Ma taqaan Messi-ga labaad ee ku nool Egypt?

Xigashada Sawirka, Reuters
Rinjiilaha reer Masar ayaa lagu soo waramayaa inuu helay taageerayaal aan macquul aheyn oo ku nool waddankaasi ku yaalla Waqooyiga Afrika - kuwaas oo ah taageerayaashii kooxda kubada cagta Barcelona, gaar ahaan kuwa jecel xiddiga Lionel Messi.
Sababta arrintan ayaa in 27 jirkan lagu magacaabo Islam Mohammed Ibrahim Battah, uu si aad ah ugu eeg yahay 33-jirka reer Argentine, sida oo kalena weerarka ugu ciyaara kooxda Barcelona, kaas oo loo tix geliyo in uu yahay ciyaartoyga ugu fiican adduunka.

Xigashada Sawirka, PA Media
Messi-ga dhabta ah ayaa sii dheereeyay heerkiisa gooldhalineed ee kooxda Barcelona isagoo dhaliyay 663 gool tartamada oo dhan maalintii Axada."Markii aan bilaabay in aan daayo gadhkayga, saaxiibaday waxay ii sheegeen inaan u ekaaday Messi. Markii gadhkaygu uu sii siyaadayna u ekaanshahaydu ayaaba sii caddaaday," ayuu u sheegay wakaalada wararka ee Reuters

Xigashada Sawirka, Reuters
Booqasho uu ku tegay xarun lagu xannaaneeyo agoonta oo ku taal Zagazig, oo ah magaalo qiyaastii 90km (55 mayl) ka xigta waqooyiga caasimada, Qaahira, ayay caruurtii halkaa joogtayna ku farxeen markii ay la kulmeen sida ay baahisay wakaaladda Reuters.Battah oo xirtay funaanada Barcelona ayaa caruurta kubad kula ciyaaray goob tababar oo maxalli ah, Reuters ayaa sidaas leh.

Xigashada Sawirka, Reuters
"Farxadda carruurta ee u ekaanshaha aniga iyo Messi waa mid aan la soo koobi karin," ayaa laga soo xigtay isaga oo leh."Markaad qof farxad geliso, Eebbe wuu ku abaal marinayaa. Waxaan doonayay inaan farxaddan la wadaago."







