Hogaamiyeyaasha dunida oo ku tilmaamay canshuuraha Trump mid 'khalad ah' oo aan loo 'meel dayin'

Xigashada Sawirka, Getty Images/BBC
- Author, Sofia Ferreira Santos
- Role, BBC News
Ra'iisul wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni iyo Ra'iisul wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha caalamka ee dhaleeceeyay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaddib markii uu ku dhawaaqay canshuur ballaadhan oo laga qaadayo badeecadaha ka yimaada caalamka.
Meloni ayaa ku tilmaantay sicirka canshuuraha 20% ee lagu soo rogay Midowga Yurub "khalad", halka Albanese uu sheegay in 10% canshuurta soo dejinta ee badeecadaha Australia ay tahay "mid aan sabab lahayn".
Ku dhawaaqista hogaamiyaha Mareykanka waxaa ka mid ah 10% canshuuraha aasaasiga ah ee dhammaan badeecadaha la soo galiyo Mareykanka laga bilaabo 5ta Abriil. Ku dhawaad 60 waddan - oo ay ku jiraan Midowga Yurub iyo Shiinaha - ayaa sidoo kale lagu soo rogi doonaa canshuur adag laga bilaabo 9ka Abriil.
Trump ayaa sheegay in tillaabooyinkaasi ay "Mareykanka ka dhigi doonaan mid qani ah mar kale", isaga oo intaa ku daray in uu "aad u naxariisto" go'aannadiisa.
Meloni, oo saaxiib la ah Trump, ayaa sheegtay in canshuuraha EU-da "aysan ku habboonayn labada dhinac" - iyada oo tixraacaysa Midowga Yurub iyo Maraykanka - laakiin inay ka shaqeyn doonto heshiis ay la gasho Maraykanka si " looga hortago dagaal ganacsi ".
Dhigeeda Isbaanishka Pedro Sánchez ayaa sheegay in Spain ay ilaalin doonto shirkadaheeda iyo shaqaalaheeda ayna "sii wadi doonto inay ka go'an tahay adduun furan."
Wasiirka ganacsiga Ireland Simon Harris ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu la xaajoonayo Maraykanka, isaga oo ku tilmaamay "wadada ugu wanagsan" halka Taoiseach Micheál Martin uu sheegay in go'aanka Trump uu ahaa "mid aad looga xumaado" faa'iidana uusan u ahayn "qofna".
Marka laga tago Midowga Yurub, Ra'iisul wasaaraha Australiya wuxuu sheegay in dadka Maraykanku ay ugu danbayn bixin doonaan qiimaha ugu weyn ee waxa uu ugu yeeray "canshuurana aan loo meel dayin ", laakiin wuxuu sheegay in dowladiisa aysan soo rogi doonin tallaabooyin jawaab ah.
"Kuma biiri doono tartanka hoos [la aadayo] ee keenaya qiimo sare iyo korriin gaabis ah", ayuu raaciyay.
Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka uu Trump u arko " dambiilayaasha ugu xun ", iyadoo 54% canshuur lagu dalacay alaabtiisa.
Qoraal faallo ah oo lagu daabacay wakaaladda wararka ee dawladda Shiinaha ee Xinhua ayaa lagu sheegay in "qalalaasaha" Washington ay la macno tahay " u cago-juglaynta nafteeda" iyo "ciyaar qaniinyo baa qaniinyo kaa fujisa ah oo aad u fudud".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Saraakiisha Aqalka Cad ayaa sheegay in canshuuraha ay qaadaan ay yihiin kuwo u dhiganta dalal ay ka mid yihiin Shiinaha, kuwaas oo ay sheegeen in ay canshuuro badan ku soo rogaan badeecadaha Mareykanka, ay ku soo rogaan caqabado "aan canshuur ahayn" ganacsiga Mareykanka ama ay si kale u dhaqmeen –siyaabo ay dowladdu u aragto in ay wiiqeyso yoolalka dhaqaale ee Mareykanka.
Latin America, dhaqaalaheeda ugu weyn, Brazil, ayaa ansixiyay sharci Congress-ka Arbacadii - Sharciga Is-dhaafsiga Dhaqaalaha - si looga hortago canshuur 10% ah ee uu soo rogay Trump.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in ay qiimeyn doonto "dhammaan tallaabooyinka suurtagalka ah ee lagu xaqiijinayo isu-dhaafsiga ganacsiga labada dhinac, oo ay ku jirto u xalinta Ururka Ganacsiga Adduunka".
Geesta kale, ku-simaha madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Han Duck-soo ayaa sheegay in dagaalka ganacsiga caalamiga ah "uu noqday mid dhab ah", isaga oo intaa ku daray in dowladdiisu ay eegi doonto siyaabaha looga gudbi karo xiisadda ganacsiga.
Wax yar ka dib ku dhawaaqistii Trump, xoghayaha maaliyadda ee Mareykanka, Scott Bessent ayaa uga digay waddamada in aysan "ka aargoosan" oo "iska fadhiistaan, oo ay aqbalaan [canshuuraha]".

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Sababtoo ah haddii aad ka aargoosataan, waxaa jiri doona xiisad," ayuu u sheegay Fox News.
Waxa xusid mudan, labada xulufo ee ugu waaweyn Maraykanka dhanka ganacsiga, Kanada iyo Mexico, laguma xusin ogeysiisyada Arbacada.
Aqalka Cad ayaa sheegay in uu la macaamili doono labada dal sida ku cad amarada fulinta ee hore, kaas oo ku soo rogay 25% canshuuraha labada waddan taas oo qayb ka ah dadaallada wax looga qabanayo fentanyl iyo arrimaha xuduudaha.
Si kastaba ha ahaatee, Kanada ayaa wali saameyn ku yeelan doonta canshuuraha, Ra'iisul Wasaare Mark Carney ayaa yidhi. Tallaabooyinka sida tacriifada 25% ee baabuurta laga bilaabo saqda dhexe ee Khamiista waxay "si toos ah u saameyn doontaa malaayiin Canadian ah", ayuu raaciyay.
Waxa uu wacad ku maray in uu "la dagaalami doono canshuurahan iyada oo la adeegsanayo tallaabooyin liddi ku ah", isaga oo intaa ku daray in canshuuraha Maraykanku "ay wax ka bedeli doonaan nidaamka ganacsiga caalamiga ah."













