Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Maxaa ka jira inay isu milmeen Al-Shabaab iyo ciidanka Laftagareen?

    Al-Shabaab

    Xigashada Sawirka, AP

    Qoraalka sawirka, Al-Shabab

    Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Glabeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen balse isagu sheegay inuu weli yahay madaxweynaha saxda ah ee maamulkaasi, ayaa beeniyay in xiriir uu kala dhaxeeyo al-Shabaab kadib markii dowadda federaalka ah iyo maamulka cusub ee Koonfur galbeed ay ku eedeeyeen wada shaqeyn in ay kala dhaxeyso Shabaab iyo ciidamo isaga taabacsan oo ku sugun duuleedka Baydhabo.

    Laftagareen oo waraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in dadka reer Koonfur Galbeed ay u adkeysan la'yihin dhibaatada lagu hayo shacabka deegaannadaasi, isla markaana ay doonayaan in ay ka dulqaadaan wax uu ku tilmaamay ciidamo ku soo duulay oo deegaanno kale laga keenay. Lifaaqa kore ka dhegeyso wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC:

  2. Hab-dhaqan ay Soomaaliduna leedahay oo la ogaaday inay keento cimri dherer isla markaana yareyso cudurka dhimirka

  3. Laftagareen oo sheegay in ciidamadiisa duleedka Baydhabo jooga aaney kaligood ahayn

    Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed
    Qoraalka sawirka, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed

    Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa shegay in ciidamada isaga taabacsan ee jooga duleedka magaalada Baydhabo ay la socdaan wasiirro, agaasimayaal iyo guddoomiyaal horey uga tirsanaa maamulkiisii.

    Wuxuu sheegay in ay duurka ku shaqeeyaan isla markaana ay qabtaan howlahoodii caadiga ahaa.

    Qodobkaan ayaa madaxweyne hore Lafta gareen ku sheegay waraysi uu siiyay BBCSomali, isagoo intaa ku daray in ciidamadiisu aaney ka dheereyn magaalada.

    Dhanka kale, Golaha wasiirrada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmo ka hor mar kale ku eedeyay madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen in ciidamada isaga taabacsan ay ku biireen al-Shabaab oo ay isku deegaanno joogaan isla markaana khal-khal amni ku hayaan deegaannada Koonfur Galbeed.

    War laga soo saaray shir golaha wasiiradu maanta yeesheen ayaa lagu sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay ciidamada madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed iyo kuwa al-Shabaab ay si isku mid ah ula dhaqmi doonaan.

    Warkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan uu beeniyay madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen in wax xiriir ah uu ka dhaxeeyo al-Shabaab iyo ciidamada isaga taabacsan ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo.

    Wuxuu sheegay in ujeedka ciidamadiisa ay tahay in ay dadka reer Koonfur Galbeed ka dul-qaadaan wax uu ku tilmaamay dulmi iyo tacaddi lagu hayo.

    Sidoo kale akhriso:

  4. War deg deg ah, Iska hor imaad aga soo sheegayo magaalada Baydhabo

    Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo iska hor imaad u dhaxeeya ciidamada mamulka KGS iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Glabeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen

    Xogta aan halkaas ka heleyo waxay sheeegeysaa, in dadka deegaanku ay arkeen ciidamo jihooyin kala duwan ka soo galaya magaalada, inkastoo uusan jirin dagaal xooggan oo haatan dhex maraya labada dhinac.

    Dadka deeganka waxay kaloo sheegeen inay arkeen ciidamo afka u duuban yahay, balse BBC-da si madax banana uma xaqiijin karto waxa ay yihiin ciidankaas.

    Isu socodka magaalada ayaa hakad galay iyadoo dadka ay intooda badan ku sugan yihiin guryaha, iyagoo ka cabsi qaba waxa ka socda magaalada.

    Weerarkan ayaa bilowday aroortii, gaar ahaan markii laga soo baxay salaadda subax.

    Wixii ka ka soo kordha iska hor imaadkan Baydhabo, halkan ayaan idinkugu soo gudbin doonaa.

    Sidoo kale akhriso:

  5. Muxuu yahay qorshaha Israa'iil ay wado ee ka dhanka ah Falastiniyiinta?

  6. Wasiirka Caafimaadka Iran: 18 qof ayaa ku dhintay, 108 kalena ku dhaawacmay weerarradii Maraykanka ee xalay

    Wasiirka Caafimaadka Iran, Mohammad Reza Zafarghandi, ayaa sheegay in 18 qof ay ku dhinteen, 108 kalena ay ku dhaawacmeen weerarro xalay ka dhacay gobollo kala duwan oo dalkaas ah.

