You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Turkiga oo farriin adag oo ku saabsan xaaladda Iiraan u diray Mareykanka iyo Israa'iil

  2. Cirbixiyeenno lagu soo celiyay dhulka kaddib daadgureyntii caafimaad ee ugu horreysay abid ee laga sameeyo saldhigga hawada sare

    Afar cirbixiyeen oo ka soo ambabaxay Saldhigga Caalamiga ah ee Hawada Sare (ISS) bil ka hor waqtigii loo qorsheeyay ayaa dib ugu soo laabtay dhulka, iyaga oo ku degay badda ka baxsan xeebaha California.

    Kooxda oo ka kooban 11 ayaa ka soo degay diyaaradda Dragon Endeavour qiyaastii 01:30 waqtiga maxalliga ah oo ku beegan (09:30 GMT), kaddib safar ku dhowaad 11 saacadood qaatay oo ay dib ugu soo laabteen dhulka.

    Tani waa markii ugu horreysay ee cirbixiyeenno laga soo daadgureeyo saldhigga hawada sare sababo la xiriira arrin caafimaad tan iyo markii ISS lagu wareejiyay meeraha Dhulka sanadkii 1998.

  3. Puntland ''Waxaa mamnuuc ah khamaarka (1xBet)''

    Dowlad goboleedka Puntland ayaa mamnuucday khamaarka (1XbET) oo sida ay sheegeen dhibaato weyn ku haya bulshada.

    ''Golaha Wasiirada ayaa mar kale ku celiyay in Puntland uu mamnuuc ka yahay Khamaarka (1XBET) oo hore dowladdu go'aan ugasoo saartay, waxaana lagu wageliyay hay'adaha iyo shirkadaha isgaarsiinta in si dhammaystiran loo joojiyo (IXBET) oo dhibaato weyn ku haya bulshadeena'' ayaa lagu yiri qoraal lasoo saaray shirka golaha wasiirada Puntland.

  4. Sanadkan cusub iyo kaalinta uu ku jiro Baasaboorka Soomaaliya

  5. Tiro badan oo Alshabaab ah oo la dilay

    Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AUSOM ayaa sheegay inay fuliyeen howlgal culus.

    In ka badan 30 Alshabaab ayaa lagu dilay howlgalka oo ka dhacay Bulungaad ee gobolka Shabeellada Hoose.

  6. Khilaaf soo kala dhex galay hogaanka sare ee Taliban

    BBC-da ayaa heshay cod sir ah oo laga soo dusiyay madaxa Taliban ee Afgaanistaan, Xibatullah Akhundzada, kaas oo ka digaya in khilaafaadka gudaha ay ridi karaan xukuumaddiisa.

    Baaritaan socday sanad oo ay sameysay BBC Afghan Service, ayaa lagu ogaaday in laba kooxood ay u loolamayaan hoggaanka Taliban.

    Mid ka mid ah ayaa la safan hoggaamiyaha sare iyo siyaasadihiisa adag.

    Midka kale ayaa la sheegay inuu doorbidayo ka qeyb galka caalamiga ah iyo in haweenka la siiyo fursado ballaaran oo waxbarasho ah.

    Afhayeen sare oo u hadlay Taliban ayaa beeniyay in uu jiro kala qeybsanaan balse waxa uu qiray in ay jiraan kala duwanaansho xagga aragtida ah.

  7. Ku-simaha safiirka Mareykanka ee Muqdisho oo shaqada bilaabaya

    Justin Davis ayaa shaqada ku simaha Safiirka ama rrimo fuliyaha (Chargé d’Affaires, a.i.) ka bilaabaya safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho.

    Qoraal ay safaaradda soo dhigtay barta X ayay ku sheegtay in uu hubinayo jisla markaana joogtaynayo ka qyb noqoshada arrimaha diblomaasiyadeed ee Mareykanka iyo horumarinta danaha Mareykanka ee Soomaaliya si waafaqsan mudnaanta Maamulka Trump ee America First.

  8. Dalalka uu maamulka Trump ka joojinayo Fiisaha dal ku galka Mareykanka

    Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa hakisay diyaarinta fiisaha soo galootiga ee 75 waddan iyada oo isku dayaysa in lagu xakameeyo codsadayaasha loo arko inay noqon karaan culays dadweyne.

    Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda, oo ay markii ugu horreysay ay aragtay Fox News ayaa ku amraya saraakiisha qunsuliyadaha inay diidaan fiisaha, ayagoo cuskanaya sharciga hadda jira, iyad oo wasaaraddu ay dib u qiimaynayso habraacyada baarista iyo hubinta.

