Fadhigii
Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-banaanideeda ee Somaliland ayaa maantay u baaqday kooram la'aan.
Fadhigii
Golaha Wakiillada ee Somaliland oo la filayey maanta in la horkeeno miisaaniyad
sannaddeedka 2024-ka, oo horrey Madaxwayne Muuse Biixi u soo celiyey, ayaa u
baaqday kooram la'aan, markii ay mudaneyaasha fadhigaas yimid ay gaari waayeen
tiradii loo baahnaa oo ahayd 42 mudane.
Golaha
Wakiilada oo toddobaadkii u dambeeyey la isku dayey in la soo hordhigo miisaaniyadda
2024-ka, ayey suurto geli wayday markii xildhibaannada mucaaradku ay soo
xaadiri waayeen fadhiyadii la doonayey in miisaaniyaddaas lagu ansixiyo.
Golaha
Wakiillada ayaa oddoroska miisaaniyadda 2024-ka ansixiyey bishii March horaanteedii iyaga oo wax ka beddel weyn ku
sameeyey tii Xukuumaddu u soo gudbisay, balse madaxweynaha oo ka biyo diiday
wax ka beddelkaas ayaa 17kii March dib ugu celiyey Golaha Wakiillada, isaga oo
ku tilmaamay wax ka beddelkaas mid sharci darro ah oo aanay awood u lahayn.
Xildhibaannada
mucaaradka iyo kuwa muxaafidka ee Golahaas, ayaa si weyn ugu kala qaybsan soo
celintan iyo go'aanka ay ka qaadanayaan, iyada oo kala qaybsanaantaas keentay
in labadii bilood ee u dambeeyey la ansixin waayo miisaaniyaddaasi.
Xildhibaan
Cabdikariim Maxamed Muxumed, oo ka mid ah Xildhibaannada muxaafidka ee Xisbiga
Kulmiye, ayaa u sheegay BBC-da sababaha kooramku u buuxsani waayey ay tahay xildhibaannada
mucaaradka oo qaarkood iman waayeen fadhigaasi, kuwaas oo ka war-wareegaya
ansixinta miisaaniyadda 2024-ka.
"Madaxweynuhu xaq ayuu u leeyahay isaga oo
qodobo sharciga adeegsanaya, inuu soo celiyo. Xildhibaannada waxa xaq loogu
leeyahay in soo celinta madaxweynaha diidaan ama ogolaadaan, laakiin xildhibaanno
dano gaar ah leh ayaa ka warwareegaya" ayuu yidhi Cabdikariim Muxumed.
Xildhibaan
Jamaal Cali Aadan, oo ka mid ah Xildhibaannada mucaaradka ayaa BBC-da u sheegay in ay doonayaan in miisaaniyadda 2024-ka, sidii Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen loo meel mariyo,
madaama ay ku jireen, sida uu sheegay mashaariic Gobolka Awdal ah iyo Ciidammo
2000 gaaraya oo Gobollada Bariga Somaliland laga qoray, taasoo uu sheegay in xukuumaddu
diidan tahay. "Waxaanu diyaar u nahay ansixinta miisaaniyaddii hore goluhu
u ansixiyey oo ay ku jiraan mashaariicdii aanu ku darnay ee Gobolka Awdal iyo Ciidamada Madaniga ah" ayuu yidhi Xildhibaan Jamaal Cali Aadan.
Si kastaba ha ahaatee, miisaaniyadda 2024-ka ee Somaliland ayaa la isku mari la'yahay
ansixinteeda, iyada oo sannadku kala bar yahay.
Xildhibaannada muxaafidka ayaan haysan aqlabiyad ay miisaaniyadda ugu ansixiyaan sida xukuumaddu doonayso, halka mucaaradkuna aanay haysan weli aqlabiyad ay dib ugu celiyaan miisaaniyaddii ay
hore u ansixiyeen.