Toni Kroos & Pierre-Emerick Aubameyang oo muran adag uu dhex maray

Split screen. Left: Pierre-Emerick Aubameyang wearing mask. Right: Toni Kroos

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Labada ciyaartooy ayaa si ula kac ah, oo asluubeysan ugu murmay Teitter-ka

Markii ugu horreysay laacibka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee dalka Spain, Toni Kroos ayaa Pierre-Emerick Aubameyang ku dhaliilay waxa uu ugu yeeray dabaaldaggiisa gool "ee micno darrada ah". Kaddib waxaa soo jawaabay weeraryahanka kooxda Arsenal. Haddana waxaaba arrinta faraha lasoo galay Mesut Ozil.

Sidan ayuu u dhacay murankii la isku weydaarsaday barta Twitter-ka.

Ciyaartoyga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Jarmalka, Kroos, ayaa horaantii isbuucan maagay Aubameyang iyo laacibka weerarka uga ciyaara Barcelona, Antoine Griezmann, kuwaasoo uu ku canbaareeyay dabaaldagga goolal ay dhaliyeen, oo u ekaa in laga soo shaqeeyay.

Kroos, oo 30 jir ah, ayaa isagoo la hadlayay barnaamijka Einfach mal Luppen ee wargeyska Sport Bild, yidhi: "Haddii la sameeyo qoob ka ciyaar lasoo diyaariyay ama loo soo tababartay, waxaan u arkaa nacasnimo.

"Aubameyang ayaa mar dabaaldag sameynayay wuxuuna lasoo baxay maaskaraati - halkaas ayaana aniga uga haray.

"Uma maleynayo in arrintaas ay tahay wax ku dayasho mudan. Waa micno darro."

Aubameyang, oo 31 jir ah ayaa dabeecad u leh inuu maaskarada wajiga xirto marka uu goolashiisa u damaashaadayo. Bishii March ee sanadkii 2019-kii, kaddib markii uu gool ka dhaliyay kooxda Rennes oo ay isku arkeen ciyaar ka tirsaneyd tartanka Europa League, ayuu lasoo baxay maaskaro u eg tii lagu jilayay filimkii Black Panther.

Qoraalka Muuqaalka, Taariikhda Pierre-Emerick Aubameyang

Sidoo kalem xilligii uu u ciyaarayay kooxda Borussia Dortmund, wuxuu xirtay maaskarooyin kala duwan oo ah kuwa ay adeegsadaan jilayaasha filimada loo yaqaanno superhero-ga, si uu ugu dabaal dago gool dhalintiisa. Noocyadii uu isticmaalay waxaa ka mid ah kuwa Batman iyo Spiderman.

Kaddib markii uu dhaliishan jeediyay Kroos, ciyaartoyga qaranka Gabon wuu ka fal celiyay isaguna.

Wuxuu soo qoray erayo uu fasirkooda afsoomaaliga ah noqonayo sidan:

"Sidey ahaataba, kan Tooni Kroos ah ma leeyahay carruur? Kaliya waxaan rabaa inaan xasuusiyo in wilkeyga dartiis aan dhowr jeer sidaas u sameeyay, waana u sameyn doonaa mar kale. Waxaan rajeynayaa inaad mar carruur yeelan doontid aadna ka farxin doontid sida ardaygaan. Hadal hana illoobin inaad maaskaro xirato, badbaado ku joog."

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Kaddib waxaa usoo jawaabay Kroos.

"Kan Tooni Kroos ah wuxuu leeyahay 3 carruur ah," ayuu kusoo qoray Twitter-kiisa.

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

Kaddib waxay hadalladaas horseedeen qoraalkan oo uu soo dhigay Aubameyang.

"U dira @ToniKroos hanbalyo ku saabsan 3-diisa carruurta ah."

Ka bood X boggan, 3
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 3

Haddana, Ozil ayaa murankoodii soo dhex galay - isagoo difaacaya ciyaartoyga ay iskala tirsan yihiin Arsenal, kana soo horjeestay ciyaartoygii hore ee ay ka wada tirsanaayeen qaranka Jarmalka.

Wuxuu soo qoray: "Waa dabaaldaggii gool ee ugu wanaagsanaa".

Kaddibna waxaa u jawaabay Aubameyang.

Ka bood X boggan, 4
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 4

Annagu faraha lama galeyno dooddaas!