Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Gudaha guushii horyaalka Arsenal – Hees Tiktok, doonyo iyo dab

  2. Ciyaaryahanada Arsenal oo dabaal degaya

    Ciyaaryahanada Arsenal

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ciyaaryahanada Arsenal

    Ciyaaryahanada kooxda hanatay horyaalka Ingiriiska 2025-26 ee Arsenal ayaa ku dabaal degay xerada tababarkooda, iyada oo la baahiyay sawirada kooxda oo dabaal degaysa.

    Sidoo kale waxaan weli kooxda soo gaarin koobka rasmiga ah ee horyaalka Premier League, iyada oo hadda sawir uun ay kusii dabaal degayaan.

    Ciyaaryahanada Arsenal

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ciyaaryahanada Arsenal
    Ciyaaryahanada Arsenal

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ciyaaryahanada Arsenal

    WARBIXINO KALE

  3. War deg deg ah, Kooxaha weli wax uun hiigsanaya maalinta ugu dambeysa ee Premier League

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Usoo bixitaanka UEFA Champions League – Waxaa u tartamaya Liverpool ama Bournemouth. Haddii Aston Villa ay berri ku guuleysato finalka UEFA Europa League oo ay ku dhammaysato kaalinta shanaad ee horyaalka, markaas kaalinta lixaadna ee kooxaha Ingiriiska waxa ay heli doonaan booska Champions League, taas oo siinaysa Brighton & Hove Albion fursad.

    Boosaska kale ee Yurub (laba boos oo wali la go’aaminayo) – Waxaa ku tartamaya:

    • Brighton & Hove Albion
    • Chelsea
    • Brentford
    • Sunderland
    • Newcastle United
    • Everton
    • Fulham

    Ka badbaadista heerka labaad – Waxaa u dagaallamaya:

    • Tottenham Hotspur
    • West Ham United

    Waxyaabaha horey loo xaqiijiyay:

    • Horyaalka waxaa qaaday – Arsenal
    • U soo bixitaanka Champions League –

    - Macchester City - Manchester Unite - Aston Villa

    • Kooxaha Heerka labaad u dhacaya – Burnley -Wolverhampton Wanderers
  4. Bournemouth oo u dabaal degaysa inay Yurub ka ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub

    Bournemouth

    Xigashada Sawirka, Bournemouth Football Club

    Qoraalka sawirka, Bournemouth

    Kooxda Bournemouth oo caawa go'aamisay in Arsenal usii dabaal degto horyaalka, kadib barbar dhicii ay la galeen Manchester City ayaa sidoo kale dhankooda guul weyn uga ahaa inay markii ugu horaysay ka ciyaari doonto Yuru.

    Muddo 127 sano ah oo kooxdu jirtay waa markii ugu horaysay ee ay ka ciyaari doonto Yurub, iyada oo Axada ay kala ogaan doonto inay Champions League ka ciyaari doonaan ama Europe League.

  5. War deg deg ah, Chealse oo kahor istaagtay Spurs rajadii ay kaga badbaadi lahayd booska dhicitaanka

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Kooxda Chealse ayaa kaga adkaatay kooxda Tottenham Hotspur 2:1, taasi oo maalinta ugu dambaysa ee horyaalka ka dhigtay marka ay ay labada kooxdoo Spurs iyo West ham uu midkood u dhici doono horyaalka labaad ee Ingiriiska ee Championship.

    WARBIXINO KALE

  6. War deg deg ah, Sawiro: Taageerayaasha Arsenal oo dabaal degaya

    Kadib barbar dhicii ay gashay Kooxda Manchester City, taageerayaasha Arsenal ee caalamka ayaa u dabaal degaya 22 sano kadib in kooxdoodu ay qaaday horayaalka

    Taageerayaasha Arsenal

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Arsenal
    Taageerayaasha Arsenal

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Arsenal
    Taageerayaasha Arsenal

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Arsenal
    Taageerayaasha Arsenal

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Arsenal

    WARBIXINO KALE

  7. War deg deg ah, Arsenal oo 22 sano kadib u dabaal degaysa hanashada horyaalka Premier League

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Kooxdii Arsenal ee 2003-04 u qaaday horyaalka Premier League ayaa ahayd wakhtigii ugu dambeeyay ee kooxdu ay qaado horyaalkaasi, iyada oo 22 sano ay ku qaadatay inay dib u qaado horyaalka ugu caansan Ingiriiska.

