Coronavirus: Duur joogtii oo dadkii ka nasatay

Hoombaro dhex dabaalaynsa khooriga Istanbul

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Hoombaro dhex dabaalaynsa khooriga Istanbul

Xayiraadda coronavirus dunida saaray waxa fursad mar la arag ah ka helay xawayaanka oo ku naaloonaya deegaan aan aadame ku cidhiidhyi karayn.

Xawayaanka magaalooyinka ku nool ayaa taxtaxaashaya dariiqyo cidlo ah oo waxa muuqaalkoodaa ku indho doogsany dadka arkay.

Inkasta oo muuqaaladaasi aanay ahayn kuwo cusub, hadana waxa gaar ka dhigayaa waa in ay meesha ka baxday cidhiidhigii dadku ku hayeen sababtuna tahay safmarka coronavirus oo aad moodo in xawayaanku ka heleen kalsooni ay meel walba ku mari karaan.

Xawayaan kale ayaa iyaguna nasiimo fiican ka helay seerayaasha oo ay keligood taxtaxaashaan, waxaanay wararka qaar tibaaxayaan in masuuliiinta seerayaashaasi sheegeen in xawayaanka ku jira seerayaashaasi xasilooni ka muuqato mar hadaan dad u soo daawasho tagay didinayn.

.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, .

Khooriga Bosphorous ee Istanbul ku yaal ayaa ka mid ah marin biyoodyada ugu saxmadda badan dunida. Maraakiibta waaweyn ee saliidda qaada, kuwa xamuulka iyo doonyaha rakaabka ayaa maalintii 24 saacadood ba isku dhaafdhaafa.

Laakiin maatan oo gaadiidkaa socodkoodii joogsaday, kalluumaysatadiina guryahooda joogaa maadaama oo magaalada xayiraadi saarantahay , ayaa waxa khoorigaa si raaxo leh ugu taxtaxaashaha hoomborada.

bb
bb

Waa lagu arki jiray khooriga hoombaro laakiin xeeliga kumay soo dhawaan jirin. Muuqalo internet-ka ay ku baahiyeen dad reer Istanbul ahi ayaa muujinaya in ay haatan xawayaankaasi ku soo dhawaadeen xeeliga oo ay muuqataa in ay aad u faraxsanyihiin.

Doofaar dhex qaadaya Haifa

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Doofaar dhex qaadaya Haifa

"Doofaar dhex qaadaya Haifa oo dadkeedii guryaha ku jiraan" waa ciwaan ku soo baxay wargeyska Haaretz ee Israel ka soo baxa.

Doofaarka waxa lagu arki jiray magaalaha Haifa hareeraheeda intaan cudurkani dilaacin, laakiin haatan markii dadkii guryaha ku wada xaroodeen ayaa doofaarku soo galay magaaladii, sida ay sheegeen dadka magaalada degani.

Arintu waxay noqotay mid wayn oo kaliftay in maamulka dawladda hoose ee magaaladu shir internet-ka ay ku yeesheen kaga arinsadeen doofaarka farah badan ee soo galaya magaalada.

.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, .

"Waxaan ka baqayaa marka coronavirus dhamaado in doofaarku magaalada laba qabsado oo habeen iyo maalin iyo saacad walba soo galo" ayuu yidhi Yaron Hanan oo olole ugu jira in wax laga qabto xawayaankan magaalada ka soo buuxsamay.

Dhanka kale xawayaano kale ayaa keligood ku taxtaxaashaya seereyaal markii hore mashquul ahaan jiray.

Dalka Albania ayaa shirmbirha Flamingo ay aad ugu soo xoomeen haro ku taal xeebt galbeed ee dalkaas oo haatan tirada shimbirahaas la sheegay in ay saddex laabantay oo gaadha 3000 sida ay masuuliyiintu u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP.

.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, .

Kumanaan ayaa la arkayey oo dul heehaabaya harahada Narta oo ah goob ay ku nastaan oo isku saartaan markay Afrika iyo koonfurta badda Mediterranean-ka ka soo hayaamaan.

Warshahadaha soo saara saliid saytuunka iyo hargaha iyo saamaha oo markii hore lagu eedayn jiray in ay dikheeyaan biyaha ayaa haatan xidhan, gaadiidkii xawliga ku mari jirya wado u jirta 500m ayaan iyadna haatan cidi marin, oo waxay shimbirihii heleen xasilooni badan.

"Laba laba ayay shimbiruhu isku racaayaan oo geedaha hoostooda u tagayaan oo aad moodaa inay isa saaranayaan" ayuu yidhi Nexhip Hysolakoj oo ah madaxa seerahaas Vlora.

Xuur cuf ku fadhida

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Xuur cuf ku fadhida

Seeraha Divjaka ayaa waxa iyaguna cufafkood ku fadhiya 85 lamaane shimbiraha xuurta ah. Dalxiiseyaashii 50,000 ahaa ee caadiyan bil walba tagi jiray halkaas ayaan haatan joogin, waxaanay arintaasi keentay xasilooni ay saraakiisha seeruhu rajaynayaan in horseedi doono in xawayaanku ku tartamaan.

Dalka Thailand raxan xawayaanka Dugong ka la yidhaa oo mushaaxaysa seero badeedka Hat Choa Mai ayaa la arkay halkaas oo dalxiiskii ka joogsaday.

.

Xigashada Sawirka, AFP/ THAILAND'S NATIONAL MARINE PARK

Qoraalka sawirka, .

Dugong oo meelo kale looga yaqaano lo' badeed ayaa lagu tiriyaa in ay ka mid yihiiin xawayaanka halista ugu jira dabar go'a waxaanay ku sumoobaan dikhowga biyaha.

Maamulka seerahaas ayaa muuqaalo Facebook uu ku baahiyey muujinayaan raxan xawayaankaas ka mid ah iyo noocyo kala duwan waxaanu sheegeen in xawayaankii tarmay tan iyo intii uu bilaabmay cudurkani.

Waxa kale oo jira in xawayaanka qaarkood fursadda ay haystaan aanay sii jiri doonin.

Cougar

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Cougar

Dhawr ka mid ah xawayaanka Cougar la yidhaa ayaa lagu arkay iyagoo taxtaxaashaya dariiqyada magaalada Santiago ee dalka Chile oo inta la qabtay lagu celiyey deegaankii ay ku noolaayeen.

Xawayaankaa midkood waxa lagu arkay isaga oo dhex socda xaafado dad deganyihiiin.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, .

"sawaxan badan ma dareemayaan waxaanay sidoo kale raadinayaan meelo ay wax ay cunaan ka helaan ka dibna waxa muuqa in ay magaalooyinka ku soo dhex ambadeen" ayuu yidhi Horacio Borques oo ah agaasimaha waaxda xoolaha iyo beeraha dalkaasi.

Laakiin sidaas oo ay tahay ayaan xawayaan oo dhami ka faa'iidin xayiraadda coronavirus.

Shimbiraha qoolayda ah ee Yurub ayaa halis ugu jira macaluul sida ay sheegeen dadka u ololeeya daryeelka xawayaanka ee Jarmalku. Sababtuna waxa weeyi in dadkii dariiqyada ugu daadin jiray cuntadu aanay haatan guryaha ka soo baxay. Ururku wuxu sheegay in kasta oo shimbiraahis dhibaato ku hayaan magaalooyin badan in aanay hadana qumanayn in macaluul lagu dilaa.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, .

Magaalada Krakow ee Poland ayaa ururada daryeelka xawayaanka midkood waxay u soo baxaan si ay u quudiyaan shimbirahaa aan cidi wax siisaa jirin ilaa haatan.