Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Trump muxuu u doonayaa in ay Iiraan burburto

  2. Maraykanka oo hoos u dhigay shaqaalaha saldhiggooda diyaaradaha ee Qatar

    Saldhigga cirka ee ciidamada Maraykanka

    Xigashada Sawirka, TSGT Scott Reed, USAF

    Qoraalka sawirka, Saldhigga cirka ee ciidamada Maraykanka

    Maraykanka ayaa dhimaya tirada shaqaalaha ka jooga saldhiggiisa cirka ee Al-Udeid ee dalka Qadar, sida ay sheegtay CBS News oo ah bahwadaagta BBC ee Maraykanka, tallaabadaas oo ay saraakiishu ku tilmaameen “tallaabo taxaddar ah”.

    Bayaan ay soo saartay dowladda Qatar ayaa lagu sheegay in tallaabadan la qaaday “iyadoo laga jawaabayo xiisadaha ka taagan gobolka xilligan”.

    Arrintan ayaa imanaysa kaddib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sheegay in Maraykanku qaadi doono “tallaabo aad u adag” oo ka dhan ah Iiran haddii ay mas’uuliyiintu fuliyaan dilka dibadbaxayaasha ka soo horjeeda dowladda.

    Iran ayaa sheegtay inay ka aargudan doonto haddii Maraykanku weeraro.

    Sida ay sheegayaan ururrada u dooda xuquuqda aadanaha, in ka badan 2,400 qof oo dibadbaxayaal ka soo horjeeda dowladda ayaa lagu dilay banaabaxyada ka dhanka ah dowladda Iiraan.

  3. Cirro ''Soomaaliya waa ku jabaysaa haddii ay Somaliland kusoo duusho''

    Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro

    Xigashada Sawirka, Barta bulshada

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro

    Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada in Soomaaliya ay ku jabayso haddii ay kusoo duusho Somaliland

    ''Soomaaliya haddii ay kusoo duusho Jamhuuriyadda Somaliland sidii barigii hore ugu jabtay duulaankeedii si ka xun bay ugu jabi-doontaa, reer Somaliland waa u diyaar difaacidda dalkooda'' ayuu yiri.

  4. Cirro ''Warqada aan u qoray Ra'iisul wasaaraha Israa'iil mid la mid ah ayaan u qoray Sucuudiga, Masar iyo Turkiga''

    Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro

    Xigashada Sawirka, cirro

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro

    Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in uu warqada uu u qoray ra'iisul wasaaraha Israa'iil mid lamid ah uu u qoray Sucuudiga, Masar iyo Turkiga, uusana midkoodna u soo jawaabin.

    "Warqada aan u qoray Ra'iisul mid la mid ah ayaan u qoray Sucuudiga, Masar iyo Turkiga, midkoona iima soo jawaabin , balse rabitaanka shacabigeyga waxaa ka soo jawaabey Dawladda Israa'iil." ayuu yiri madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.

  5. Madaxweynaha Poland: Awoodda kaliya ee Ruushka lagu joojin karo waa Trump

  6. Iiraan oo dardar-gelinaysa Maxkamadaynta dadka loo xiray Mudaharaadyada

    Maxkamad ku taala Iiraan

    Xigashada Sawirka, iranprimer

    Qoraalka sawirka, Maxkamad ku taala Iiraan

    Iiraan ayaa sheegtay inay dardar-gelin doonto maxkamadaynta dadka loo xiray mudaharaadyadii ka dhanka ahaa dowladda, iyada oo ay socdaan aaska dibadbaxayaal badan. Qoyska Erfan Soltani, oo lagu xiray mudaharaadyo ka dhacay magaalada Karaj, ayaa sheegay in loo sheegay in maanta la dili karo.

    Ururka xuquuqda aadanaha ee fadhigiisu yahay Maraykanka, Hrana, ayaa sheegay in in ka badan laba kun iyo shan boqol oo qof lagu dilay mudaharaadyada, kuwaas oo ay ku jiraan laba iyo toban carruur ah.

