Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
Xisbullaah oo sheegatay in ay fuliyeen 13 weerar oo ka dhan ah askarta Israa'iil
Kooxda Xisbullaah ee ka dagaallanta Lubnaan ayaa war ay soo saareyn khamiistii ku sheegay in ay qaadeyn weerarro gaaraya 13 oo ay ku jiraan howlgallo lagu bartilmaameedsanayo igoobaha ay iskugu yimaadaan askarta Israa'iil iyo gaadiidka militariga ee magaalooyinka koonfurta Lubnaan.
Weerarradaan ayey ku sheegeyn in ujeedkoodu uu ahaa in lagaga jawaabo falalka 'gardarrada' ah ee Israa'iil ka waddo koofurta Lubnaan kuwaas waxyeellada kasoo gaarto dad shacab ah.
Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in ay qabtayn in ka badan todobaatan markab, "Waxaan leexsanay 72 markab, waxaana banjarinnay 4 kale tan iyo markii la bilaabay cunaqabataynta Iiraan".
Sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in maalintii ugu horreysay ee wadahadallada Israa'iil iyo Lubnaan ee Washington ay ahaayeen kuwo "wax soo saar leh oo wanaagsan," wadahadalladuna ay sii socon doonaan Jimcaha.isaga oo yir "Waxaan yeelanay wadahadallo wax soo saar leh oo wanaagsan maalintii oo dhan, laga bilaabo 9-ka subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo. Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno wadahadalladan berri, waxaana rajeyneynaa inaan helno qodobbo badan oo aan isla garanno.
Wareeggii sadexaad ee wada-hadallada Israa'iil iyo Lubnaan ka furmay Washington
Wakiillo ka kala socda Israa’iil iyo Lubnaan ayaa bilaabay wareeggii saddexaad ee wada-hadalladooda magaalada Washington, D.C. Wada-hadalladan ayaa imanaya iyadoo xabbad-joojintii Lubnaan lagu wado inay dhammaato maalmo yar gudahood.
Israa’iil ayaa maanta ka geesatay weerarro ay ku qaaday bartilmaameedyo dhowr ah oo ku yaalla koonfurta Lubnaan, kuwaas oo ay sheegtay inay leeyihiin Xisbullaah, halka dhowr Israa’iiliyiin ah ay ku dhaawacmeen diyaarad aan duuliye lahayn oo qarax sidday oo ay geeystayn xisbullaah.
Kooxda Xisbullah ee ay taageerto Iiraan kama ayaa hore u diiday wada-hadallada Israa'iil iyo Lubnaan ku dhex maraya Washington.
Iyadoo dowladda Lubnaan ay Israa’iil ugu baaqday inay joojiso weerarrada ay ku hayso dhulka Lubnaan, Israa’iil waxay ku adkeesaneysaa sida ay ku doodayaan in Xisbullah hubka dhigto.
Intii uu socday xabbad-joojintu, boqolaal qof oo Lubnaaniyiin ah ayaa ku dhintay weerarro maalinle ah oo ay Israa’iil fulisay, halka Xisbullah ay sii wadday inay gantaallo ku riddo Israa’iil.
Calanka Israa'iil oo laga taagay Masjidka Al-aqsa
Wasiirka Amniga Qaranka ee Israa’iil ee ka tirsan garabka midigta fog, Itamar Ben-Gvir, ayaa jebiyay xeer muddo dheer lagu dhaqmayey, kaas oo ku saabsan goobaha diimaha ay ku cibaadeystaan dadka kala diimaha ah ee ku nool deegaannadaas, kadib markii uu calanka Israa’iil ka taagay agagaarka Masaajidka Al-Aqsa.
Muuqaal laga duubay ayaa muujinaya wasiirka oo kor u qaadaya calanka Israa’iil, kuna ciyaaraya hees miraheedu ay kamid yihiin 'masjikd barakeesan ee Al-aqsa gacanteenna ayuu ku jiraa'. Tobannaan kun oo Israa’iiliyiin ah ayaa sidoo kale halkaas socod ku maray, iyaga oo ka qeyb-galayey munaasabad diimeed iyo mid qaran oo sanadkii mar la xuso.
