Calaamadaha aad ku garan karto in wadnahu uu ku istaagi rabo?

Wadnaha waa xubinta ugu muhiimsan jidhka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ma ogtahay in cudurrada la xiriira wadnaha ay ka mid yihiin sababaha ugu waaweyn ee dhimashada dalka Hindiya? Sida lagu sheegay Daraasadda ay Global Burden of Disease Study, afartii qof ee dhinta midkood ayaa u dhinta cudurkaan.

In ka badan 80% dhimashada cudurrada wadnaha waxaa sababa wadne-istaagga. (heart attack) iyo istaroog.

Guud ahaan, dadka intooda badan waxay aaminsan yihiin in haddii heerka beerka subagga (kolestaroolku) uu yahay mid degan ay wax walba ay hagaagsan yihiin, balse maaha mid isku xiran in beer subaggu caadi ahaado iyo in wadno xanuun kugu dhici karo.

Sida laga soo xigtay Ururka Wadnaha ee Maraykanka, tirada ugu badan ee wadnahu istaago iyo dhimashada wadnaha la xidhiidha ayaa la diiwaangeliyaa agagaarka kirismaska ​​iyo sanadka cusub ee sanad kasta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Khatarta waqtiga qaboobaha

Maaddaama uu hadda meel qaar adduunka lagu jiro waqtiga qaboobaha, khatarta ugu wayn waxa ay timaadaa xilliga cimilada qabowdahay.

Daraasad lagu daabacay wargeyska ka hadla arrimaha caafimaadka wadna ee JACC sanadkii 2024, ayaa sheegtay in cimilo aad u qabow iyo qabow lama filaanka ah ay kordhiyaan khatarta wadne-istaagga.

Khubarada waxay aaminsan yihiin in isku darka qabowga, isbeddellada hab-nololeedka, iyo falcelinta jirka ay cadaadis dheeraad ah saaraan wadnaha.

Waxaan weydiinay Dr. Tarun Kumar, Agaasime Ku-xigeen iyo Madaxa Qaybta Wadnaha ee Medanta Moolchand Heart Centre, sababta uu xanuunka wadne-istaaggu u kordho xilliga qabwbaha. Dhaqtarka waxa uu sheegay in ay jiraan afar sababood oo waaweyn oo arrintan ka dambeeysa.

  • · Marka cimiladu qabowdo, jirku waxa uu isku ururiyaa xididdada dhiigga iyo neerfayaasha si uu isu kululeeyo. Tani waxa ay sidoo kale keentaa in xididdada waaweyn ee wadnaha (coronary arteries) ay ciriiri noqdaan oo isku dhegaan, taasoo yareysa dhiigga iyo ogsijiinta gaarta wadnaha.
  • · Jiilaalka, dhididku wuu yaraadaa, dadkuna aa duma socdaan, tani waxay kordhisaa mugga guud ee dhiigga, taasoo keeni karta cadaadis dhiig oo sare u kaca iyo garaac wadne oo degdeg noqda, kuna rida wadnaha culays dheeraad ah.
  • · Qabowga awgiis, dheef-shiidka uma shaqeeyo si hagaagsan ,dadkuna iyagoo aan ogeyn waxay bilaabaan cunista cuntooyin kalooriyo badan leh sida xalwo cuntooyinka macan, barandhada la shiilay, iwm. Sidoo kale in badan oo kamid ah dadka ma sameeyaan jimicsi kadib qofka waxaa ku kordha miisaanka.
  • · Hormoonnada jirka ayaa isbeddela, taasoo kordhisa u nuglaanshaha dhiig-xinjirowga. Haddii xinjiraha ay xiraan xididdada dhiiga geeya wadnaha, waxaa dhici karta in uu qofka ku dhaco wadne-istaag.