    Dalalkaasi waxaa ka mid ah Soomaaliya, Ruushka, Afghanistan, Brazil, Iiraan, Ciraaq, Masar, Nigeria, Thailand, Yemen iyo kuwo kale.

    Hakinta ayaa bilaabanaysa 21 Janaayo, waxayna sii socon doontaa ilaa wakhti aan la cayimin oo wasaaraddu ay dib u qiimeynayso diyaarinta fiisaha.

    Soomaaliya ayaa waxaa si weyn isha ugu hayey mas'uuliyiinta federaalka kadib fadeexad weyn oo musuq maasuq ah oo ka dhacday Minnesota, halkaas oo dacwad oogayaasha ay soo bandhigeen ku takrifal ballaaran oo loo geystay barnaamijyo lagu maalgeliyo lacagta canshuur bixiyeyaasha. Qaar badan oo ka mid ah kuwa ku lugta leh ayaa la sheegaa inay yihiin muwaadiniin asalkooda Soomaali ka soo jeeda.

  9. War deg deg ah, NISA iyo saaxibada caalamka oo howlgal culus fuliyay

    Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa sheegay inay fuliyeen howlgal culus.

    Howlgalka ayay sheegeen in lagu bartilmaameedsaday guri ay ku shirayeen horjoogeyaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku yaala degmada Bu'aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.

    Halkan ayaad kala socod doontaan wixii faahfaahin ah oo ka soo baxa weerarkan

  10. Markii ay Itoobiya iska hor-taagtay in ciidamada Soomaaliya ay weeraraan Israel

    Sannadkii 1967-kii waxaa ka qarxay Bariga Dhexe dagaal weyn oo socday 5-tii illaa 10-kii bishii Juun ee sannadkaas. Dagaalkaas, wuxuu u dhexeeyey dowladda Masar oo ay xulufo la yihiin dowladaha Siiriya iyo Urdun iyo dowladda Israa’iil.

    Magacyo kala duwan ayaa loo yaqaan dagaalkaas. Adduunku, wuxuu ugu yeeraa ‘Dagaalkii Carabta iyo Yuhuudda ee 1967’ ama ‘Dagaalkii Saddexaad ee Carabta iyo Yuhuudda’. Carabta guud ahaan, iyo Masaarida gaar ahaan, waxay dagaalkaas ugu yeeraan ‘Dagaalkii 1967 ama ‘Dibu-Dhac’. Dhanka Yuhuudda waxaa looga yaqaannaa ‘Dagaalkii Lixda Maalmood’.

    Magac walba ha lahaadee, wuxuu ahaa dagaal ruxay caalamka oo idil. Wuxuu ka billowday xiisad soo taagneyd illlaa iyo aasaaskii xukunka Israa’iil, taas oo ay sii adkeysay meel-marin la’aanta heshiiskii Armistice, ee la saxiixay 1949-kii, iyo xirashadii ay Masar xiratay Gacanka Suweys 1956-kii, kuna dhawaaqday inay qarameysay.

    Bishii May 1967-kii ayaa mar kale Madaxweynihii Masar Jamaal Cabdinaasir uu ku dhawaaqay in Gacanka Tiran (the Straits of Tiran), ee afaafka Siinaay iyo Jasiiradda Carabta ku sii xira Badda Cas uu ka xiray maraakiibta Israa’iil, isagoo amar degdeg ah ku bixiyey inay halkaas isaga baxaan ciidamo gurmadka deg-degga ah, oo ay sannadkii 1956-kii keentay Qaramada Midoobay, kuwaas oo la magac-baxay UNEF (the United Nations Emergence Force).

    Isla markii ay billaabeen UNEF inay halkaas ciidankooda ka gurtaan ayaa maalinnimadii 5-ta June 1967 waxay ciidanka Israa’iiliyiintu soo qaaddeen weerar lama-filaan ku noqday ciidanka Masaarida. Weerarka maalintaas waxay bartilmaameedsadeen, oo ay ku burburiyeen dhammaan qalabkii difaaca cirka ee Masar.

  11. Ciidamada ICE oo Minneapolis ku toogtay qof kale

    Sarkaal ka tirsan Hay'adda Socdaalka iyo Kastamka (ICE) ayaa nin ka toogtay lugta magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, halkaas oo sarkaal ka tirsan is ICE uu toddobaadkii hore ku toogtay haweeney.

    War qoraal ah oo ay soo saartay Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa lagu sheegay, in saraakiisha federaalka ay markii hore ku daba jireen ninka iyagoo gaari ku eryanaya, sababto la xiriira inuu si sharci darro ah ku joogay Mareykanka isagoo ka yimid Venezuela.

