Dad aad u
tiro badan oo dibadbaxayaal ah ayaa socod ku marayay caasimadda Iiraan iyo
magaalooyin kale, sida laga soo xigtay muuqaallo, taasoo la sheegay inay tahay
mudaharaadkii ugu weynaa ee ay sameeyaan dadka ka soo horjeeda hay'adaha diimeed
muddo sannado ah.
Banaanbaxyadii
nabadda ahaa ee ka dhacay Texraan iyo magaalada labaad ee Mashhad fiidkii
Khamiista, kuwaas oo aysan kala dirin ciidamada amniga, waxaa lagu arki karaa
muuqaallo ay xaqiijisay BBC Persian.
Kadib, koox la
socota dhaqdhaqaaqa ayaa soo sheegtay in internet la'aan baahsan ay ka jirto
guud ahaan dalka.
Mudaharaadayaasha
waxaa laga maqli karaa muuqaallada iyagoo ku baaqaya in xilka laga tuuro
Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei iyo in la soo celiyo Reza
Pahlavi.
iraan ayaa
wajahaysa habeenkeedii 12-aad oo mudaharaadyo ay ka socdaan dhowr magaalo oo
waaweyn, kuwaas oo ah mowjad weyn oo kacdoon ah oo ka dhalatay qalalaase
dhaqaale iyo hoos u dhac ku yimid heerka nololeed.
Dadweyne aad
u tiro badan ayaa isugu soo baxay Tehran iyo magaalooyin kale oo aan horey u
arag rabshado noocan ah.
Habeennadii
hore, meelo ka mid ah dalka waxaa ka dhacay iska horimaadyo rabshado wata oo u
dhexeeyay mudaharaadayaasha iyo ciidamada ammaanka, taas oo keentay in
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu digniino u jeediyo dowladda Iiraan.
Caawa,
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale sheegay in Mareykanku uu “si aad ah u weerari doono” Iiraan
haddii dowladdu ay layso mudaharaadayaasha.
Kooxda
kormeerka internet-ka ee Netblocks ayaa sheegtay in dalka uu ka jiro “xaalad internet la’aan ah oo guud
ahaan dalka ah”.