    WARBIXINO KALE

  8. War deg deg ah, Arsenal oo qaaday koobka horyaalka Ingiriiska ee Premier League

    Taageerayaasha Arsenal

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Arsenal

    Kadib markii kooxda Bournemouth oo ku martigalinaysay gurigeeda kooxda Macnhester City ay isku barbar dhaceen kooxda city, waxaa ay taasi dhalisay in Arsenal oo aan caawa ciyaarayn ayba u dabaal degto horyaalka Premier League.

    Ciyaarta caawa guuldaro ama barbardhac ay gasho City ayaa guul u ahayd Arsenal, maadaama hal ciyaar oo u harsan ay haysato 82 dhibcood, halka City barbardhaca uu ku khasbay inay 78 dhibcood ku wareejiso dhammaadka horyaalka.

    WARBIXINO KALE

  9. War deg deg ah, JD Vance : Iiraaniyiintu waxay doonayaan in heshiis la gaaro

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa mar kale ka hadlay arrinta Iiraan, kadib markii la weydiiyay inuu sharaxo sababta uu u aaminsan yahay in Iiraan ay si daacadnimo leh uga wada xaajoonayso heshiis nabadeed.

    Madaxweyne ku xigeenku wuxuu ku ammaanay Iiraan inay tahay “ilbaxnimo sharaf leh” oo leh “dad cajiib ah”, balse sidoo kale wuxuu ku tilmaamay “waddan kala qaybsan”.

    Wuxuu sheegay in tani ay ka dhigan tahay in mararka qaar “aan si buuxda loo fahmin” mowqifka kooxda wada xaajoodka, maadaama ay jiraan saraakiil badan oo ka hooseeya hoggaamiyaha sare kuwaas oo saameyn ku leh wada xaajoodyada.

    Ma cadda in jahawareerkan uu ka dhashay daacadnimo la’aan ama isfaham xumo dhinaca xiriirka ah, ayuu yiri, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in Iiraaniyiintu ay doonayaan heshiis.

    Vance wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in Iiraan ay ogtahay in “khadka cas” uu yahay hubka nukliyeerka, balse wuxuu yiri inuusan si buuxda u hubin doonin ilaa heshiiska si rasmi ah loo saxiixo.

    WARBIXINO KALE

  10. Trump oo soo saaray war cusub oo ku saabsab Iiraan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inay saacad kaliya u dhiman lahayd inuu amar ku bixiyo weerar cusub oo lagu qaado Iiraan ka hor inta uusan go'aankaas ka laaban, isagoo ka jawaabayay codsi uga yimid dowlado ka tirsan Khaliijka, wuxuuna uga digay in dalkiisu uu weerar qaadi karo maalmaha soo socda.

    Trump ayaa shalay ku dhawaaqay in hoggaamiyeyaasha Qatar, Saudi Arabia iyo Imaaraadka Carabta ay ka codsadeen inuu dib u dhigo weerar la qorsheeyay inuu maanta bilowdo.

    Trump ayaa maanta war-saxaafadeedyo uu bixiyay ku sheegay in hoggaamiyeyaasha Iran ay “baryayaan in heshiis la gaaro,” balse wuxuu intaas ku daray in weerar cusub oo Maraykanka qaado uu dhici karo maalmaha soo socda haddii aan heshiis la gaarin.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa yiri: “Waxaan leeyahay laba ama saddex maalmood, laga yaabee Jimce ama Sabti ama Axad, ama bilowga toddobaadka soo socda, muddo kooban, sababtoo ah ma oggolaan karno inay helaan hub nukliyeer cusub.”

