Maraykanka oo joojiyey Fiisaha uu siinayo dadka uga imaanaya 75 dal

Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa hakisay diyaarinta fiisaha soo galootiga ee 75 waddan iyada oo isku dayaysa in lagu xakameeyo codsadayaasha loo arko inay noqon karaan culays dadweyne.

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda, oo ay markii ugu horreysay ay aragtay Fox News ayaa ku amraya saraakiisha qunsuliyadaha inay diidaan fiisaha, ayagoo cuskanaya sharciga hadda jira, iyad oo wasaaraddu ay dib u qiimaynayso habraacyada baarista iyo hubinta.

Dalalkaasi waxaa ka mid ah Soomaaliya, Ruushka, Afghanistan, Brazil, Iiraan, Ciraaq, Masar, Nigeria, Thailand, Yemen iyo kuwo kale.

Hakinta ayaa bilaabanaysa 21 Janaayo, waxayna sii socon doontaa ilaa wakhti aan la cayimin oo wasaaraddu ay dib u qiimeynayso diyaarinta fiisaha.

Soomaaliya ayaa waxaa si weyn isha ugu hayey mas'uuliyiinta federaalka kadib fadeexad weyn oo musuq maasuq ah oo ka dhacday Minnesota, halkaas oo dacwad oogayaasha ay soo bandhigeen ku takrifal ballaaran oo loo geystay barnaamijyo lagu maalgeliyo lacagta canshuur bixiyeyaasha. Qaar badan oo ka mid ah kuwa ku lugta leh ayaa la sheegaa inay yihiin muwaadiniin asalkooda Soomaali ka soo jeeda.

Bishii Noofambar 2025, farriin ka timid Waaxda arrimaha dibadda ayaa loo soo diray xarumaha Maraykanka ee adduunka oo dhan, waxaana la faray saraakiisha qunsuliyadaha inay dhaqan geliyaan sharciyada baarista ee cusub ee hoos yimaada waxa loogu yeero "inuu culays ku yahay shacabka".

Qoraalka ayaa faray saraakiisha qunsuliyadaha inay u diidaan fiisaha codsadayaasha loo arko inay ku tiirsan yihiin faa'iidooyinka dadweynaha, iyagoo miisaamaya arrimo badan oo kala duwan oo ay ka mid yihiin caafimaadka, da'da, aqoonta Ingiriisiga, dhaqaalaha iyo xitaa baahida suurtagalka ah ee daryeelka caafimaadka muddada-dheer.

Codsadayaasha da'da weyn ama cayilan ayaa la diidi karaa, kuwaasoo ay la socdaan kuwa hore u isticmaali jiray kaalmada lacageed ama hay'adaha dawladda.

"Muhaajiriinta ka imaanaya 75-kan waddan waa la joojin doonaa inta ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dib u qiimeyn ku sameyneyso habraacyada socdaalka si looga hortago soo galitaanka dadka ajnabiga ah ee qaadanaya daryeelka iyo gargaarka dadweynaha" ayaa lagu yiri qoraalka.

Magacyada dalalkaas ayaa kala ah:

Afghanistan, Albania, Algeria, Antigua and Barbuda, Armenia, Azerbaijan, Bahamas, Bangladesh, Barbados, Belarus, Belize, Bhutan, Bosnia, Brazil, Burma, Cambodia, Cameroon, Cape Verde, Colombia, Cote d'Ivoire, Cuba, Democratic Republic of the Congo, Dominica, Egypt, Eritrea, Ethiopia, Fiji, Gambia, Georgia, Ghana, Grenada, Guatemala, Guinea, Haiti, Iran, Iraq, Jamaica, Jordan, Kazakhstan, Kosovo, Kuwait, Kyrgyzstan, Laos, Lubnaan, Liberia, Libya, Macedonia, Moldova, Mongolia, Montenegro, Morocco, Nepal, Nicaragua, Nigeria, Pakistan, Republic of the Congo, Russia, Rwanda, Saint Kitts and Nevis, Saint Lucia, Saint Vincent iyo the Grenadines, Senegal, Sierra Leone, Soomaaliya, Suudaanta koofureed, Sudan, Syria, Tanzania, Thailand, Togo, Tunisia, Uganda, Uruguay, Uzbekistan iyo Yemen