“Socodka Calanka” waxaa loo qabtaa xuska sanadguurada qabsashadii Israa’iil ee Bariga Qudus intii lagu jiray dagaalkii 1967.
Wariyaha BBC ee Qudus ayaa sheegay in munaasabaddan ay badanaa la socdaan rabshado, dhibaatooyin iyo hal-ku-dhigyo lagu cunsuriyadeeyo dadka Falastiiniyiinta ah ee deggen aaggan Qudus.
Sannadkan, tobannaan ka tirsan dadka u ololeeya nabadda ee Israa’iil ayaa isku dayay inay ka hortagaan tacaddiyadan.
Gabdhaha walaalaha Gaza ee ku guuleystay abaalmarin iyaga oo burburka u beddelay leben dib loo isticmaali karo
Geerida qaraha lagu daray sunta jiirka oo wareerisay baarayaasha Hindiya
Laanta xiriirka dadweynaha ee ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan
IRGC ayaa xaqiijisay warbixinada la xiriira inay oggolaadeen in maraakiibta
shiinaha ay maraan marinka Hormuz.
‘’Go’aanka kasoo baxay jamhuuriyada Islaamiga ah, waxa ay
ahayd macquul in tiro kamid ah maraakiibta shiinaha ay ka gudbaan marinka
Hormuz iyaga oo raacaya nidaamka maamulka Iiraan ee marinka’’.
Sida laga soo xigtay bayaanka iyada oo ay dabasocdaan
wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha iyo safiirka dallkaasi ee Iiraan ‘’Waxa ay
ahayd kama dambaysa la gaaray in tiro kamid ah Maraakiibta Shiinaha oo uu
dalkaasi codsaday ay maraan aaggaasi kadib markii la gaaray is-fahan raacitaanka
nidaamyada maamulka Iiraan ee marinka, waxaana uu maritaanku bilowday habeenkii
xalay.
War deg deg ah, Maraykanka ‘’Dib u dhiska ciidamada badda Iiraan waxa ay qaadan doontaa ugu yaraan wakhti dheer’’
Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Qoraalka sawirka, Taliyaha ciidamada saldhiga dhexe ee Maraykanka Brad Cooper
Taliyaha saldhiga dhexe ee ciidamada Maraykanka CENTCOM, Admiral
Brad Cooper ayaa isaga oo kahor hadlayay mudanayaasha Senate-ka Maraykanka gaar
ahaana ka warbixinayay dagaalka Iiraan ayaa sheegay in awoodda ee ay ku khatar
galin karto dariskeeda iyo danaha Maraykanka ee gobolka si weyn hoos loogu
dhigay.
Waxa uu sheegay howgalkooda milatari uu daciifiyay
kaabayaashii warshadeed ee Iiraan sida gantaalada, ciidamada badda iyo awooddii
soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo la gaarsiiyay ilaa 90%,
waxaana sida uu yiri dib u dhiska ciidamada badda Iiraan ay ugu yaraan qaadan
doontaa wakhi ilaa jiil cusub.
‘’Khatartii Iiraan si weyn ayaa hoos loogu dhigay, mana sii
awoodaan inay khatar sii galiyaan bahwadaagteena gobolka ama Maraykanka sidii
ay horay awoodda ugu lahaayen, dhammaan dhinacyada kala duwan. Si weyn ayaa loo
daciifiyay,’’ ayuu Cooper u sheegay guddiga Senete-ka.
Waxa kale oo uu sheegay in Iiraan ay weli khatar usiin ahaan
karto awoodeeda iyo ilaha khayraadka ay haysato.
War deg deg ah, Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan
Wasiirka Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa ku baaqay in qarxinta
iyo quusinta markab xumuul oo xeebaha
Cumaan uu yahay mid ‘’aan la aqbali karin’’
Wasiirka ayaa ku qeexay weerar markabka ku gooshayay calanka
Hindiya ee xeebaha Cumaan uu yahay mid aan ‘’la aqbali karin’.’ Korjoogtooyinka
baddaha ayaa ku warbixiyay in markabka xamuul la beegsaday lana quusiyay
maalinkii shalay.