    Weerarradan ayaa ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee uu Maraykanku qaado tan iyo dagaalkii 40-ka maalmood socday.

    Buuraha Sirik ayaa ka mid ahaa goobihii ay duqeymaha Maraykanku beegsadeen.

    Mas’uuliyiinta Iran ayaa sheegay in afar qof, oo ay ku jireen haweeney iyo ilmo ka qaybgalayay xaflad aroos, lagu dilay, halka 65 kalena ay ku dhaawacmeen weerarrada Maraykanka.

    Pejman Shahrokhi, oo ah madaxa Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ee Hormozgan, ayaa sheegay in lix ka mid ah dadka ku dhaawacmay dhacdadii buuraha Sirik ay ku jiraan qaybta daryeelka gaarka ah, halka 26 kalena lagu daweynayo qaybta qalliinka.

    Isaga oo ka jawaabaya su’aal ay BBC Persian weydiisay, afhayeenka Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM), Kabtan Tim Hawkins, ma uusan beenin wararka ku saabsan weerarka, balse wuxuu sheegay inuu "og yahay" warbixinnada la helay.

    Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ciidamada Maraykanku aysan waligood si ula kac ah u beegsan dadka rayidka ah.

    Gobolka Khuzestan, waxaa la sheegay in toddoba qof lagu dilay, siddeed kalena lagu dhaawacay weerarro ka dhacay goobo ku yaalla Ahvaz iyo Aghajari.

  7. Iran: Dalalka la shaqeeya Mareykanka waxay wajihi doonaan “jawaab culus”

    Iran

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Iran

    Taliyaha ciidamada Iran ayaa uga digay dalalka gobolka ee xulafada la ah Mareykanka inay wajihi doonaan “jawaab culus”, kadib markii Iran ay weerarro qaaday fiidnimadii Arbacada, taas oo jawaab u ahayd duqeymo isdaba joog ah oo Mareykanku ku qaaday Iran.

    Taliyaha taliska Khatam al-Anbiya ee ciidamada Iran ayaa sheegay in dalalka gobolka ee la shaqeeya Mareykanka ay wajihi doonaan “jawaab halis ah”, kadib markii Mareykanku weerar ka fuliyay koonfurta Iran.

    Taliyuhu wuxuu bayaan soo saaray Arbacadii, isagoo sheegay in Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah iyo ciidamada Iran ay ka jawaabeen weerarka Mareykanka, ayna waxyeello gaarsiiyeen xarumo iyo saldhigyo militari oo Mareykanku ku leeyahay gobolka.

    Wuxuu intaas ku daray in dalalka gobolka ee ay ciidamada Mareykanku ku sugan yihiin ay tahay inay “qaataan jawaabta culus ee ka dhalanaysa la shaqaynta ciidamada Mareykanka ee weerarka wada”.

    Qiyaastii hal saac kadib markii Mareykanku bilaabay duqeymaha cirka ee xeebaha koonfureed ee Iran habeenkii Arbacada, Ciidamada Ilaalada Kacaanka iyo ciidamada Iran ayaa ku dhawaaqay inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen saldhigyo militari oo ku yaalla Erbil, Urdun, Baxrayn iyo Ciraaq.

    Dhanka kale, nidaamka difaaca cirka ee Kuwait ayaa heegan la geliyay, iyadoo laga cabsi qabo weerarro ka iman kara Iran.

    Ugu yaraan shan qof oo ka qaybgalayay xaflad aroos ayaa lagu dilay, 60 kalena waa lagu dhaawacay duqeyn uu Mareykanku ka fuliyay tuulada Kohistas ee gobolka Suuriya habeenkii Arbacada.

    Sida ay sheegtay warbaahinta Iran, ilmo ayaa ka mid ahaa dadka dhintay, halka inta badan dadka dhaawacmay ay ahaayeen haween iyo carruur ka soo jeeday tuulada Dahistas.