Sida Loo Daryeelo Wadnaha Xilliga Jiilaalka

Xilligan, dhaqdhaqaaqa yar, cuntooyinka shiilan iyo walbahaarka ayaa sidoo kale waxyeello u leh wadnaha.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sida uu sheegay Dr. Sameer Gupta, socod la'aanta, cuntada shiilan oo la badsado iyo walbahaar ayaa sidoo kale khatar ku ah wadnaha xilligan.

Wuxuu yiri: "waa inuu qofka xakameeyo miisaanka, maxaa yeelay miisaanka badan wuxuu culays saaraa wadnaha. Si walbahaarka loo yareeyo, waa inuu qofka sameeyaa, maalintiina uu jimicsi 7-8 saacadood.

Calaamadaha Wadne-xanuunka

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Daraasad sanadkii 2025 ay sameeyeen ICMR iyo AIIMS ayaa sheegtay in cudurrada wadnaha ay yihiin sababta ugu weyn ee dhimashada lama filaanka ah ee dhalinyarada. 85% dhimashada wadnaha waxaa sababa dufan/xeedh ku ururta xididdada wadnaha (coronary artery disease).

Dr. Tarun Kumar wuxuu yiri: "Hindiya gudaheeda, wadne-istaaggu si xawli ah ayuu ugu kordhayaa dhalinyarada. Dadka ka yar 50 sano ayuu si caadi ah ugu dhacaa. 25–30% kiisaska oo dhan waxay ku dhacaan dhalinyaro ka yar 40 sano."

Waa muhiim inaad taqaanid calaamadaha wadne-qabadka si aad gargaar caafimaad degdeg ah u hesho:

Xanuun, culays, cadaadis ama kuleel oo laga dareemo dhinaca bidix ama bartamaha laabta

Xanuunku wuxuu ka gudbi karaa qeybta saree ee caloosha ama dhabarka hoose

Sidoo kale walbahaar, dhidid, wareer iyo neef-qabatin waa calaamado caadi ah.

Dr. Tarun Kumar wuxuu yiri: "Haddii aad dareento calaamado noocan ah, ha dib u dhigin, isla markiiba raadi gargaar caafimaad."

Wuxuu intaa ku daray: "Qof walba ma laha xanuun laabta ah. Dad badan waxay kaliya dareemaan neef-qabatin uusan hore iskugu ogeyn taas oo aan sabab lahayn. Xaaladdan oo kale, waa inaad dhaqharta la tashataa Iska indha-tiridda calaamadahan waxay kordhin kartaa khatarta."

Wadna xanuun

Xigashada Sawirka, Getty Images

Calaamadaha qarsoon

Sida uu sheegay Dr. Tarun Kumar, waxaa jira cabbirro iyo baaritaanno muhiim ah oo lagu ogaan karo khatarta wadne-istagga, si hore loo feejignaado.

Hababka la socodka khatarta

· Framingham Risk Calculator: waxaa lagu ogaadaa inta uu qofka khatar ugu jiro wadne-istagga 10-ka sano ee soo socda, iyadoo lagu saleynayo da', jinsiga, kolestaroolka, iyo cadaadiska dhiigga. Haddii khatartu ka badan tahay 5%, dhakhtarku waxa uu qofka u qori karaa daawooyin.

· Coronary Artery Calcium Score: Waxaa lagu sameeyaa CT-scan. Haddii dhibcaha ay ka sarreeyaan eber, khatarta wadne-istagga waa ay ka badan kartaa inti la fili karo

Dr. Tarun Kumar wuxuu sidoo kale ku talinayaa baaritaanno kale oo muhiim ah: Wuxuu yiri: "Waqtigan la joogo, waa lama huraan in ay feejignaadaan dadka da'da yar. Markasta Hubi kolestaroolka iyo cadaadiska dhiigga markaad gaarto 18–20 sano, sidoo kale samee Framingham Risk Calculator, Coronary Artery Calcium Score, iyo TMT markaad gaarto 30–35 sano, si aad hore uga feejignaato khataraha."