Delhi ma bixin faahfaahin intaasi ka dheer oo la xiriira
weerarka, laakiin waxa ay sheegteen in xubnihii shaqaalaha ee saarnaa markabka
ay bad qabaan, waxaana uu u mahad celiyay masuuliyiinta Cumaan inay
badbaadiyeen nolosha shaqaalaha.
‘’Weerarka loogu gaystay xeebaha Cumaan markabka ku
gooshayay calanka Hindiya ee shalay uu yahay mid aan la aqbali karin, waxaynu
si aad ah uga xunahay in maraakiibta ganacsiga iyo bad-maaxyada rayidka ah ay
sii socoto beegsigooda ,’’ ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Khamiistii
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Abbas Araqchi ayaan kusoo
hadal qaadin weerarka khudbadiisii Delhi, waxaase uu adkeeyay in marinka Hormuz
‘’uu u furan yahay dhammaan maraakiibta ganacsiga ee la shaqeeya ciidamada
badda Iiraan.
Digniin macluul oo laga soo saaray xaaladda abaarta Soomaaliya
War deg deg ah, Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska oo xaalku ku adag yahay, Wasiirkiisii Caafimaadka oo is-casilay
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Wasiirka Caafimaadka Britain ee is-casilay Wes Streeting
Xubin muhiim ah oo ka tirsan dowladda xisbiga shaqaalaha ee
ra’iisul wasaare Keir Starmer ee Britain ayaa iscasilay. Wasiirka caafimaadka
Wes Streeting ayaa sheegay inuu lumiyay kalsoonidii uu ku qabay hoggaanka
raysal wasaaraha.
Warqad uu ku daabacay baraha bulshada ayuu ku sheegay inay
caddahay in Sir Keir uusan hoggaamin doonin xisbiga Labour-ka doorashada guud
ee soo socota.
Streeting ayaa la filayaa inuu bilaabo tartan hoggaamineed
oo ka dhan ah raysal wasaaraha. Xulafadiisa ayaa BBC-da u sheegay inuu haysto
taageerada looga baahan yahay xildhibaannada Labour-ka si si rasmi ah loogu
bilaabo tartanka.
Keir Starmer ayaa uga digay wasiirrada in doorasho hoggaanka
ay dalka gelin doonto qalalaase.
Iran oo oggolaatay in maraakiib Shiinaha ay maraan marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz
Sida ay sheegtay wakaaladda AFP, ciidamada badda ee Iran ayaa u oggolaaday koox maraakiib ah oo Shiinaha leeyahay inay maraan marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz laga bilaabo fiidkii Arbacada.
Wakaaladda Tasnim News Agency ayaa sheegtay in:“Iyada oo ku saleysan go’aan ka soo baxay Jamhuuriyadda Islaamiga ah, dhowr markab oo Shiine ah ayaa loo oggolaaday inay maraan Hormuz iyadoo la raacayo nidaamka transit-ka ee ay maamusho Iran.”
Waxay intaa ku dartay in marista maraakiibtan ay timid kadib codsi ka yimid Beijing, isla markaana ay bilaabatay Arbacadii fiidkii kadib “isfaham ku saabsan habraacyada maamulka Iran.”
War deg deg ah, Maxaynu ka ognahay dagaalkii ka dhacay duleedka Baydhabo?
Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ayaa
sheegaya inuu iska horimaad halkaasi ka dhacay, iyada oo kooxda Alshabaab ay ku sheegtay inay halkaasi dagaal kula
galeen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Qoraalka kasoo baxay
kooxdaasi ayaa lagu sheegay inay kahor tageen weerar ay ciidamadu dowladu kusoo
qaadeen deegaano ay ka taliyaan.
Alshabaab ayaa warka kasoo baxay ay ku sheegeen inay ku dileen
sagaal kamid ah ciidamadii iyaga soo weeraray, sida ay sheegteen.
