iidin xorriyaddii ay qaateen. Kaliya waxay ka dhaxleen dhimasho iyo burbur. Marka waxaan leeyahay Soomaalida caqligeeda Alle ha u soo celiyo."
Cabdirahman Xuseen, oo jooga Jabuuti: "Toddobaadka xoriyada dhulka Soomaalida waxay iiga dhigan tahay maalin wayn balse siday caddeeyeen dadkii goob joogga u ahaa malintaa inay san oollin wax rabitaan Somaalinimo ah. Koonfur maantana iyadaaba jilib jilib u kala fadhida. Woqooyi wa in loo daayo mesheeda, kollay cadaalad darro badan way jirtaa.

Xigashada Sawirka, Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed
Rooda Cumar Nageeye, oo joogta Boorama: "Aniga waxa aan ku soo barbaaray dowlad la'aan wixii ka dan beeyay 1986-kii waligayna ma xusin ama ma arag meel lagu xusayo 26-ka June. Maanta in laga xusay gobollada wagoogi ee Somaliland aad aan ugu faraxsanahay, manshaa allah intaa inka badan baan rajaynayaa, aan raadinno guul iyo gobanimo Somaali wayn oo dhan."
Cabdiqani Axmed Cilmi, oo jooga gobolka Awdal: "Waan soo dhaweynayaa xuska maalinkii xoriyadda la qaatay. Waxaan ku talinayaa in labada dhinac ay sidoodii hore midnimada u wada qaataan. Soomaali waa mid koofur iyo waqooyi. Madaxda hada joogtana waxaan kula talin lahaa u horseeda umada horumar iyo guul, iskuna keena labada umad ee walaalaha ah."
Khadija Qamar, oo aan sheegin meesha ay joogto: "Waxaan ku hadalyaa magaca dhalinyada Somaliyeed. Waan soo dhawaynayaa 26 June 1 July iyo 60 guuradii xorriyadda. Laakiin wali xor ma nihin haddaan nahay dhalinyarada Somaliyeed oo odayaal wakhtigoodii soo qaatay ayaan u afduubanahay oo midba calan yar meel ka taagtay, kan dhintay waa annaga, kan tahriibaa waa annaga, kan la xiraa waa annaga, kan is qarxiyaa waa anaga, kan shaqo la'aanta ah waa annaga, kan askariga ah oo xabadda la isga dhigayaa waa anaga, tan la kufsadaa waa annaga tan umul raacdaa waa annaga, tan geela lagu iibsado sidii xoolohii waa anaga. Yaa na habaaray dalkaan sidaan naloogu ciqaabayaa soo keennii ma aha? maxaan odyaal beeshin ah oo dhaqaalaha waddanka inay aruursadaan kaliya raba u daba soconaa? waa inaan hortooda soconno ayagana naga fariista dhahno. Walaalo ayaan nahay oo waan isku damqannaa hadii mid wax gaaraan, aan ka faaiidaysanno waqtigeena dahaniga ah xoogeena iyo dalkeena xaduudka Eratariya kan Oromad ilaa Gaarisa anagaa leh waa inaan meeshaan doonno aadi karno oo xoriyad ku joogno Qabiil iyo qashinkinna ka xorowno."
Axmed Amiir, oo jooga Yurub: "26 June waxay noo tahay maalin madow haddaanu nahay shacabka reer Somaliland, waayo maalintaas annagoo xor ah, oo ictiraaf haysanna, oo dawladnimo helnay ayaannu si dhib yar u dhiibnay ama ula midownay Soomaaliya, waana sababta ilaa maanta isjiidjiidka keentay."