  11. Tartanka hubka: 10-ka dal ee ugu badan hubka soo dejista Afrika

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Inkasta oo dalalka Afrika ee hubka dibadda kala yimaado ay hoos u dhaceen qiyaastii -41%, sida lagu sheegay warbixinta Machadka Cilmibaarista Nabadda Caalamiga Stockholm ee loo soo gaabiyo SIPRI hadana dalalka Afrika ee ka hooseeya Saxaraha way kordhiyeen.

    Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa 10-ka dal ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ee hubka ugu badan soo dajista kuna jira liiska SIPRI.

    Dalal ay ka mid yihiin Nigeria, Senegal iyo Mali ayaa ka mid ah dalalka hub badan dibadda kala yimid taas oo saamiga gobolka gaarsiisay 13%, sida ay sheegtay SIPRI.

    10-kan waddan waxaa lagu saleeyay jawaabaha uu bixiyay khabiirka Dr. Mathew George, oo ah agaasimaha Barnaamijka Hubka ee SIPRI.

  12. Waa kuma Amiin Cabdullaahi, halyeygii lagu dilay weerarkii maanta ee masjidka San Diego

  13. Ingiriiska oo ka digay cawaaqibka xumada ka dhalanaysa xirnaanshaha marinka Hormuz

    Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain ayaa ka digay in tobannaan milyan oo qof ay wajahayaan gaajo sababo la xiriira xirnaanshaha sii socda ee marin-biyoodka Hormuz.

    Yvette Cooper ayaa shir gargaar oo ka dhacay London ka sheegtay in loo baahan yahay cadaadis caalami ah oo degdeg ah si bacriminta iyo shidaalka dib loogu dhaqaajiyo marinka laga galo Gacanka. Waxay sheegtay in haddii taasi dhici weydo, ay jirto khatar ah qalalaase cunto oo caalami ah, iyadoo dalalka soo koraya ay bixin doonaan qiimaha ugu sarreeya.

    Midowga Yurub ayaa ballan qaaday waxa uu ugu yeeray “taageero aan caadi ahayn” oo la siinayo beeraleyda ay saameeyeen kororka weyn ee qiimaha bacriminta.

    Wasiirrada maaliyadda ee G7, oo ku shiraya Paris, ayaa sidoo kale ku baaqay in dib loo soo celiyo marin ammaan ah oo loo maro marinka-ka si dib loogu soo nooleeyo silsiladaha sahayda tamarta, cuntada iyo bacriminta.

    Barnaamijka Cuntada Adduunka ayaa ka digay in 45 milyan oo qof lagu riixi karo gaajo daran sanadkan.

  14. Hadalkii uu yiri wiilka Soomaaliya ee soo jiitay madaxweynaha Turkiga ka dibna uu sheegay

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta ka hadlay shidaalka lagu wado in dalka Soomaaliya dhawaan qodidiisa laga bilaabo.

    Madxwaynaha oo maanta la hadlayay baarlaamnka Turkiga ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay qorshaha shidaal qodista ee ay Turkiga ka wdaan dalka Soomaaliya.

    Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa tusaale u soo qaatay wiil yar oo Soomaali ah oo oo sida uu sheeg ka falceliyay markii uu dhawaan arkay markabka Turkiga ee Shidaal qodista oo taagan xeebaha Soomaaliya.

    "waxaan doonayaa inaan idinla wadaago dareenka walaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo meel dhow ka arkay markabka Çağrı Bey,wuxuu si toos ah u yiri: "Weli kama soo kaban saamaynta markabka Çağrı Bey. Inaan si dhow u arko waxay ii ahayd waayo-aragnimo aan la ashqaraaray. Sababtoo ah Çağrı Bey wuxuu u ekaa magaalo weyn oo socota. Aad u weyn, aad u cusub, si qurux badanna loo dhisay. Maashaa Allaah. Runtii waa farshaxan la yaab leh." ayuu yiri mr Erdogan.

    Madaxwayne Erdogan ayaa ereyadaas ku tilmaamay sawir qurux badan oo muujinaya awoodda Turkiga.