    Telefishinka dowladda Iiraan ayaa baahinaya muuqaallo muujinaya dad aad u tiro badan oo ka qayb-galaya xafladaha aaska ee in ka badan boqol xubnood oo ka tirsan ciidamada ammaanka iyo kuwo kale oo ay ugu yeeraan shuhado.

    Donald Trump ayaa ku hanjabay tallaabo adag haddii Iiraan ay daldasho mid ka mid ah dibadbaxayaasha.

  7. Ma ogtahay in 30 dal aad fiiso la'aan ku tagi karo hadii aad sidato baasaboorka Soomaaliya

    Baasaboorka Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, Baraha bulshada

    Qoraalka sawirka, Baasaboorka Soomaaliya

    Baasaboorka Soomaaliga ayaa u muuqda mid si isa taraysa u soo ceshanaya maqaamkii uu ku lahaa masraxa caalamka, taasoo astaan u ah xiriirka diblomaasiyadeed ee sii kordhaya iyo dib u soo kabashada dalka, ka dib tobanaan sano oo ah go'doon, amni darro iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

    Tan iyo markii uu qarxay dagaalkii sokeeye 1991-kii, Baasaboorka Soomaaliga waxaa lagu sameeyay isbedello is-bedel ah oo ay ka mid tahay in la sameeyo nooc casri ah oo muddo shan sano ah soconaya.

    Isbeddelladani waxay muujinayaan dadaallada ballaaran ee dalku uu ugu jiro dib-u-dhiska hay'adaha iyo xoojinta meeqaamkiisa caalamiga ah.

  8. Fiqi ''Boqortooyadu Sacuudigu waxay inoo muujisay garab istaag walaaltinimo oo ku qotoma taariikh iyo caqiido.

    Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Macalin Fiqi

    Xigashada Sawirka, Axmed Fiqi

    Qoraalka sawirka, Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Macalin Fiqi

    Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ammaanay doorka Sacuudiga ee taageerada Soomaaliya.

    Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ayuu ku yiri ''Boqortooyada (Sacuudi carabiya) iyo boqorka Xaramaynku waa sharfan yihiin Allaha barakeeyo, waxay inoo muujiyeen garab istaag walaaltinimo oo ku qotoma taariikh iyo caqiido''

  9. Safaarada Maraykanka "Waa been abuur, ma aynu soo saarin digniin safarka Laacsaacood"

    Safaarada Maraykanka

    Xigashada Sawirka, Safaarada Maraykanka

    Qoraalka sawirka, Safaarada Maraykanka

    Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda bulshada ku sheegtay inay been abuur tahay qoraal la isla dhex marayay oo ahaa in ay digniin safaaradu kasoo saartay safarka Laascaanood.

    "WAR BEEN ABUUR AH! Safaaradda Mareykanka ma soo saarin digniin amni oo ku saabsan safarka Lascanod. Fadlan la soco boggayaga rasmiga ah iyo akoonnada baraha bulshada si aad u hesho macluumaad lagu kalsoonaan karo" ayaa lagu yiri qoraalka safaarada.

  10. Ilhaan Cumar ''ICE haka baxdo gobolkeena, waa in argagaxa la joojiyaa''

    Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Minneapolis ayaa wareysi ay bixisay ayaa ku sheegtay in la qasay nolosha dadka.

    ''Waxaan rabnaa ICE in ay isaga baxdo gobolkeena'' ayay tiri, iyada oo intaasi raacisay ''Waxaynu doonaynaa in la joojiyo argagaxa''

    Ilhaan Cumar

    Xigashada Sawirka, The new yorker

    Qoraalka sawirka, Ilhaan Cumar
  11. Dan noocee ah ayuu Maraykanku ka leeyahay Iiraan tallaabadee ayuuse qaadi doonaa?