    Sidoo kale akhri;

  8. Ururka Bisha Cas ee Iran oo warqad u dirtay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

    Ururka Bisha Cas ee Iran ayaa warqad u diray Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ee fadhigeedu yahay magaalada Hague, isagoo cambaareeyay duqeymaha Mareykanka ee koonfurta Iran, kuwaas oo la sheegay inay ku dhaceen goob xaflad aroos ah.

    Bisha Cas ayaa warqaddeeda ku sheegtay in afar qof, oo uu ku jiro ilmo, lagu dilay duqeynta cirka, halka 67 qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

    Sida ay sheegtay Bisha Cas, weerarku wuxuu dhacay 9:30-kii habeenimo waqtiga maxalliga ah ee Talaadadii, xilli ay xaflad aroos ka socotay deegaanka Kohistak ee Sirek.

    Bayaan ay hay’addu ku baahisay Telegram ayay ku tiri: “Tirada dadka dhintay ayaa kordhi karta, maadaama qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladdoodu aad u liidato.”

    Bisha Cas ayaa sheegtay in maadaama xafladdu ahayd kulan ay dad rayid ah isugu yimaadeen, dhacdadani ay walaac ka abuureyso marka loo eego sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, isla markaana ay “u baahan tahay baaritaan madax-bannaan, dhexdhexaad ah, dhammaystiran oo wax-ku-ool ah”.

    Milatariga Mareykanka ayaa sheegay inuu ka warqabo wararka ku saabsan weerarka, balse wuxuu ku adkaystay inuusan waligiis bartilmaameedsan dadka rayidka ah.

    Sidoo kale akhri;

  9. Israa'iil ayaa ka digtay inay tallaabo aargoosi ah qaadi doonto haddii UK ay cunaqabatayn soo rogto.

  10. Al Baghdadi iyo Bin Laden: Maxaad ka ogtahay eeygii loo adeegsaday dilkooda?

    Eey

    Xigashada Sawirka, The Sun

    Qoraalka sawirka, Eey

    Waxaa maalma kahor la dilay hogaamiyihii kooxda ISIS, Abubakr Al Baghdadi oo ay ciidamada Mareykanka ku weerareen deegaan ku yaala waqooyiga dalka Suuriya.

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in Al Baqdaadi uu ku cararay god dhulka hoostiisa ku yaala, ka dib markii ciidamada ay gudaha usoo galeen gurigii uu deganaa. Al Baqdaadi ayaa horay u kaxeysaty saddex caruur ah oo dhintay markii uu is qarxiyay.

  11. CENTCOM: “Si ka duwan Ciidamada Ilaalada Kacaanka, milatariga Mareykanku marna ma bartilmaameedsado dadka rayidka ah”

    Waxaan horay u soo sheegnay in milatariga Mareykanku uu sheegay inuu ka warqabo wararka ku saabsan weerar uu Mareykanku ku qaaday xaflad aroos, balse uu sheegay inuusan waligiis bartilmaameedsan dadka rayidka ah.

    Mowqifkan waxaa hadda mar kale xaqiijiyay Kabtan Tim Hawkins oo ka tirsan ciidamada Badda Mareykanka, ahna afhayeenka Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM).

    Isagoo BBC-da la hadlayay ayuu yiri: “Waxaan ka warqabnaa wararka, waxaana laga soo xigtay warbaahinta dowladda Iran. Milatariga Mareykanku marna ma bartilmaameedsado dadka rayidka ah, si ka duwan Ciidamada Ilaalada Kacaanka.”

    Ururka Bisha Cas ee Iran ayaa sheegay in afar qof lagu dilay weerarkii habeenkii dhacay, halka warbaahinta Iran ay sheegtay in laba carruur ah ay ka mid ahaayeen dadka dhintay, 67 qofna ay ku dhaawacmeen.

  12. Laba badmaax oo Filibiini ah oo lagu dilay weerar lagu qaaday markab shidaal oo Sacuudiga laga leeyahay

    Shirkad maraakiibta qaabilsan oo Sacuudi Carabiya laga leeyahay ayaa sheegtay in laba badmaax oo u dhashay Filibiin lagu dilay weerar lagu qaaday markab shidaal oo Sacuudiga laga leeyahay, kaas oo marayay marinka Hormuz.

    Shirkaddu waxay sheegtay in markabka shidaalka uu “la kulmay dhacdo dhinaca amniga ah” xilli uu marayay marinka Hormuz daraad, iyadoo xaqiijisay “geerida laba ka mid ah badmaaxiinteeda Filibiin”.