  15. WHO oo ka walaacsan xaaladda xanuunka Ebola iyo wararkii ugu dembeeyey ee la xiriira

    Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa lix tan oo agab caafimaad ah u diray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, xilli uu sii wadayo qaylo-dhaanta ku aaddan baaxadda dillaaca cudurka Ebola ee bartamaha Afrika. Agabkan ayaa waxaa ka mid ah qalabka difaaca ee shaqaalaha caafimaadka, iyadoo la kordhinayo baaritaannada, la-socodka, iyo daba-galka dadka la kulmay kuwa cudurka qaba.

    Waxaa la rumeysan yahay in feyrusku ay u dhinteen in badan 130 qof, uuna ku dhacay 500 kale kale.

    Madaxa WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesu, ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda iyadoo kiisas hadda laga soo sheegay meelo magaalooyin waaweyn ah. Ururka ayaa mar dambe yeelan doona kulan degdeg ah si uu u soo jeediyo waxqabadyada caafimaad ee mudnaanta leh.

  16. Waxay yaraanteedii ka baxsatay 'oday qallafsan' oo lagu dari lahaa haddana waa marwada koowaad ee madaxweynaha

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Waxa ay qaadatay daqiiqad kooban in Fatima Bio ay ka jawaabto markii aan weydiinnay sida ay ahayd nolosha qof magangalyo doon ah oo ku nool London.

    "Way ka fiicnayd in la igu daro oday aan akhlaaq wanaagsan lahayn," ayay si kaftan u tiri, ka dibna way qososhay iyadoo tixraacaysa qorshihii aabbaheed uu rabay inuu ku siiyo nin mar ay da' yarayd.

    Wax badan ayaa isbeddelay tan iyo markaas. Sanadihii xigay, waxay noqotay jilaa, kadibna London ayay ku baratay nin iyadoo wareysi ka qaadaysay dadka reer Sierra Leone ee saameynta leh ee ku nool qurbaha, wayna guursatay. Ninkaasi wuxuu ahaa Julius Bio kaasoo hadda ah madaxweynaha Sierra Leone.

    Iyada oo ah haweeneyda koowaad ee dalka, Fatima Bio waxaa loo arkaa qof saameyn leh balse muran dhaliya qaar ka mid ah dhalinyarada ayaa u arka cod cusub oo siyaasadda ku soo kordhay, isla markaana u dooda haweenka iyo gabdhaha, halka kuwa kale ay ku eedeeyaan inay ka tallaabsatay xadka doorkeeda, isla markaana aad ugu lug leedahay arrimaha xisbiga ninkeeda.

    Waxaa lagula qayliyay laguna jees-jeesay baarlamaanka dhexdiisa, sidoo kale waxaa lala xiriiriyay dhaleeceyn ku saabsan muuqaal ay ku daabacday baraha bulshada, kaas oo uu ku jiray nin caan ku ah ka ganacsiga daroogada, inkastoo ay beenisay inay garaneyso.

  17. Ebola oo u fidiya si ka dhaqsiyo badan intii la filayay

  18. Ireland oo cambaaraysay tallaabo ay Israa’iil qaaday oo ay ku tilmaameen ‘mid an la aqbali karin’

    .

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Qoraalka sawirka, .

    Ra’iisul wasaaraha Ireland ayaa cambaareeyay Israel kadib markii ay xirtay walaasha madaxweynaha Ireland iyo dhaqdhaqaaqayaal kale oo sheegay inay gargaar u wadeen Gaza Strip.

    Margaret Connolly, oo ah walaasha Madaxweyne Catherine Connolly, ayaa laga qabtay doon ku jirtay kolonyo dhaqdhaqaaqayaal taageersan Gaza ah, taas oo ciidamada Israa’iil ay dhexda ka qabteen meel u dhow Cyprus Isniintii.

    Ra’iisul wasaaraha Ireland, Micheál Martin, ayaa ku tilmaamay tallaabada Israel “mid gebi ahaanba aan la aqbali karin oo khaldan,” isagoo ku eedeeyay inay “si dhab ah dad u afduubanayaan.” Israa’iil ayaa isku daygan cusub ee lagu jebinayay go’doominta Qasa ku tilmaantay “kicin iyo daandaansi.”

