Internet-ka Iiraan oo go'an iyo Khumaini oo ku eedeeyay dibad baxayaasha kuwa raaligalinaya Trump

“Internet-ka oo la gooyay ka dib markii mudaharaadyo waaweyn ka dhacay Iran iyadoo hogaamiyaha sare uu ku sheegay dibad baxayaasha ‘kuwa farxad galinaya Trump’.”

Kooban

Tebin toos ah

  1. Madaxweyne Xasan Israa'iil waxa ay doonaysaa "dhul ay si sharci darro ah ugu soo rarto shacabka reer Falastiin''

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

    Xigashada Sawirka, Villa Somalia

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay jeediyey khudbad dhowr iyo toban daqiiqo ka koobnayd oo uu kaga hadlay xaaladdaha Soomaaliya iyo qorshayaasha dowladdiisa ee arrimaha midnimada iyo wadajirka.

    Khudbada oo lagu baahiyey baraha bulshada ee madaxtooyada Soomaaliya ayuu madaxweynuhu kaga hadlay dhinacyo kala duwan oo ay ka mid ahayeen mowqifka adag ee dowladiisu ka taagan tahay aqoonsiga Israa'iil ee Somaaliland iyo farriimo uu u jeediyey Somaliland.

  2. Banaanbaxyada Iiran ayaa ku fiday 16 magaalo oo kale

    Mudaharaadka Iiraan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Mudaharaadka Iiraan

    Halkan waxaa ku yaal khariidad la cusbooneysiiyay oo muujinaysa meelo la xaqiijiyay oo ay ka dhacayaan mudaharaadyada Iiran tan iyo 28-kii Diseembar 2025.

    Waxaan khariidada ku darnay 16 magaalo iyo tuulooyin kale tan iyo Talaadadii, kuwa ugu dambeeyay oo ah Zahedan oo ku taalla bariga dalka, agagaarka xadka Pakistan.

    Khariidadan waxay muujinaysaa meelaha BBC-da ay xaqiijisay muuqaalada fiidiyowga ah – waxaa jiri kara banaanbaxyo kale oo aan weli awoodin inaan xaqiijino.

    Khariidad

    Xigashada Sawirka, bbc

    Qoraalka sawirka, Khariidad
  3. Aqoonsi la’aanta Imaaraatka maxay uga dhigan tahay Somaliland?

    Madaxda Somaliland iyo Imaaraatka

    Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

    Qoraalka sawirka, Madaxda Somaliland iyo Imaaraatka

    Midowga Afrika iyo Imaraadka carabta ayaa noqday illaa iyo hadda wadamadii ugu dambeeyey ka soo horjeesta aqoonsiga Israa'iil ay Soomaaliland u aqoonsatay waddan ka madax banaan Soomaaliya.

    Arrintan ayaa meesha ka saartay warar la isla dhex marayey oo sheegayey in Iimaaraadka uu aqoosan doono Somaliland.

    Warsaxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen labada dhinac ayey ku sheegeeyn in ay yeesheen kulamo iyo wadahadallo, xilli Wasiiru Dowlaha Imaaraadka Sheikh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan uu booqaasho ku tegey caasimadda Itoobiya ee Addis ababá.

    waxa ay warsafadeedka ku sheegeen in ay xoojiyeen iskaashigooda istiraatiijiyadeed ee muddada dheer, iyagoo xaqiijiyay kor u qaadida iyo difaacidda nabadda iyo amniga iyo ilaalinta madaxbanaanida dhuleed iyo danaha dhaqaale ee dowladaha

  4. Dowladda Ingiriiska oo ku baaqday in Iiran ay ‘iska ilaaliso xadgudubka

    Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska Starmer

    Xigashada Sawirka, PA

    Qoraalka sawirka, Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska Starmer

    Dowladda Ingiriiska ayaa ku baaqday in hay’adaha Iiran ay “iska ilaaliyaan falalka xadgudubka” waxayna sheegtay in dowladda UK ay taageerto “kuwa adeegsada xuquuqdooda inay si nabad ah u mudaharaadaan.”

    “Hay’adaha Iiran waa inay iska ilaaliyaan falalka xadgudubka oo ixtiraamaan xorriyadaha aasaasiga ah, oo ay ku jiraan xorriyadda hadalka, isu-imaatinka iyo helitaanka macluumaadka,” ayuu yiri afhayeenka rasmiga ah ee Ra’iisul Wasaaraha.

