Chelsea: Roman Abramovich oo sheegay inuu qorshaynayo inuu iibiyo kooxdiisa

Stamford Bridge and a Chelsea flag

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kooxda Chelsea ayaa waxaa iska lahaa Roman Abramovich tan iyo 2003

Bilyaneerka u dhashay waddanka Ruushka, Roman Abramovich, ayaa xaqiijiyay inuu danaynayo inuu iibiyo kooxda kubadda cagta ee Chelsea - taas oo ka mid ah kooxaha sarsare ee ka dheela Horyaalk Ingiriiska.

Waxa uu ballanqaaday in lacagta halkaas ka soo baxda uu ugu deeqi doono si loogu caawiyo dadka ay dhibaatada ka soo gaartay dagaalka Ukraine.

Bayaan lagu shaaciyay website-ka kooxda Chelsea, ayaa ganacsade Abramovich waxa uu ku sheegay in ay aheyd "go'aan adag oo uu qaatay", taas isaga "xanuunjinaysa".

Maalqabeenkan u dhashay waddanka Ruushka ayaa sheegay inuusan waydiisan doonin "daynta ka maqan in la bixiyo".

Arrintan waxa ay daba-socotay cadaadis caalami ah oo cunaqabatayn loogu soo rogayo maalqabeennada Ruushka ee aadka ugu dhaw madaxweyne Vladimir Putin.

Hansjorg Wyss and Roman Abramovich

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maalqabeen u dhashay waddanka Switzerland oo lagu magacaabo Hansjörg Wyss, ayaa goor sii horraysay waxa uu warbaahinta Swiss-ka u sheegay inuu ka mid yahay bilyaneerro la siin lahaa fursadda ay kooxdaasi ku iibsan lahaayeen.

Wyss ayaa sheegay in Abramovich uu doonayo "in Chelsea uu si degdeg ah isu dhaafiyo" kaddib markii baarlamaanka la iskula soo qaaday hanjabaad ah in cunaqabatayn lagu soo rogo.

Bilyaneer kale oo tartanka ku jira ayaa la sheegay inuu yahay Todd Boehly, oo ah ninka wax ka leh kooxda kubadda kolayga ee Los Angeles Dodgers.

Abramovich, oo 55 sano jir ah, ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu xiriir adag la leeyahay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, arrintaas oo uu gaashaanka u daruuray.

Waxa uu sheegay in "dhammaan kharashka ka soo xarooda kooxda" loogu deeqi doono "dhibbanayaasha dagaalka Ukraine".

Roman Abramovich

Xigashada Sawirka, Artyom Geodakyan

BBC Sport waxa ay fahansan tahay in Abramovich ay goorhoraba soo gaartay qiimo loogaga iibsanayo kooxda Chelsea iyadoo qiimaha kooxdaasina uu ku kacayo illaa £3bn.

Bayaanka uu Abramovich soo saaray ayaa intaasi ku daray: "Waxaan marwalba go'aannada la xiriira kooxda u qaadan jiray si waafaqsan danta kooxda taas oo qalbigayga ka soo go'day.

Abramovich ayaa kooxda Chelsea waxa uu 2003 ku iibsaday £140m, waxa uuna sheegayaa in go'aanka uu kooxda ku iibsaday "aanay la xiriirin ganacsi ama lacag, balse ay aheyd jaceyl uu u qabay ciyaaraha iyo kooxdaba".