Fayraska corona: Barack Obama oo markale weeraray madaxweyne Trump

Barack Obama iyo Donald Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 1 daqiiqo

Madaxweynhii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa weerar afka ah ku qaaday maamulka madaxweyne Trump isagoona ku eedeeyay ineysan si wanaagsan ula tacaalin xanuunka fayraska corona.

Waxa uu sheegay in saraakiil badan ay u muqdeen ineysanba mas'uuliyad saaranayn.

Mr Obama oo khudbad ka jeedinayay xaflad qalin jabin ah ayaa sheegay in xaaladdan ay qeexeyso waxyaabo badan oo daahsoonaa. Waxa uuna carrabka ku adkeeyay in dadka ka mas'uulka ah dalka ay ogaayeen wax walbo oo ay sameeynayeen.

Waa markii labaad ee uu Mr Obama weerar afka ah ku qaadayo maamulka madaxweyne Trump muddo tobaad gudihii ah.

Barack Obama

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tirakoobkii ugu dambeeyay ee Jaamacadda Hopkins ayaa Muujinaya in inkabadan 1,200 oo qof ay fayraska corona dalkaasi Mareykanka ugu dhinteen afar iyo labaatankii sacaadood ee la dhaafay taasi oo tirada guud ka dhigeysa ku dhawaad 89 kun.

Mr Obama ayaa sidoo kale ku fogaaday dhibaatada uu xanuunkan saf-marka ku yeeshay bulshooyinka madowga ah ee ku sugan Mareykanka.

Dadka Ameerikaanka ah ee madow ayaa tiro aad u badan kaga dhimatay fayraska corona marka loo bar-bardhigo qowmiyadaha kale ee dalkaasi Mareykanka.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Madaweynihii hore ayaa sidoo kale intii uu khudbeynayay tusaale u soo qaatay dilikii Ahmaud Arbery oo ahaa nin madow ah oo ay toogteen laba nin oo cadaan ah.

"Haddii aad dooneysaan in dunida ay sidaan iska badasho, idinka ayay idinku xirantahay,'' waxa uu sidaasi ku yiri ardaydii qalin-jabineysay.

Qoraalka Muuqaalka, Sida dadkii u codeeyay Trump ay u arkaan qaabkii uu ula tacaalay fayraska corona.

Mr Obama ayaanan is muujinin tan iyo markii uu xafiiska baneeyay bishii Janaayo ee sannadkii 2017-kii, aadna uguma uusan hadli jirin arrimaha ku saabsan ninka isaga baddalay.

bb
Banner