    Magaalada Minneapolis ayaa xaqiijisay in ninka la toogtay loo qaaday isbitaal

    Sarkaal ka tirsan ICE ayaa sidoo kale loo qaaday isbitaal si kadib dhaawacyo soo gaaray, sida ay sheegtay DHS.

    Mas'uuliyiinta magaalada Minneapolis ayaa barta X ku qoray:

    "Waannu fahamsannahay in caro jirto. Waxaan dadweynaha ka codsanaynaa inay is dejiyaan."

    Magaalada Minneapolis waxay mar kale dalbanaysaa in ICE ay si degdeg ah uga baxdo magaalada oo ay gobolka ka baxdo," ayay raaciyeen.

    Ninkan ayaa gaarigiisa ka degay, waxaana is qabqabsi dhex maray isaga iyo sarkaal ka tirsan ICE, sida ay sheegtay DHS. Waxay intaas ku dartay in intii uu shilku socday laba qof oo kale ay ka soo baxeen dhisme dabaq ah oo u dhow, waxaana la sheegay inay "weerar ku qaadeen" sarkaalka.

    BBC-du si madax-bannaan uma xaqiijin karto waxa lagu faahfaahiyay bayaanka la soo saaray.

    Taliyaha booliiska Minneapolis Brian O'Hara ayaa sheegay in FBI-du ay baarayso dhacdada.

    "Isagoo ka baqaya naftiisa iyo badqabkiisa maadaama ay saddex qof weerar gaadmo ah ku qaadeen, sarkaalku wuxuu riday rasaas difaac ah," ayaa lagu yiri bayaanka DHS, iyadoo lagu daray "labada weeraryahanba waa la xiray".

    Isagoo ka jawaabaya toogashadii ugu dambeysay ee ICE, duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey wuxuu ku eedeeyay saraakiisha federaalka inay "abuurayaan fowdo" gobolka oo dhan.

    Saraakiisha Waaxda Arrimaha Ammaanka Gudaha Mareykanka ayaa u sheegay warbaahinta CBS News in ilaa 800 oo Ciidamada Ilaalada Xadka ah la geeyay aagga Minneapolis. Waxay dheeraad ku yihiin ilaa 2,000 oo ciidamada federaalka ee ICE oo hore usii joogay halkaas.

    Muddooyinkii dambe ayaa walaac laga muujinayay ciidamadan faraha badan ee halkaas lasoo dhoobay, iyadoo lagu andacoonayay inay saameysay bulshada ku nool gobolka ayna absi gelisay.

    Lama hubo saameynta ka dhalan karta ciidankan la geeyay gobolka Minnesota.

    Dhanka kale, Maamulka Trump ayaa ka laabanaya Sharciga Ilaalinta Ku-meel-gaarka ah (TPS) ee ay heystaan ku dhowaad 2,500 oo muhaajiriin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo qarka u saaran inay waayaan sharcigooda iyo oggolaanshaha shaqada marka ay taariikhdu tahay 17-ka Maarso.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  12. Awoodda ciidan iyo hub ee Iran

    Israa'iil waxay leedahay mid ka mid ah miletariga ugu awoodda badan adduunka, oo ay ku xoojiso in ka badan $3.8bn oo gargaar milatari ah sannadkii oo ay ka helaan Mareykanka.

    Israa'iil waxay leedahay cudud ciidan oo baaxad leh oo ka kooban 169,500 oo ciidan milatari oo ka kala hawlgala, badda iyo ciidamada qalabka sida, sida uu qabo machadka caalamiga ah ee daraasaadka istiraatijiyadeed '(IISS) uu soo saaray 2023

    Muwaadiniinta da'doodu ka weyn tahay 18 jir ee dalkaas ayaa looga baahan yahay in ay u adeegaan ciidamada; Marka ay ku biiraan, ragga ayaa la filayaa inay shaqeeyaan 32 bilood iyo haweenka oo iyana shaqeeya 24 bilood.

  13. Sababta Imaaraadku dhiigga ugu kiciyay Soomaaliya

  14. Iiraan oo farriin u dirtay Trump oo u hanjabay

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Cabbas Araghchi, ayaa sheegay in xukuumaddiisu aysan qorsheyneynin inay daldasho dadka la xiray ka qeyb qaadanayay banaanbaxyada looga soo horjeedo dowladda.

    Isaga oo la hadlay Fox News, ayuu sheegay, in Madaxweyne Trump uusan sameynin isla qaladkii uu galay sanadkii hore - markaasoo Mareykanku uu weerarro cirka ah ka fuliyay xarumaha Nukliyeerka Iran bishii June.