  5. Flydubai oo baajisay duullimaadyadeedii Jimcaha ee Iiran

    Diyaarada Flydubai

    Xigashada Sawirka, simpleflying

    Qoraalka sawirka, Diyaarada Flydubai

    Daqiiqadihii ugu dambeeyay, waxaan helnay war cusub oo ka yimid flydubai, oo ah shirkad diyaaradeed oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta kana shaqeysa duullimaadyo joogto ah oo u kala goosha Iiran.

    Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in dhammaan duullimaadyadii maanta tagi lahaa Iiran la baajiyay sababo la xiriira qalalaasaha weli ka socda dalkaas.

    Shirkaddu waxay sheegtay inay si dhow ula socon doonto xaaladda, isla markaana ay xiriir la sii samayn doonto rakaabka ay saameeyeen.

  6. Muxuu Trump ka yiri mudaharaadyada ka socda dalka Iiraan

    Donald Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Donald Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa muddo dheer muujinayay naceybka uu u qabo hoggaanka Iran.

    Xagaagii 2025, intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood ahaa ee u dhexeeyay Iran iyo Israa’iil, Washington ayaa si toos ah ugu lug yeelatay iyada oo fulisay duqeymo cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday xarumaha nukliyeerka Iran.

    Hadda, iyada oo mudaharaadyo ballaaran oo ka dhan ah dowladda ay ka socdaan Iran, Trump wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu farageliyo haddii dad rayid ah la dilo.

    Rabshado sii kordhaya oo Khamiistii ka dhacay Iran ayaa keenay in Trump ballanqaado inuu “si aad ah u garaaci doono [Iiran]” haddii ay “bilaabaan dilka dadka”.

  7. Dibadbaxayaasha ayaa “isku dayaya inay ka farxad galiyaan madaxweynaha Maraykanka”, ayuu yiri Khamenei

    Khamenei

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Khamenei

    Isaga oo subaxnimadii hore la hadlayay taageerayaashiisa, Khamenei wuxuu ku tilmaamay mudaharaadayaasha “koox burcad ah” oo doonaya inay “ka farxiyaan” madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

    Khudbad muuqaal ah oo laga sii daayay telefishinka qaranka, Khamenei ayaa ku yiri : “Koox burcad ah ayaa ka soo baxday Tehran iyo meelo kale, waxayna burburiyeen dhismayaal, kaliya si ay uga farxiyaan madaxweynaha Maraykanka.

    ‘’Taasi waa sababta oo ah wuxuu sameeyay sheegasho aan macquul ahayn oo ah inuu idin taageerayo, idinka rabshad-wadayaasha ah iyo dadka waxyeellada u geysanaya dalka. Haddii uu awoodo, ha maamulo dalkiisa.”

    Hoggaamiyaha Iran, oo xilka hayay tan iyo 1989, wuxuu intaa ku daray in gacmaha Trump “ay ku daateen dhiigga in ka badan kun Iiraaniyiin ah oo ku dhintay dagaalkii 12-ka maalmood ahaa [ee Israa’iil lala galay]”.

  8. Dibadbaxyo ka dhan ah dowladda ayaa weli ka socda guud ahaan Iran

    Qoraalka Muuqaalka, Watch: Buildings in Tehran set on fire as demonstrations spread across Iran

    Dad aad u tiro badan oo dibadbaxayaal ah ayaa ku sii qulqulaya magaalada Tehran iyo magaalooyin kale oo Iran ah, iyaga oo ka qayb qaadanaya mudaharaadyo ka dhan ah dowladda oo galaya maalinkii 13aad:

    Ugu yaraan 34 dibadbaxayaal ah iyo afar xubnood oo ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa ku dhintay rabshadaha, halka 2,200 oo dibadbaxayaal ah la xiray, sida ay sheegtay Hay’adda Wararka Dhaqdhaqaaqayaasha Xuquuqda Aadanaha ee fadhigeedu yahay Maraykanka

    Mudaharaadyada Iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Mudaharaadyada Iiiraan
  9. Hoggaamiyaha ugu sarreeya Iiraan oo ka hadlay mudaharaadyada waaweyn ee ka socda Iiraan

    Ayatollah Khamenei

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Ayatollah Khamenei

    Hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Iiraan, Ayatollah Khamenei, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Islaamiga ahi aysan ka laaban doonin cadaadiska dibadbaxayaasha, kuwaas oo uu ku tilmaamay burburiyayaal.