    Shirkadda Giriigga ah ee Marisax, oo ku takhasustay maaraynta khataraha dhinaca maraakiibta, ayaa sheegtay in intii u dhexeysay fiidnimadii Isniinta iyo subaxnimadii Talaadada, laba markab oo shidaal qaada lagu bartilmaameedsaday diyaarado aan la aqoonsan oo marayay marinka Hormuz.

    Sida ay sheegeen Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran, laba markab oo shidaal qaada ayaa dab qabsaday kadib markii ay dul mareen miino xilli ay marayeen marinka Hormuz.

  13. Iran oo Mareykanka uga digtay “istaraatiijiyad cusub” oo dagaalka ah

    Mohsen Rezaei ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku yiri: “Dadaalladan quusta ah ma awoodi doonaan inaad kaga baxsataan gunta cadaabta aad naftiinna u abuurteen. Dhowaan waxaad arki doontaan in istaraatiijiyadda cusub ee Iran ee goobta dagaalka, diblomaasiyadda iyo ka hortagga go’doominta dhaqaale ay burburin doonto aasaaskiinna.”

    Hadalladan ayaa yimid kadib is-weydaarsigii ugu cuslaa ee weerarro ay labada dhinac qaadaan toddobaadyadii lasoo dhaafay.

    Weerarradii ugu dambeeyay, ciidamada Mareykanka ayaa bartilmaameedsaday goobo ku yaalla xeebaha iyo bariga marinka Hormuz, iyo sidoo kale gobollo ku yaalla galbeedka, koonfur-galbeed iyo koonfurta Iran.

    Mid ka mid ah weerarradaas ayaa lagu dilay afar qof, 68 kalena lagu dhaawacay xaflad aroos oo ka dhacaysay magaalada Kohstak ee gobolka Hormuz.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa weerarka ku tilmaamay “dembi dagaal”.

    Iran ayaa sheegtay inay ka jawaabtay iyadoo bartilmaameedsatay fariisimo militari oo Mareykanku ku leeyahay guud ahaan gobolka, oo ay ku jiraan kuwa ku yaalla Urdun, Imaaraadka Carabta, Kuwait, Baxrayn iyo Erbil oo ka tirsan gobolka ismaamulka Kurdiyiinta ee Ciraaq.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa maanta difaacday weerarrada aargoosiga ah, iyadoo bayaan ay soo saartay ku sheegtay in tallaabadaasi loo qaaday “iyadoo waafaqsan xaqa dabiiciga ah ee is-difaaca”.

    Iran ayaa sidoo kale ugu baaqday dalalka gobolka inay ka hor istaagaan ciidamada Mareykanka inay dhulkooda u adeegsadaan fulinta weerarro ka dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

  14. Calaamadaha aad ku garan karto in wadnahu uu ku istaagi rabo?

    Wadna xanuunka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Wadna xanuunka

    Ma ogtahay in cudurrada la xiriira wadnaha ay ka mid yihiin sababaha ugu waaweyn ee dhimashada dalka Hindiya? Sida lagu sheegay Daraasadda ay Global Burden of Disease Study, afartii qof ee dhinta midkood ayaa u dhinta cudurkaan.

    In ka badan 80% dhimashada cudurrada wadnaha waxaa sababa wadne-istaagga. (heart attack) iyo istaroog.

    Hadaba ma jiraan calaamado lagu garto.

    faahfahinta ku dhufo lifaaqa hoose

  15. 8 ka mid ah dhismayaasha ugu midabbada quruxda badan dunida

  16. Wasiirka Maaliyadda Mareykanka: “Farriintaydu qof walba waa inuu ka fogaado Tehran”

    Wasiirka Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegay in shirkadaha diyaaradaha, warshadaha maraakiibta iyo hantida dijitaalka ah ay noqon karaan bartilmaameedyada xiga ee dadaallada Mareykanka ku doonayo inuu Iran dhaqaale ahaan go’doomiyo.

    “Farriintaydu qof walba waa inuu ka fogaado. Dhammaanteen waxaan rabnaa in colaaddani ay soo dhammaato, waxaana sida ugu dhaqsaha badan lagu soo afjari karaa iyadoo aan cidina wax taageero ah siin xukuumaddan,” ayuu Scott Besant u sheegay Fox News.