    Mr Trump ayaa ku hanjabay inuu qaadi doono "tallaabo aad u xoogan" haddii Iran ay bilowdo fulinta dilalka - laakiin markii dambe wuxuu sheegay in lagu war geliyay in dilalka dadka mudaharaadaya la joojiyay.

    Arbacadii shalay ahayd, Mareykanka iyo Britain ayaa ka daadgureeyay qaar ka mid ah shaqaalaha militariga saldhig muhiim ah oo ku yaalla Qatar - taasoo sare u qaadeysa filashooyinka ah in Mareykanku uu arrinta soo faragelin karo.

  15. BBC oo doonaysa in la laalo kiiska sumcad dilista ee uu ku dacwoonayo Trump

  16. Dalalka Muslimka ah ee aan u soo jawaabin madaxweyne Cirro

    Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in uu warqadda uu u qoray raysal wasaaraha Israa'iil mid lamid ah uu u qoray dalal muslim ah oo kamid ah Sucuudiga, Masar iyo Turkiga, balse uusan midkoodna u soo jawaabin farriinta uu u qoray.

    "Warqada aan u qoray Ra'iisul mid la mid ah ayaan u qoray Sucuudiga, Masar iyo Turkiga, midkoona iima soo jawaabin , balse rabitaanka shacabigeyga waxaa ka soo jawaabey Dawladda Israa'iil." ayuu yiri madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.

    "Rabitaanka shacbigayga waxaa ka soo jawaabay dowladda Israa'iil, waana u mahad naqeynaa", ayuu intaas raaciyay.

    "Waxaan ka fileynay jawaab walaalnimo, iskaashi, iyo inaanay ka hor imaan rabitaanka shacbiga Somaliland", ayuu intaa ku daray madaxweyne Cirro.

    Dhanka kale, madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada in Soomaaliya ay ku jabayso haddii ay kusoo duusho Somaliland

    ''Soomaaliya haddii ay kusoo duusho Jamhuuriyadda Somaliland sidii barigii hore ugu jabtay duulaankeedii si ka xun bay ugu jabi-doontaa, reer Somaliland waa u diyaar difaacidda dalkooda'' ayuu yiri.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  17. Soomaalida Minnesota talaabo noocee ah ayey ka qaadi doonaan qabqabashada ICE

  18. Qadar oo ka hadashay sababta ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska looga saarayo dalkiisa

    Mareykanka iyo UK ayaa dhimaya tirada ciidamada ee ku sugan saldhigga cirka ee Al-Cudeid ee dalka Qatar, iyada oo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka fiirsanayo in uu tallaabo ka qaado Iran sababo la xiriira caburinta ay ku hayso dadka dhigaya dibad baxyada looga soo horjeedo dowladda

    Saraakiil ayaa u sheegay warbaahinta CBS, oo bahwadaag la ah Mareykanka, in bixitaanka qeyb ka mid ah ciidamada Mareykanka ay ahayd "tallaabo taxaddar leh".

    BBC-da waxa ay fahamsan tahay in qaar ka mid ah shaqaalaha militariga UK-da sidoo kale laga saarayo goobta.

    Bayaan ay soo saartay dowladda Qadar ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka ay wararku sheegayaan in Mareykanka uu qaadayo ay yihiin "si looga jawaabo xiisadaha gobolka ee hadda jira".

    Xafiiska Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale si ku meel gaar ah u xiray safaaradda Britain ee Texran, taasoo hadda ka shaqeyn doonta meel ka baxsan magaalada, ayuu yiri afhayeen u hadlay xukuumadda

  19. Maxay tahay danta uu Turkigu ka leeyahay geeska Afrika

  20. Dowladda Mareykanka oo ku dhawaaqday go'aan kale oo ka dhan ah Soomaalida

    Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa joojinaysa dhammaan dadka socdaalka ah ee ka imanaya Soomaaliya, sida ay baahisay waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

    Baaritaan gudaha ah ayaa lagu ogaaday in “inta badan muhaajiriinta Soomaaliyeed ay qaataan kaalmada bulshada (welfare) marka ay yimaadaan Maraykanka.”

    “Muddo sanado ah, muwaadiniin ajnabi ah oo ka yimid Soomaaliya ayaa soo galay Maraykanka kana faa’iidaystay hantida canshuur-bixiyeyaasha Maraykanka, iyagoo ay ka mid tahay qaadashada kaalmada bulshada heerar aad u sarreeya., maamulka Trump wuxuu adeegsanayaa awoodda muddada dheer u taallay Waaxda Arrimaha Dibadda si loo joojiyo ku-takri-falka nidaamka socdaalka,” ayuu sheegay Afhayeen Ku-xigeenka Waaxda Arrimaha Dibadda .