Saamaynta welwelka uu ku leeyahay jirkaaga iyo sida aad uga faa'iidi kartid

Xigashada Sawirka, Getty Images
Inta ugu badan dadka waaweyn waxaa si joogta ah ay ula kulmaan calaamadaha welwelka ee ka imaanaya madax xanuun kala duwan taasoo noqonaysa walbahaar.
Halka qaar kamid ah welwelka ay noqon karaan kuwa caawimaad leh, welwelka daba-dheeraada ayaa burburiya jirka.
Khabiiro caafimaadka ayaa sheegaya inay si toos ah uga qayb qaadato xanuuno kala duwan oo dhanka dhimirka iyo jirkaba ah, iyada oo maskax ahaan iyo jir ahaanba dhibaato ku ah, waxaana ay hoos u dhigtaa tayada nolosha.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa macquul ah inay koontaroosho, ayna ka dhigto welwelka isha xasiloonida intii ay noqon lahayd daal.
Muxuu yahay welwelka Maxaynuse ugu dhibaatoonaa?
Welwelka waa jawaab celin dabiici ah oo u diyaarisa jirka si uu uga jawaabo caqabadaha iyo doonitaanada. Waxa ay kicisaa soo daynta hormoonnada jirka ee u diyaariya inuu wajaho xaalad adag.
Muddada gaaban jawaabtani waxay kordhin kartaa diiradda qofka, waxayna hagaajin kartaa waxqabadka.
Sida laga soo xigtay Ururka Cilmi-nafsiga Maraykanka, walbahaarka daba dheeraada wuxuu keenaa dhibaatooyin caafimaad oo halis ah, oo ay ku jiraan walaaca, iyo cudurada wadnaha.
Qodobbada keena cadaadiska oo ay ku jiraan shaqada, dhibaatooyinka lacagta, iyo xiriirka shakhsi ahaaneed - inta badan waa lama huraan, laakiin farqiga ugu weyn wuxuu ku jiraa muddada welwelka, diiqada ugu daran waa mid gaaban oo faa'iido leh, halka diiqada daba dheeraata ay cadaadis joogto ah saarto jirka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cadaadis daran ama cadaadis joogto ah
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Rachel Vora oo ah daaweeye cilmi, nafsiga xubinna ka ah Ururka British Association for Counseling and Psychotherapy (BACP), ayaa u sheegtay BBC-da welwelka daran inuu yahay jjawaab celin gaaban oo xaalad gaar ah.
"Waxay kicisaa jawaab dagaal ama kicitaan ah, iyada oo sii daysa maadada adrenaline iyo cortisol, taas oo kordhin karta wajihitaanka oo si ku meel gaar ah u kordhisa habka difaaca jirka."
Marka si sax ah loo maareeyo, walbahaarka daran ma keeno dhaawac aan dhamaanayn, wuxuu ka caawin karaa shakhsiyaadka inay si wax ku ool ah uga jawaabaan caqabadaha degdega ah. Taas bedelkeeda, diiqad dabadheeraata waxay jirka gelisaa culays dheeraad ah.
Vora ayaa sharaxday in diiqadu (welwel) marka ay sii socoto muddo dheer, hormoonnada walbahaarka ee sarreeya ay kordhin karto khatarta cudurrada wadnaha, daciifitaanka nidaamka difaaca, waxayna gacan ka geystaan dhibaatooyinka dheef shiidka sida cilladda mindhicirka (IBS) iyo boogaha caloosha.
Sidee walwalku u saameeyaa jirka?
Adeegga caafimaadka qaranka Ingiriiska ayaa sharxay in diiqadu (welwelku) ay keento falcelin jireed oo badan oo ay sabab u tahay sii daynta hormoonnada walbahaarka, gaar ahaan cortisol iyo adrenaline. Falcelinadana waxaa ka mid ah:
• Kordhinta garaaca wadnaha iyo cadaadiska dhiigga, taas oo u oggolaanaysa dhiigga hodanka ku ah ogsajiinta inuu si dhakhso ah u gaaro muruqyada.
• Heerarka sonkorta dhiigga oo kororta, taasoo bixisa tamar degdeg ah.
• Waxay joojisaa dheefshiidka kiimikooyinka iyo shaqada difaaca, iyadoo u weecisa tamarta jirka wajihida caqabadaha degdega ah.
Si kastaba ha ahaatee, walbahaarka daba dheeraada wuxuu keeni karaa waxyeelo. Firfircoonida joogtada ah ee jawaab celinta walaaca oo ku xiran
• Miisaanka oo kordha, gaar ahaan caloosha, sababta oo ah heerarka cortisol ee joogtada ah.