    Tani waa khudbaddiisii ugu horreysay ee telefishin uu dadka kula hadlo tan iyo markii ay bilowdeen dibadbaxyada guud ee dalka ku baahay ku dhowaad laba toddobaad ka hor.

  10. Baasaboorka Soomaaliga oo gaaray meeshii ugu sarraysay.Meeqa dal ayaa lagu tagi kara fiise la'aan

    Somali Passport

    Xigashada Sawirka, Hiiraan

    Qoraalka sawirka, Somali Passport

    Baasaboorka Soomaaliga ayaa u muuqda mid si isa taraysa u soo ceshanaya maqaamkii uu ku lahaa masraxa caalamka, taasoo astaan u ah xiriirka diblomaasiyadeed ee sii kordhaya iyo dib u soo kabashada dalka, ka dib tobanaan sano oo ah go'doon, amni darro iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

    Tan iyo markii uu qarxay dagaalkii sokeeye 1991-kii, Baasaboorka Soomaaliga waxaa lagu sameeyay isbedello is-bedel ah oo ay ka mid tahay in la sameeyo nooc casri ah oo muddo shan sano ah soconaya.

    Isbeddelladani waxay muujinayaan dadaallada ballaaran ee dalku uu ugu jiro dib-u-dhiska hay'adaha iyo xoojinta meeqaamkiisa caalamiga ah.

    Sida aan ka soo xigannay warbaahinta Turkiga ee TRT, Sannadkii 2016-kii, Baasaboorka Soomaaliya ayaa kaalinta 101-aad ka galay qiimeynta Henley Passport Index, oo ah shirkad hormuud ka ah shirkadaha la-talinta iyo cilmi baarista dhanka la talinta dakhliga ee adduunka.

  11. Mareykanka oo joojiyay fiisaha dal kale oo Afrika ah

    Sida ku xusan siyaasadaha socdaalka Mareykanka, dowladda Mareykanka ayaa wixii laga soo bilaabo 1-dii January sanadkan 2026 qeyb ahaan fiisaha booqashada Mareykanka, fiisaha ardayda iyo guud ahaan fiisooyinka muhaajiriinta ee dalka Tanzania.

    Ha yeeshee xayiraaddan ayaan si weyn u saameyn doonim

    • Fiisaha muhaajiriinta ee loogu talagalay qowmiyadaha iyo diimaha laga tirada badan yahay ee dhibaatooyinka kala kulma Iiraan
    • Muwaadiniinta haysta dhalashada laba dal
    • Fiisaha Muhaajiriinta Gaarka ah (SIVs) ee shaqaalaha dawladda Maraykanka
    • Dadka ka qeyb galaya qaar kamid ah munaasabadaha ciyaaraha waaweyn iyo,
    • Dadka leh Degganaanshaha Sharci ee Joogtada ah (LPRs)
  12. Ku dhowaad 20 ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Jubbada Dhexe

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, aya alagu sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ay xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay, kaas oo ka dhacay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

    Howlgalka ayaa la sheegay in si gaar ah loogu beegsaday warshad ay kooxda Al-Shabaab u adeegsan jireen soo saarista iyo diyaarinta qaraxyada, taas oo ahayd warshaddii qaraxyada ugu weyneyd ee ay halkaas ku lahaayeen, isla markaana gebi ahaanba la burburiyay.

    Sidoo kale, duqaynta ayaa lagu dilay 18 ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen injineerro ku lug lahaa farsamaynta qaraxyada iyo dhibaateynta ummadda Soomaaliyeed, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka wasaaradda gaashaandhigga.

  13. Ra'iisul wasaare Netanyahu oo ficil uu horey u sameyay isna hadda lagu sameeyay

    Ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu

    Xigashada Sawirka, EPA

    Dawladaha UK, Australia, Canada iyo Faransiiska ayaa aqoonsaday dowlad ay leedahay Falastiin, iyadoo waddamo kale la filayay inay sidan oo kale sameeyaan.

