Chelsea ayaa koobka Champions league qaadday kaddib marki ay 1-0 uga adkaatay Manchester City

Ciyaartooyda Chelsea oo kor u qaadday koobka Champions League

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Chelsea waa guushii labaad oo ay ka gaarto Champions League iyada oo horraan u badisay 2012

Chelsea ayaa mariki labaad ku guuleystay koobka Champions League kaddib markii ay ka adkaatay kooxda Manchester City, kulankii final-ka ahaa oo ay ku wada ciyaareen garoonka Estadio do Dragao ee magaalada Porto ee dalka Portugal.

Thomas Tuchel ayaa ka wanagsanaaday dhiggiisa Manchester City Pep Guardiola markii seddexaad tan iyo markii uu beddelay Frank Lampard bishii Janaayo, isaga oo marki ugu horreysay Stamford Bridge u soo celiyey abaalmarinta ugu weyn ee kubadda cagta kooxaha Yurub tan iyo 2012.

Ciyaarta aadka u xiisaha badan ee koobka looga loollamayey ee dhexmartay Machester City iyo Chelsea qaybti hore ee ciyaarta waxay ku dhammaatay 1-0 oo ay Chelsea ku hoggaamineysay, qaybta labaad marki la isku soo laabtayna labada koxood midkoodna uma suuragelin iney gool kale keenaan ciyaartina waxay ku dhammaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday kooxda Chelsea oo sidaa marki labaad ku hanatay Koobka Champions League.

Waxaana garoonka Estadio do Dragao guul darro kala hoyatay kooxda Manchester City. Iyada oo guuldarrada Man City soo gaartay loo sababeeyey Guardiola go'aanka uu ka gaaray inuu adeegsan Rodri iyo Fernandinho ee khadka dhexe u ciyaaro taasoo ka dhigtay ciyaartay Machester City ay soo bandhigtay sidi la filayey iney aad uga hooseeyso.

Gool uu dhaliyay Kai Havertz ayaa Chelsea kaga filanaa in ay ku guulaystaan champions league markii 2-aad ee taariikhdooda iyaga oo waliba ka fursado fiicnaa kooxda Man City.

Kai Havertz oo u ordaya si uu u dhaliyo goolka Chelsea

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Goolka Kai Havertz uu dhaliyey wuxuu ahaa goolkiisii ugu horeeyay ee Champions League

Tababaraha kooxda Chelsea ee Tochel ayaa hoosta ka xariiqay iney xalay aheyd waqtigii ugu fiicnaa aayihiisa macalinimo ka dib markii kooxdaas uu ku hogaamiyay Champions League.

"Haatan waxaa la joogaa waqtigii ku habboonaa ee aan dabbaal dageyno kadib koob kale ayaan doonayaa in aan ku guuleysto" ayuu yiri macallin Thomas Tochel

" Waxaan haatan ka shaqeynayaa diyaarinta Chelsea cusub waxaana iga go`an in aan kooxdaan ka yeelo mid laga baqo".

Mason Mount ayaa kaalin mug leh ku lahaa goolka Chelsea guusha u horseeday

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Mason Mount ayaa kaalin mug leh ku lahaa goolka Chelsea guusha u horseeday

Chelsea ayay xalay u aheyd markii labaad taariikhdeeda ee ay ku guuleysato tartanka koobka dhagaha weyn halka City final-kan u ahaa koodii ugu horeeyay.

Thomas Tuchel

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waa koobkii ugu horreeyay ee Thomas Tuchel uu qaado isagoo ah tababaraha Chelsea

Chelsea ayaa heshay fursadihii ugu fiicnaa intii lagu jiray, Timo Werner ayaa isaguna lumiyay laba fursadood oo fiican ka hor inta aanu Havertz wax gool ah dhalin halka Christian Pulisic oo baddal ku soo galay uu qaybtii labaad ee ciyaarta fursada kale oo gool noqon lahayd uu qasaariyey.

Balse guusha Tuchel waxay u ahayd farxad weyn kaddib niyad jabkii uu ka qaaday ciyaarti kama dambeysta ee kal hore xilli uu maamule ka ahaa kooxda Paris St-Germain.

Qoraalka Muuqaalka, Man City 0-1 Chelsea: 'Waxay ahayd kulankii ugu fiicnaa ama ugu xumaa ee ugu horreeyay' - Tuchel ayaa ugu dambeyn la kulmay Abramovich

City, oo dhaawac ku weysay Kevin De Bruyne bartamihii qeybtii labaad, ayaa ciyaarta soo gelisay Sergio Aguero kulankiisii ugu dambeeyay laakiin ma jirin wax gool ah oo City u suuragalay iyadoo Chelsea ay soo afjartay rajadi guusha ee Manchester City.

Chelsea ayay jug weyni soo gaadhay qaybtii hore markii uu dhaawac kaga baxay Thiago Silva, waxaase aan ka dambaynin Manchester City oo uu iyagana daqiiqaddii 60-aad ka baxay Kevin de Bruyne oo uu dhaawac kasoo gaadhay markii ay isku dhaceen Antonio Rudiger.

