Intee la eg tahay rejada laga qabo in cudurka Kansarka loo helo tallaal?

Kansarka oo tallaal loo raadinayo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Shantii qofba mid ayaa Kansar ku dhacaa noloshiisa, tiraduna wey sii kordheysaa. Sida lagu ogaadey qiyas la sameeyey, dadka qaba cudurka kansarka ayaa gaari doona 20 milyan oo qof sannadkan 2025.

Laakiin sida daawadu uga guuleysatay cudurro badan oo halis ahaa, waxaa suurtogal ah in tallaal loo helo cudurkan nolosha dad badan halakeeyey. Waxaana soo baxaya warar yididiilo leh oo muujinaya horumar dhankaas laga sameeyey.

Bishii Abriil 2024, tallaal loo helay Kansarka maqaarka ku dhaca ayaa si tijaabo ah loo siiyey bukaanno ku nool Britain. Halka tallaal loogu talogalay Kansarka sambabka ku dhaca tijaabo ahaan looga billaabay todobo dal.

Sidoo kale, saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Florida ee dalka Mareykanka ayaa sameeyey tallaal loogu talogalay iun lagula dagaallamo kansarrada ugu caansan ee maskaxda ku dhaca.

Dhammaan dadaalladan cusub ee lagula tacaalayo cudurkani waxay soo ifbaxeen xilligii lagu mashquulsanaa sameynta tallaallo looga hortago safmareenkii COVID. Gaar ahaan helitaanka tallaalka ku saleysan farsamada mRNA, kaas oo xog protein leh oo ka kooban hiddasidaha ka soo qaadda bu'da unugyada jirka, ka dibna geysa gudaha unug biyoodyada.

Tallaallada farsamadan ku saleysan ayaa la sheegaa in uu ka waxtar badan yahay kuwa soojireenka ah. Amintanna waaxaa socda tijaabooyin badan oo lagu hayo tallaallo loogu talogalay dhowr nuuc oo Kansar ah.

Si haddaba loo fahmo in Kansarka la daaweyn karo, waa in aan marka hore wax ka ogaanno waxa cudurkani yahay iyo sida uu u saameeyo jirka bini'aadamka.

Sida ay sharraxeyso Meredith McKeon oo ah agaasimaha xarunta cilmibaarista kansarka ku dhaca maqarka ee Sarah Cannon oo ku taal gobolka Tennessee ee Mareykanka, jirkeennu wuxuu ka kooban yahay balaayiin unug. Marka jirka kansar soo galana, unugyada qaar ayaa billaaba in ay tarmaan si xad dhaaf ah oo aan la xakameyn karin. Iyadoo sida ay u abuurmaan nuucyada kala duwan ee unugyada kansarkuna ay kala geddisan yihiin.

Waxaa jira illaa 200 oo jaad oo kansar ah oo qaybo kala duwan oo jirka aadanaha ku beegsada. Unugyadanina waxay u shaqeeyaan si waafaqsan farriimaha ay helaan ee loo yaqaan hiddesidaha ama DNA. Markasta oo unug cusub abuurmana waxaa ka ag beerma farac hiddeside kaas la mid ah (DNA copy). Laakiin mararka qaar abuurista labada DNA isma waafaqaan. Dabadeedna hiddesidaha faraca ah wuxuu billaabaa in uu gudbiyo fariimo khaldan oo ka turjumaya baxaaligiisa silloon, sidaasna waxaa ku dhasha unugyo aan tiro lahayn oo sameeya honqoro, burooyin iyo walxo qalaad oo jirka ku abuurma.

Maxaa lagu kala yaqaan burooyinka caadiga ah iyo kuwa kansarka ah ee jirka?

Unugyada kansarka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Unugyada kansarka
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Meredith McKeon waxay leedahay waxaa jira jaadad kala duwan oo burooyin ah, ku waas oo jirka ku beerma. Burooyinka caadiga ah jirka waxyeello uma geystaan, laakiin waxaa jira burooyinka unugyadoodu aysan u shaqeyn si waafaqsan xogta hiddesidaha, waana ku waas waxa loogu yeero Kansar. Waxaana lagu garan karaa iyadoo lagu fiiriyo weyneyso si loo ogaado in qaabdhismeedka unugyadu ka duwan yahay dhalankoodi hore.

Haddii unugyadani ay joojiyaan in ay u shaqeeyaan si waafaqsan habsamida jirku iskula jaanqaado, dabeed waxaa dhaca jahwareer saameeya qaybo badan oo jirka ka mid ah, halkaasna waxaa ku kala dhantaalma isfahamkii unugyada jirka. Haddaba Maxaase sababa?

Waxaa jira dhowr arrimood oo sababi kara cilladan; sida gabowga, caadooyinka wax cunista, saameyn ka dhalata deegaanka nagu xeeran, fayrusyo, sigaar cabista, hidderaaca isirka qofka IWM.

Inkasta oo rejo laga muujinayo tallaal loo helo cudurkan dilaaga ah, haddana culimada ku xeeldheer xakameynta Kansarku waxay isku raacsan yihiin ahmiyadda ay leedahay in lagu baraarugo halista cudurkan iyo in lala socdo isbeddelka ku dhacaya jirka, taas oo gacan ka geysan karta in la ogaado islamarkaana lala tacaalo cudurku inta uu cargunta yahay.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in la qaado tillaabooyin looga gaashaamanayo cudurka, sida in laga waantoobo caadooyinka aan kor ku soo xusnay oo jirka u nugleyn kara Kansarka. Waayo, sidii horayba loo yiri "Ka hortagga ayaa ka fudud daaweynta".