    “Waxaan wadnaa wadahadallo aad u culus oo ballaaran oo aan la yeelanayno dhammaan dadka iyo dhinacyada taageera xukuumaddan.”

    Wasiirka Maaliyadda Mareykanka ayaa shalay sheegay in hay’ad kasta oo ganacsi ama xiriir dhaqaale la samaysa Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ay wajihi doonto cunaqabateyn.

    “Waxay noqon karaan hay’ado kala duwan. Waxaa ka mid noqon kara shirkadaha diyaaradaha kireeya oo aan baaritaanno ku sameyn doonno. Waxay sidoo kale noqon karaan cid kasta oo ganacsi la samaysa IRGC. Waxaan la soconnaa hantida IRGC,” ayuu yiri.

    Wuxuu carrabka ku adkeeyay in “aanan wax dulqaad ah u yeelan doonin, isla markaana aan dooneyno inaan dhaqaale ahaan jilbaha dhulka dhigno xukuumaddan.”

    Scott Besant ayaa sidoo kale IRGC uga digay: “Waxaan ognahay shirkadaha ama hay’adaha ku yaalla Jasiiradaha British Virgin Islands ee ay ku jiraan akoonnadiinnu. Waxaan ognahay guryaha qiimahoodu yahay 100 milyan oo doollar ee aad dunida dacalladeeda ku leedihiin, waxaana damacsannahay inaan xannibno hantidaas.”

  17. Sudan:"Dagaalku wuxuu si toos ah u sababay inaan kala tagno aabbaha carruurtayda"

  18. Ciidanka Iiraan: Waxaan weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah ku qaadnay saldhigyada Mareykanka ee Bahrain iyo Imaaraadka Carabta

    Ciidanka Iran ayaa sheegay in ay weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah ku qaadeen saldhigyo militari oo Mareykanku ku leeyahay Baxrayn iyo Imaaraadka Carabta.

    Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay ciidanka Iran, “tobannaan diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ka tirsan ciidanka ayaa bartilmaameedsaday nidaamyada raadaarka iyo goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka ee saldhigyada Al-Dhafra iyo Al-Manhad ee Imaaraadka Carabta.”

    Ciidanka Iran ayaa sidoo kale sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee nooca Arash ay mar kale weerareen xarumaha raadaarka iyo goobaha ay ku urursan yihiin ciidamada Mareykanka ee saldhigga Sheekh Ciise ee Baxrayn.

    Iran ayaa sheegtay in weerarradan ay jawaab u yihiin duqeymihii ugu dambeeyay ee Mareykanka.

    Saacado ka hor, Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa iyaguna sheegay in ay weerar ku qaadeen saldhigyo Mareykanku ku leeyahay Kuwait iyo Urdun.

    Sidoo kale akhri;

  19. IRGC: Labo markab oo shidaal siday oo qarxay ka dib markii ay dul-mareen miinooyin marinka Hormuz

    Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegay in laba markab oo ah nooca shidaal qaada ay qarxeen kadib markii ay dulmareen miino badeed, ayna hadda gubanayaan.

    War kasoo baxay IRGC ayaa lagu yiri: “Saacado ka hor, laba markab oo shidaal qaada, kuwaas oo shaqaalihii laga dejiyay kadib markii ciidamada Mareykanku ku boorriyeen, isla markaana ay gacanta ku hayeen wakiillo Mareykan ah si ay uga gudbaan marin sharci-darro ah, ayaa qarxay oo istaagay kadib markii ay dulmareen miino.”

    Goobta ay labada markab ee shidaalka qaada kula kulmeen miinada badda ee marinka Hormuz ayaa la shaaciyay.

    Bayaan kasoo baxay IRGC ayaa sidoo kale lagu sheegay: “Ciidamada Badda ee IRGC ayaa hore uga digeen khatarta ka dhalan karta in maraakiibtu maraan marinka miinaysan.”

    Waxay intaas ku dareen in tallaabooyin ciqaabeed oo dheeraad ah loo qorsheeyay shirkadaha maraakiibta halkii ay mari lahaayeen waddada sharciga ah, “ku dhaca khiyaanada Mareykanka” oo maraakiibtooda u gacan geliya cadowga, isla markaana tallaabooyinkaas “dhowaan la fulin doono.”

    Sidoo kale akhri;

  20. Masar iyo Shiinaha ma waxay ballaarinayaan iskaashigooda milatari?