Pep Guardiola oo agmaraya koobka Champions League

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Guuldarrada Manchester City ayaa la micno ah in ay weli sugeyso guushoodii ugu horeysay ee Champions League

Christian Pulisic oo beddel ku soo galay ayaa lumiyey fursad weyn oo uu ciyaarta kaga dhigi lahaa 2-0 qaybtii dambe, waxaase iyaguna fursado dahabi ah iska lumiyey Manchester City oo daqiiqaddii 90-aad uu meel 6 mitir u jirta goolka Chelsea uu Dias ka helay kubbad.

Tababare Thomas Tuchel ayaa markii saddexaad muddo laba bilood ka yar ku garaacay Pep Guardiola iyo kooxdiisa Manchester City, waxaana bilowgii ciyaartan ka nixiyey Timo Werner oo laba fursadood oo dahabi ah helay daqiiqadihii ugu horreeyey laakiin midna u dhiibay Ederson, midda kalena lugihiisu ka xadeen

Qoraalka Muuqaalka, Manchester City 0-1 Chelsea: City waxay muujisay 'geesinimo' finalkii Champions League - Guardiola

Chelasea ayaa ku biirta kooxaha gaarka ah

  • Chelsea ayaa noqoneysa koox Ingiriiska laga leeyahay oo laba jeer qaaddo koobka Champions League, kaddib marki ay Liverpool (2004-05 iyo 2018-19 ay qaadday), Mancherster United (1998-99 iyo 2007-08 qaadday)
  • Chelsea ayaa qaadday lix ka mid ah toddobadii ciyaarood ee finalka Yurub taariikhdeeda, iyada oo ay guushan tahay tii afaraad inta uu kooxdan mulkiyey Roman Abrahamovich, ay ku guuleysatay Champions League sanadii 2020-21 iyo 2011-12, Europa League 2012-13 iyo 2018-19).
  • Guardiola ayaa ka badiyey Chelsea kulammadi ugu badnaa marka kooxaha kale ee siddeedda ah loo eego, waxaana laga badiyey seddexdi kulan ee ugu dambeeyey uu Blue la yeeshay. Inta uu maamulaha ahaana kulammada uu lumiyey waxaa ka mid ah Real Madrid (2012-14) iyo Liverpool (2018).
  • Tuchel waa tababarihii seddexaad ee reer Jarmalka ah uu ku guuleysta Champions League seddexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay iyada oo ay ka horreeyeen tababarayaasha (Jurgen Klopp 2019, Hans Flick 2020), waa markii ugu horeysay ee European Cup / Champions League ay ku guuleystaan seddex sano oo isku xigta iyada oo seddex maamule oo hal waddan ka soo jeeda ay maamulayaan, laga soo bilaabo 1979-80 ilaa 1981-82 (Brian Clough, Bob Paisley, Tony Barton).
  • Tuchel ayaa noqday tababarihii labaad ee abid rikoor ka dhiga seddex guulood oo isku xigta tartamada oo dhan oo uu ka horyimid Guardiola (marka laga reebo Barcelona B), ka dib markii tababaraha reer Jarmal ee Klopp uu sidaas sameeyay sanadkii 2018 Liverpool.
  • City waxay noqotay kooxdii sagaalaad ee Ingiriis ah oo gaarto finalka European Cup / Champions League, si la mid ah waddamada reer Yurub ee Jarmalka iyo Talyaaniga.
  • Guardiola ayaa laga badiyay koobkiisii ugu horeeyay ee finalka isagoo ah tababaraha City, guuldarradan ayaa nooqoneysa guuldarradiisii labaad ee ugu danbeysay ee koobkiisii ugu danbeyey ee mustaqbalkiisa ciyaareed iyo Copa del Rey 2010-11).
  • Goolki uu daqiiqadda 42-aad shabaqa uu ku hubsaday Havretz kaddib labada kooxood midkoodna uma suuragelin inta ciyaarta ka hartay iney shabaqa soo taabtaan.
  • Xiddiga Chelsea Havertz ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Champions League wuxuuna noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee dhaliya goolkiisii ugu horeeyay ee tartanka finalka tan iyo Ilkay Gundogan 2013. Xaqiiqdii, Havertz wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu da'da yaraa ee Jarmalka ee gool ka dhaliya finalka Champions League tan iyo Borussia Dortmund's Lars Ricken 1997.
  • Goolhayaha Chelsea Edouard Mendy ayaa shabaqiisa ilaashaday 9 ka mid ah 12 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan Champions League - ma jiro goolhaye la mid ah Mendy shabaqiisa ka ilaashaday iney kubbad soo taabato (iyada oo lala maseeyey (Santiago Canizares oo Valencia joogay 2000-01 iyo Keylor Navas oo Real Madrid ah 2015- 16).
  • Sagaalkii jeer ee goolhayaha Chelsea ee Mendy uu shabaqa ilaashaday inta uu socday tartanka Champions League xilli ciyaareedkan waxay ka dhigtay goolhayaha ugu wanaagsanaa ee shabaqiisa si aad ah u ilaaliyo inta ay tartannadu socdeen.
  • Ciyaaryahanka Chelsea Mason Mount ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Ingariis ah ee caawiye ka noqda finalka Champions League tan iyo markii Wes Brown uu 2008 u dhaliyay Manchester United kulankii Chelsea.