  12. Trump oo ka digay "tallaabo culus" hadii qof la daldalo iyadoo tirada dhimashada Iran ay korortay

    Erfan Soltani

    Xigashada Sawirka, Hengaw Organization for Human Rights

    Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu qaadi doono "tallaabo aad u adag" oo ka dhan ah Iran haddii ay disho dibad-baxayaasha, ka dib markii uu horay ugu sheegay dadka reer Iran "caawimaad ay soo sosocto".

    Arintan ayaa imaneysa iyadoo qaraabada Erfan Soltani, oo 26 jir ah, oo la xiray todobaadkii hore, iyagoo sheegay in maanta la qorsheeynayo in la dilo.

    In ka badan 2,400 oo mudaaharaadayaal ah oo ka soo horjeeda dawladda ayaa lagu dilay olole rabshado ah oo ay sameeyeen maamulka Iran, sida ay sheegtay koox xuquuqda aadanaha oo saldhigeedu yahay Maraykanka.

    Trump waxa uu ka fiirsanayay ciidan iyo xulashooyin kale oo jawaab ah, isaga oo horay u shaaciyay 25% canshuur ah oo la saarayo dal kasta oo ganacsi la sameeya Iran.

  13. Trump duulaan ma ku qaadi karaa Iiraan?

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa lala wadaagay xulashooyin ballaaran oo ay ka mid yihiin hawlgallo qarsoodi ah iyo kuwo ciidan oo loo adeegsan karo Iiraan, sida ay laba sarkaal oo ka tirsan Waaxda Difaaca Maraykanka u sheegeen warbaahinta CBS News, oo ah bahwadaagta BBC ee Maraykanka.

    Weerarro gantaallo oo masaafada dheer ah ayaa weli ah ikhtiyaar suuragal ah haddii Maraykanku farageliyo IIraan, balse saraakiisha Pentagon-ka ayaa sidoo kale soo bandhigay hawlgallo dhanka internet-ka iyo ololeyaal dhanka maskaxeed ah sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

    Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay canshuur 25% ah oo lagu soo rogo badeecadaha ka imanaya waddamada xiriir ganacsi la leh Iiraan, xilli ururrada xuquuqda aadanaha ay sheegayaan in ka badan 600 dibadbaxayaal ah lagu dilay mudaharaadyada ka dhanka ah dowladda ee soconaya saddexda toddobaad.

  14. Ma waxaa soo dhow xilligii ay dhici lahayd dowladda Iiraan?

  15. Mareykanka oo digniin amni u diray muwaadiniintiisa jooga Iiraan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Safaaradda Mareykanka ee Iiraan ayaa digniin amni u dirtay muwaadiniinta Mareykanka eek u sugan dalka Iran, iyadoo ku amartay inay si degdeg ah uga baxaan Iiraan

    Bayaanka lagu daabacay bogga internetka ee Safaaradda Mareykanka ayaa lagu yiri in: "mudaharaadyada ka socda Iiraan ay sii kordhayaan, waxaana jira cabsi laga qabo inay isu beddelaan rabshado, taasoo keentay kororka tirada dadka la xiray iyo dhaawacyada. Tallaabooyinka amniga ayaa la adkeeyay, waddooyinka waa la xiray, gaadiidka dadweynaha ayaa hakad galay, adeegyada internetkana waa la joojiyay”.

    “Dowladda Iiraan waxay xaddiday adeegsiga taleefannada. Shirkadaha diyaaradaha waxay xaddideen ama joojiyeen duulimaadyadii u socday iyo kuwii ka imanayay Iiraan, halka dhowr shirkadood oo diyaaradeed ay joojiyeen adeegyadooda," ayaa lagu yiri bayaanka.

    Mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa muwaadiniintooda ku amray inay si degdeg ah uga baxaan Iiraan, sida lagu sheegay bayaanka, iyagoo intaas ku daray haddii ay suurtogal tahay, inay maraan dhulka oo ay tegaan dalalka Turkiga ama Armenia.

    Hay'adaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in helitaanka xogta saxda ah ay adag maadaama uu Khadka go’an yahay, laakiin xogaha la helay ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay sii korodhay.