Ilo ka tirsan dowladda oo aynu la xiriirnay ayaa inoo
xaqiijiyay in laba sarkaal oo sare ay dhinteen, inkasta oo dowladdu war rasmi
ah uusan weli dhankooda kasoo bixin oo la xiriira dilka saraakiisha.
Ninkii CIA u waraystay Saddam Xuseen markii la qabtay oo sanado ka dib hadal la yaab leh sheegay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Sanadkii 2016-kii Saddam waxaa lagu helay in uu galay dambiyo aadanaha ka dhan ah
Markii gacanta lagu dhigay madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddaam Xuseen 2003, waaxda sirdoonka Maraykan ee CIA waxay u baahatay khabiir xaqiijin kara oo su'aalo weydiin kara si xog looga helo. Qofkaas wuxuu ahaa John Nixon.
Qiimaha uu ku kici doono nidaamka difaaca 'Golden Dome' ee Mareykanka iyo siduu u joojin karo gantaallada
Ururka Xisbullah ayaa baahiyay muuqaal “duqeymo lala beegsaday ciidamada Israel ee ku sugan koonfurta Lubnaan”
Xigashada Sawirka, Hezbollah Media Office
Qoraalka sawirka, Muqaal ay baahiyeen xisbullah
Ururka Hezbollah ayaa baahiyay muuqaal ay ku sheegtay inuu muujinayo weerarro lagu beegsanayo ciidamada Israel ee koonfurta Lubnaan.
“Waxaan madaafiic ku garaacnay goob ay isugu yimaadeen askarta cadawga Israel ee magaalada Rashaf ee koonfurta Lubnaan.”
Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay weli jiraan xiisado dhanka dhulka ah iyo khilaafaad gudaha Lubnaan ah oo ku saabsan jihada wada-hadallada, halka wadahadallo ka socda Washington, D.C. looga hadlayo xabbad-joojin, ka bixitaanka ciidamada, soo celinta dadka barakacay, iyo dib-u-dhiska dalka.
Cuntooyiinka ay Shiinaha ku marti-sooraan madaxwaynayaasha Mareykanka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Cunatada "Kung Pao" oo digaag laga sameeyay
Waxa laga yaabaa in cashada rasmiga ah ee dowladda Shiinaha ee la qorsheeyay caawa ay noqto mid si weyn loo xiiseeyo.
Intii lagu jiray booqashadiisii hore ee dalka Shiinaha sanadkii 2017, Donald Trump waxaa loo soo bandhigay cunto gaar ah oo ka kooban dhowr qaybood, taas oo qaar ay sheegeen in loogu talagalay in lagu baro dhadhanka cuntada Shiinaha ee dadka Mareykanka.
Cuntooyinka la siiyay waxaa ka mid ahaa digaag nooca Kung Pao, maraq badeed kareem leh, iyo hilib lo’ ah oo lagu kariyey suugo yaanyo—kuwaas oo qaarkood u egyihiin kuwo aad uga caadi ah dhadhanka dadka Mareykanka marka loo eego cuntada dhaqanka Shiinaha. Trump waxaa lagu yaqaanaa inuu jecel yahay cuntada steak si fiican loo kariyey, mararka qaarna lagu daro waxyaabo kale.
Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyeyaashiisii hore ee Mareykanka waxay la kulmeen cuntooyin aad uga kala duwan. Sannadkii 1972, Richard Nixon wuxuu dhadhamiyey maraq ka samaysan shark fin, iyo saxan eel jilicsan oo la kariyey, iyo cuntooyin kale oo kala duwan.
Nixon, oo ahaa madaxweynihii 37-aad ee Mareykanka, wuxuu aad u cajab geliyay marti-geliyayaashiisii Shiinaha isagoo si xirfad leh u isticmaalay usha yar ee Shiinaha ay cunadda ku cunaan.
Maxaa ku qasbay guddoomiyaha Gedo inuu ka goosto dowladda federaalka?