    Madaxweyne Connolly ayaa sheegtay inay “aad uga welwelsan tahay” walaasheed.

  19. Waa kuma Buurmadoow, boqorka marar badan hadal haynta dhaliyay?

    .

    Xigashada Sawirka, Social

    Qoraalka sawirka, .

    Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa marar badan hadal hayn dhaliyay, kadib markii uu ka hadlay arrimo xasaasi ah oo la xariira, siyaasad iyo Bulsho.

    Dad badan ayaa is weydiinaya qofka uu yahay Buurmadoow.

    Waxaa uu horaantii lixdameeyadii ku dhashay deeganka lebiga- Caanood oo ka tirsan degmada Xudun ee gobolka Sool.

    Waxbarashadii diiniga iyo maadiga ilaa heer dugsi hoose dhexe ayuu ku qaatay degmada Sheekh ee gobolka Togdheer. Dugsiga sarena wuxuu kaga baxay dugsiga sare ee Waabari ee magaalada Muqdisho horaantii todobaatameeyadii ayuu kaga baxay Muqdisho.

    Jaamacad ku taal dalka Sudan ayuu bilowgii siddeetanaadkii ka qaatay heerkiisa kowaad ee jaamacada isagoo bartay qaynuunka, sida uu u sheegay BBC da.

  20. Waa kee tababaraha la filayo inuu baddeli karo Pep Guardiola

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Enzo Maresca ayaa la filayaa inuu beddelo Pep Guardiola isagoo noqonaya tababaraha cusub ee Manchester City ka hor xilli ciyaareedka dambe.

    Sida ay Isniintii sheegtay BBC Sport, tababaraha caanka ah ee City, Guardiola, ayaa la filayaa inuu ka tago kooxda kadib ciyaarta Axadda ay la leeyihiin Aston Villa ee ka dhacaysa garoonka Etihad Stadium, taasoo noqon doonta kulankoodii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka.

    Maresca, oo hore u soo noqday tababarihii Chelsea, ayaa loo aqoonsaday musharraxa ugu cadcad ee beddeli doona Guardiola xilli ciyaareedka 2026–27.

    Iyadoo City ay muddo ka badan lix bilood isu diyaarinaysay bixitaanka Guardiola xagaagan, wada-hadallada lala leeyahay Maresca ayaa maraya heer aad u horumarsan.

    Tababaraha Talyaaniga ah ee 46 jirka ah ayaa doonaya shaqada, waxaana la filayaa in dhawaan si rasmi ah loogu dhawaaqo inuu yahay beddelka Guardiola.

    Maresca ayaaku guuleystay FIFA Club World Cup iyo UEFA Europa Conference League isagoo sidoo kale Chelsea u xaqiijiyay u soo bixitaanka UEFA Champions League intii lagu jiray xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay oo buuxa ee Stamford Bridge.

    Waxa uu hore uga soo shaqeeyay Manchester City isagoo ahaa kaaliyaha Guardiola xilligii ay kooxda ku guuleysatay saddexleyda taariikhiga ah ee 2022–23, sidoo kalena door weyn ayuu ku lahaa akadeemiyadda kooxda kahor inta uusan ku biirin kooxda koowaad.

    Laacibkii hore ee West Bromwich Albion iyo Juventus ayaa ka tagay City sanadkii 2023 si uu u maamulo Leicester City, kuwaas oo uu ku hoggaamiyay inay dib ugu soo laabtaan Premier League xilli ciyaareedkiisii keliya.

    Guardiola oo mar sii horreysay ka hadlayey ayaa yiri:

    “Mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican adduunka, Enzo Maresca, si fiican ayaan u garanayaa, laakiin shaqada uu ka qabtay Chelsea looma qaddariyo sida ay mudan tahay.

    “Ku guuleysiga Club World Cup, Conference League, iyo xaqiijinta Champions League iyadoo kooxdu tahay mid dhalinyaro ah oo horyaal adag ku ciyaareysa waa wax aan caadi ahayn.”