    Raiisul Wasaaraha UK, Sir Keir Starmer oo ku dhawaaqay aqoonsigan xilligaas ayaa yiri:

    "Marka la eego hawlagallad aragagaxa leh ee sii badanaya Bariga Dhexe, tani waa tallaabo aanu qaadaynno si aan u sii ilaalinno rajada nabadda iyo xalka laba-dowladood. Taasoo la micno ah Israa'iil oo nabad ah oo ammaan ah iyo dawlad Falastiin ah oo madax-bannaan."

    Ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu ayaa markaas si adag uga horyimid isla markaana ka digay oo ku tilmaamay in go'aannadaasi ay yihiin abaalmarin loo fidinayo "argagixisada bahallada ah ee Xamaas." Dawladda Mareykanka ayaa sidoo kale si adag uga hor timid aqoonsigaas.

    Haddaba dalal badan ayaa hadda ka horyimid markii uu ku dhawaaqay inuu aqoonsaday Somaliland, waa tabtii uu isagu sameyay bilooyin ka hor markii Falastiin ay aqoonsadeen dalal badan.

    Faahfaahin dheeraad ah hoos ka aqriso

  14. Israa'iil oo mar kale ka hadashay aqoonsiga Somaliland ay siisay

    Netanyahu iyo Cirro

    Xigashada Sawirka, Reuters/ Social

    Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobey Danny Danon ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in dalal badan ay Somaliland u aqoonsan doonaan dal madax bannaan sidii iyaguba u aqoonsadeen.

    Danny Danon ayaa u sheegay warbaahinta i24NEWS, u sheegay in aysan iyagu “riixeyn xaqiiqda ah in dalal kale ay aqoonsadaan Somaliland” balse ay iyagu horey u sameyeen.

    Dhanka kale waxaa uu sheegay danjiraha Israa’iil ee Qaramada Midoobey inuu booqday dalka South Sudan isla markaana ay u sheegeen in Israa’iil ay ka mid ahayd waddamadii ugu horreyay ee aqoonsiga siiyay isla markaana ay ku soo biireen xilligaas dalal kale.

    Sidaa awgeed wuxuu Mr Danny sheegay in uu rajeynayo in si la mid ah South Sudan ay dalal badan aqoonsan doonaan Somaliland.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  15. Dibedbaxyo xooggan oo gilgilay Iran

    Dad aad u tiro badan oo dibadbaxayaal ah ayaa socod ku marayay caasimadda Iiraan iyo magaalooyin kale, sida laga soo xigtay muuqaallo, taasoo la sheegay inay tahay mudaharaadkii ugu weynaa ee ay sameeyaan dadka ka soo horjeeda hay'adaha diimeed muddo sannado ah.

    Banaanbaxyadii nabadda ahaa ee ka dhacay Texraan iyo magaalada labaad ee Mashhad fiidkii Khamiista, kuwaas oo aysan kala dirin ciidamada amniga, waxaa lagu arki karaa muuqaallo ay xaqiijisay BBC Persian.

    Kadib, koox la socota dhaqdhaqaaqa ayaa soo sheegtay in internet la'aan baahsan ay ka jirto guud ahaan dalka.

    Mudaharaadayaasha waxaa laga maqli karaa muuqaallada iyagoo ku baaqaya in xilka laga tuuro Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei iyo in la soo celiyo Reza Pahlavi.

    iraan ayaa wajahaysa habeenkeedii 12-aad oo mudaharaadyo ay ka socdaan dhowr magaalo oo waaweyn, kuwaas oo ah mowjad weyn oo kacdoon ah oo ka dhalatay qalalaase dhaqaale iyo hoos u dhac ku yimid heerka nololeed.

    Dadweyne aad u tiro badan ayaa isugu soo baxay Tehran iyo magaalooyin kale oo aan horey u arag rabshado noocan ah.

    Habeennadii hore, meelo ka mid ah dalka waxaa ka dhacay iska horimaadyo rabshado wata oo u dhexeeyay mudaharaadayaasha iyo ciidamada ammaanka, taas oo keentay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu digniino u jeediyo dowladda Iiraan.

    Caawa, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale sheegay in Mareykanku uu “si aad ah u weerari doono” Iiraan haddii dowladdu ay layso mudaharaadayaasha.

    Kooxda kormeerka internet-ka ee Netblocks ayaa sheegtay in dalka uu ka jiro “xaalad internet la’aan ah oo guud ahaan dalka ah”.