    Kooxda xuquuqul insaanka ee Hrana, oo saldhigeedu yahay Maraykanka, ayaa sheegtay in tirada dadka ku dhintay dibadbaxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay guud ahaan dalka Iran ay ka badan tahay laba kun iyo shan boqol oo qof.

    Kooxdu waxa ay sheegtay in laba iyo toban ka mid ah dadka dhintay ay yihiin carruur.

    Tiradani ayaa la shaaciyay xilli madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku boorriyay dadka reer Iran inay sii wadaan dibadbaxyada.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  16. Maxay Somaliland uga dhigan tahay in Imaaraadka iyo Midowga Afrika ay taageereen Mowqifka Soomaaliya?

    Midowga Afrika iyo Imaraadka carabta ayaa noqday illaa iyo hadda wadamadii ugu dambeeyey ka soo horjeesta aqoonsiga Israa'iil ay Soomaaliland u aqoonsatay waddan ka madax banaan Soomaaliya.

    Arrintan ayaa meesha ka saartay warar la isla dhex marayey oo sheegayey in Iimaaraadka uu aqoosan doono Somaliland.

    Warsaxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen labada dhinac ayey ku sheegeeyn in ay yeesheen kulamo iyo wadahadallo, xilli Wasiiru Dowlaha Imaaraadka Sheikh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan uu booqaasho ku tegey caasimadda Itoobiya ee Addis ababá.

    waxa ay warsafadeedka ku sheegeen in ay xoojiyeen iskaashigooda istiraatiijiyadeed ee muddada dheer, iyagoo xaqiijiyay kor u qaadida iyo difaacidda nabadda iyo amniga iyo ilaalinta madaxbanaanida dhuleed iyo danaha dhaqaale ee dowladaha.

  17. Titada dhimashada dibedbaxyada Iiraan oo korortay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Kooxda xuquuqul insaanka ee Hrana, oo saldhigeedu yahay Maraykanka, ayaa sheegtay in tirada dadka ku dhintay dibadbaxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay guud ahaan dalka Iran ay ka badan tahay laba kun iyo shan boqol oo qof.

    Kooxdu waxa ay sheegtay in laba iyo toban ka mid ah dadka dhintay ay yihiin carruur.

    Tiradani ayaa la shaaciyay xilli madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku boorriyay dadka reer Iran inay sii wadaan dibadbaxyada.

    Waxa uu tii talaadada u sheegay weriyeyaasha, inuu isku dayayo inuu soo ururiyo tiro sax ah oo ku saabsan tirada dadka dhintay oo uu si waafaqsan uga jawaabi doono.

    Mr. Trump wuxuu la tashanayay la taliyayaashiisa amniga qaranka.

    Horay ayuu ugu hanjabay tallaabo adag, wuxuuna uga digay Iran inay qofna daldalaan.

    Iran ayaa ku eedaysay inuu hurinayo rabshado.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  18. Ciidamada Ilaalada Xadka oo lasoo dhoobay Minneapolis iyo dibadbaxyada oo weli socda

  19. War deg deg ah, Ugu yaraan 12 qof oo dhimatay kadib wiish ku dhacay tareen

    Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay, tobanaan kalena way ku dhaawacmeen kadib markii wiish dhisme ka shaqeynayay uu ku dhacay tareen.

    Shilku waxa uu Arbaca saaka ah ka dhacay gobolka Nakhon Ratchasima, oo waqooyi ka xiga caasimadda Bangkok, sida ay sheegayaan wararku.

    Tirada dhimashada ayaa la filayaa inay sii kororto maadaama ay samatabixiyeyaashu weli ka saarayaan meydadka gaariga tareenka ee burburay.

    Sida ku xusan xogta tareenka, waxaa saarnaa 195 rakaab ah iyo shaqaale.

  20. Sidee ayay Soomaalida u saameyneysaa sharciga TPS ee uu Trump joojiyay?