Safaaradda
Mareykanka ee Iiraan ayaa digniin amni u dirtay muwaadiniinta Mareykanka eek u sugan
dalka Iran, iyadoo ku amartay inay si degdeg ah uga baxaan Iiraan
Bayaanka
lagu daabacay bogga internetka ee Safaaradda Mareykanka ayaa lagu yiri in:
"mudaharaadyada ka socda Iiraan ay sii kordhayaan, waxaana jira cabsi laga
qabo inay isu beddelaan rabshado, taasoo keentay kororka tirada dadka la xiray
iyo dhaawacyada. Tallaabooyinka amniga ayaa la adkeeyay, waddooyinka waa la
xiray, gaadiidka dadweynaha ayaa hakad galay, adeegyada internetkana waa la
joojiyay”.
“Dowladda
Iiraan waxay xaddiday adeegsiga taleefannada. Shirkadaha diyaaradaha waxay
xaddideen ama joojiyeen duulimaadyadii u socday iyo kuwii ka imanayay Iiraan,
halka dhowr shirkadood oo diyaaradeed ay joojiyeen adeegyadooda," ayaa
lagu yiri bayaanka.
Mas'uuliyiinta
Mareykanka ayaa muwaadiniintooda ku amray inay si degdeg ah uga baxaan Iiraan,
sida lagu sheegay bayaanka, iyagoo intaas ku daray haddii ay suurtogal tahay,
inay maraan dhulka oo ay tegaan dalalka Turkiga ama Armenia.
Hay'adaha
xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in helitaanka xogta saxda ah ay adag maadaama
uu Khadka go’an yahay, laakiin xogaha la helay ayaa sheegaya in tirada
dhimashada ay sii korodhay.
Kooxda xuquuqul insaanka ee Hrana, oo saldhigeedu yahay Maraykanka, ayaa sheegtay in tirada dadka ku dhintay dibadbaxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay guud ahaan dalka Iran ay ka badan tahay laba kun iyo shan boqol oo qof.
Kooxdu waxa ay sheegtay in laba iyo toban ka mid ah dadka dhintay ay yihiin carruur.
Tiradani ayaa la shaaciyay xilli madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku boorriyay dadka reer Iran inay sii wadaan dibadbaxyada.
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa: