Coronavirus: Adeegga internet-ka ee 5G ma faafiyo coronavirus Covid-19

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ururka Seynisyahannada adduunka ayaa cambaareeyay sheegasho ku saabsan in adeegga internet-ka ee 5G uu wiiqayo difaaca jirka uuna sababayo in xanuunka coronavirus uu sii fido.
Muuqaallo lagu wadaagay baraha bulshada ayaa muujinaya baallayaasha telefoonnada gacanta oo dab lagu qabadsiiyay magaalooyinka Birmingham iyo Merseyside, waxaana la raaciyay sheegashada ku saabsan in adeegga 5G uu mas'uul ka yahay faafista cudurka Covid-19.
Fariimaha ayaa lagu wadaagay baraha ay bulshada ugu isticmaalka badan tahay ee Facebook, YouTube iyo Instagram, waxaana ku jira ciwaanno ay ku xiran yihiin boqollaal kun oo qof.
Balse seynisyahanada ayaa sheegaya in aragtida la isugu xirayo Covid-19 iyo 5G ay gebi ahaanba tahay waxba kama jiraan aan macquul gal ahayn.
Stephen Powis, oo ah agaasimaha NHS England ayaa u aqoonsaday sheegashadan inay tahay nooca ugu xun ee wararka been abuurka ah.
Sheeko si qarsoodi ah loo soo diyaariyay
Qaar badan oo ka mid ah kuwa fariimahan dadka la wadaagaya ayaa gadaal ka riixaya fikraddan daahsoon ee been abuurka ah, iyaga oo ku andacoonaya in 5G - oo loo adeegsado shabakadaha taleefanka gacanta oo ay ku tiirsan yihiin mowjadaha raadiyaha - ay si uun mas'uul uga yihiin cudurka coronavirus.
Fikradahan ayaa u muuqda in markii ugu horraysay lagu daabacay barta Facebook dhammaadkii bishii January, isla waqtigaasna kiisaska ugu horreeyay laga diiwaan galiyay dalka Mareykanka.
Waxay u muuqdaan inay labadan mid yihiin:
- Mid waxaa lagu sheegayaa in adeegga 5G uu wiiqi karo habka difaaca jirka, taasoo markaas sababeysa in dadka uu si dhakhso ah ugu dhaco fayraska.
- Midda kale waxay sheegeysaa fayraska si la isugu gudbin karo iyadoo la isticmaalayo tiknoolojiyadda 5G.
"labada sheegasho waa kuwo aan micno sameyneyn", ayuu yiri Dr Simon Clarke, oo wax ka dhiga University of Reading. "Sheegashada ah in 5G uu yareynayo difaaca jirka ma aha mid la hubo," ayuu yiri Dr Clarke.
"Difaacaaga jirka waxaa wax yeelleyn kara wax walba, sida adigoo hal maalin daallan, amaba aan cunin cunto isku dheellitiran. Ma aha wax weyn balse waxay kuu nugleyn karaan inaad qaaddo fayraska.
In kasta oo mawjadaha raadiyaha ee aad u xooggan ay sababi karaan kuleylka, 5G ma jiro meel u dhow oo leh awood ku filan oo ay ku kululeyso dadka, ilaa ay ku yeelan karto saameyn macno leh.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mowjadaha raadiyaha ee ku lug leh 5G iyo tiknolojiyadda kale ee telefoonka gacantu aad bay tabartooda u hooseysaa.
Iyaga oo ka awood yar iftiinka muuqda, ma laha awood ay ku waxyeelleeyaan unugyada - wayna ka duwan yihiin shucaaca sare ee ugu dambeeya heer kulka oo ay ka mid yihiin fallaaraha qorraxda iyo raajooyinka caafimaadka.
Waxaan sidoo kale macquul ahayn in 5G ay faafiso fayraska, ayuu yidhi Adam Finn, oo ah barfasoor ku takhasusay caafimaadka carruurta ee Jaamacadda Bristol.
"Cudurkan saf-marka ah ee hadda jira, waxaa keena fayras loo kala qaado hal qof oo qaba cudurka oo loo gudbiyo qof kale. Waan ognahay in tani ay run tahay. Waxaa xitaa sheybaarkeenna yaalla feyras laga soo qaaday qof xanuunsan. Feyrasyada iyo hiraraka tiknoolijiyadda ee isku xira internetka iyo telefoonnada gacanta ayaa u shaqeeya siyaabo kala duwan, waana sida ay u kala duwan yihiin jeestada iyo farmaajada,'' ayuu yiri.

Waxa kale oo muhiim ah in la ogaado cillad kale oo weyn oo ku saabsan fikradaha shirqoolka ah - coronavirus wuxuu ku fidaa magaalooyinka ka tirsan UK oo wali aan la geynin adeegga 5G iyo waddamada sida Iiraan oo aan wali soo saarin teknoolojiyadda noocaas u shaqeysa.
Waxaa jiray sheekooyin cabsi badan oo ku saabsan wareegga adeegga 5G, ka hor inta uusan dillaacin cudurka coronavirus, kaas oo lagu hubiyay barnaamijka xaqiijinta runta iyo beenta, sida su'aasha ah: adeegga 5G ma keenayaa khatar caafimaad?
Shirkadda Mobile UK ayaa sheegtay in wararka been abuurka ah ee la isla dhex marayo ee 5G la xiriirinaya coronavirus ay yihiin kuwo walaac abuuraya, halka Waaxda tiknoolojiyadda casriga ah, dhaqanka, warbaahinta iyo ciyaaraha ay sheegtay inuusan gebi ahaanba jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya.
Fayrasyadu waxay weeraraan unugyada bani'aadamka ama xayawaannada, waxayna u isticmaalaan inay ku tarmaan, taasina waa waxa keena caabuqa. Fayrasyadu kuma noolaan karaan meel dheer oo ka baxsan waxa nool, sidaa darteed waa inay raad ku helaan si ay u galaan gudaha- sida caadiga ah iyaga oo u maraya dhibcaha dareeraha ah ee qufaca ama hindhisada.
Marka la eego habka hiddasidaha ee coronavirus waxay natiijadu sheegeysaa in fayrasku uu ka yimid xayawaanka kaddibna uu u gudbay bani'aadamka.