• Dhibaatooyinka xusuusta iyo eegmada ee ka dhasha nuglaanshaha dabadheeraada ee hormoonnada walaaca.
• Xanuunada hurdada ee carqaladeeya awoodda jidhku u leeyahay in uu dib u soo kabsado oo is hagaajiyo.
NHS-ta waxay ka digaysaa in walbahaarka joogtada ahi uu sidoo kale gacan ka geysan karo xaaladaha muddada dheer sida cudurrada wadnaha, cilladaha dheefshiidka iyo dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda sida walaaca iyo niyad-jabka.
Welwelku fa'iido ma yeelan karaa?
Dr. Golnaz Tabibnia oo ah kaaliye cilmi-baaris ee Jaamacadda California ayaa sheegtay adkaysigu in uusan ahayn oo kali ah mid aad leedahay ama aadan haysan. Waa xirfad la horumarin karo waqti ka dib,.
Dr. Tabibnia ayaa intaa ku dartay marka dadku ay u arkaan diiqada mid waxtar leh halkii ay noqon lahayd mid waxyeelo leh ay jawaab celinta walaaca jireed uu yaraanayo.
"Si firfircooni ah oo aad ula qabsato walbahaarka, halkii aad si dareen leh uga fogaan lahayd ayaa dib u hagaajisaa maskaxda si ay si fiican u maareyso walbahaarka imaan kara mustaqbalka'' ayay tiri.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Muxuu yahay farqiga u dhaxeeya Walaac iyo Walbahaar?
BBC ayaa weydiisay Anxiety UK oo ah hay'ad samafal oo heer qaran ah oo taageerta dadka qaba xanuunka welwelka, inay sharaxdo faraqa u dhexeeya walaaca iyo walbahaarka.
Welwelku waa jawaab celin xaalad dibadda ah, sida dhamaadka wakhtiga shaqada, imtixaan wadista gawaarida ama imtixaan waxbarasho oo ay ka jawaabaan.
Dhinaca kale walbahaarka ayaa sii jiri kara xitaa iyada oo aan la helin sabab la aqoonsan karo. Inkasta oo walaacu yahay dareen caadi ah oo dadka ka caawiya inay ka feejignaadaan xaaladaha khatarta ah, wuxuu noqdaa dhibaato marka uu xad dhaafo ama carqaladeyo nolol maalmeedka.
Welwelka iyo walbahaarka labaduba waxay kiciyaan habdhiska dareenka neerfaha naxariista leh (sympathetic nervous system) kaasi oo mas'uul ka ah jawaabta dagaalka ama kicinta kordhinta feejignaanta iyo tamarta si uu uga jawaabo hanjabaadaha.
Tani waxay ka dhigan tahay inay labadooduba kiciyaan calaamadaha sida garaaca wadnaha oo degdega, dhidid, iyo gariir, laakiin xanuunada walaaca waxay u muuqdaan inay noqdaan kuwo joogto ah oo culus.
Sidee si waxtar leh loogu maareeyaa welwelka
Cilmi-baaris ayaa muujinaysa saameynta waxtarka leh ee habdhaqanka joogtada si loo yareeyo faa'iidada saameynta waxyeellada leh ee welwelku ku leeyahay jirka.
Jimicsiga ayaa muujinaya inuu hoos u dhigo hormoonnada walaaca iyo hagaajinta niyadda, miyir-qabka iyo digtoonaanta oo uu ka caawin karo maskaxda dib u soo kabashada si ay dib ugu soo noqoto. Cilmi-baaristu waxa ay muujinaysaa in taageerada bulshadu ay door muhiim ah ka qaadato dhisidda adkeysiga niyadda.
Dr. Tabibnia ayaa xooga saaraysa muhiimada maskaxda u leedahay, mahadnaqa, iyo ficilada naxariista iyo sidoo kale xeelado cilmi ku salaysan sida jimicsiga, hawlaha banaanka ka soo qabtid iyo dhexgalka bulshada ee qoyska iyo asxaabta.
Sidee Welwelka loogu beddelaa Awood
Welwelku waa qayb lama huraan ah oo kamid ah nolosha, laakiin ma aha sababaha la dhibanaanta, sida ay qabaan khubaradayadu.
Sida laga soo xigtay daraasada dib u eegida ganacsiga ee Harvard sida aad u aragto welwelka ayaa si weyn u bedeli karta saameynta ay ku leedahay jirka.
"Marka ay dadku u arkaan diiqada mid waxtar leh oo aan waxyeello lahayn, jawaab celintooda jir ahaaneed ee welwelka ayaa hoos u dhacda," ayay Dr. Tabibnia ku soo gabagabeeysay.













