Manchester City oo heshay fursad u horseeday kaalin muhiim ah

Ciyaartooyda

Xigashada Sawirka, PA Media

Qoraalka sawirka, Ciyaartooyda

Kooxda kubadda cagta ee Manchester City ayaa ka faa'ideystay barbardhaca dhexmaray Man United iyo Liverpool iyadoo kaalinta labaad ku soo gashay guul muhiim ah oo ay xalay ka gaartay kooxda Crystal Palace oo ku soo booqatay garoonkeeda Etihad Stadium.

Man City oo guushan ay uga dhigan tahay tii shanaad oo xiriir ah oo kulamada Permier League-ga iyo tii 15-aad dhamaan kulamada ayaa waxaa goolka koowaad u dhaliyey John Stones halka kan labaad qaybtii labaad u saxiixay Ilkay Gundogan.

City ayaa waxaa guusha u xaqiijiyey gool labaadna u dhaliyey daafaca reer England John Stones.

Dhicana kale Tottenham ayaa iyana guul muhiim ah ku talaabsatay ka dib markii ay 3-1 ku xasuuqday kooxda daalaa dhacaysa ee Sheffeild United oo ay marti ugu ahayd hoygeeda Bramall lane.

Ciyaaryahannda Jose Mourinho ayaa waxaa gooldhalinta u bilaabay ciyaaryahanka daafaca ka ciyaara ee Serge Aurier shan daqiiqo oo qura markii ay ciyaartu socotay, waxaana mid labaad ku daray Hary Kane oo goolkaasi uu ahaa kiisii 12-aad ee xili ciyaareedkan uu ku dhaliyo horyaalka Ingiriiska.

Inkastoo Sheffiled United guuldaro dhabarka loo saaray haddana waxaa goolka kaliya ee ay dhaliyeen u saxiixay David McGoldrick, waxaase saddex ka dhigay goolasha Tottenham Tanguy Ndombele .

Guusha Tottenham xalay gaartay waxay ka macno tahay in markii ugu horeysay tan iyo 1975-tii ay ku badisay garoonka Sheffeild iyadoo soo afjartay 7 kulan oo aanay ku badin.