Maxaa loogu dheggan yahay hay'adda Sirdoonka Kenya ee uu agaasimaha ka yahay Nuuradiin Xaaji?

Nuuradiin Xaaji

Xigashada Sawirka, NIS

Koox ololeeyeyaal ah ayaa ku baaqay in uu iscasilo Agaasimaha Guud ee Hay'adda Sirdoonka Kenya (NIS) Noordin Haji, sababo la xiriira afduubyo iyo dad la waayay oo dalka ku soo badanayay muddooyinkii dambe, sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya.

Hay'adda Justice Alliance, iyada oo u sii marinaysa isuduwaha hay'adda ee Kennedy Omulo, ayaa sheegtay inay nasiib darro tahay in NIS lala xiriiriyo afduubka Leslie Muturi sida uu ku eedeeyay aabbaha dhibbanaha, oo sidoo kale ah wasiirka Adeegga Dadweynaha iyo Horumarinta Raasamaal ee Golaha Xukuumadda, Justin Muturi.

Ururka bulshada rayidka ah ayaa su'aal galiyay doorka NIS ay ku leedahay afduubka loo maleenayo in ay dowladda ku dhaliilayaan, haddana mas'uuliyadda ilaalinta nolosha dadka Kenyaanka ah iyo hantidooda, iyo sidoo kale in la soo xiro marka loo baahdo, ay mas'uul ka tahay Adeegga Booliiska Qaranka.

"Maaddaama uu soo shaac baxay warka wasiir Muturi, waxaan hadda haynaa cidda iyo hay'adaha dawladdu ay afduubka ku hayaan dhallinyaradeenna, sidaas darteed waxaan ugu baaqaynaa in uu si deg-deg ah isu casilo G/Sare Nuuradiin Xaaji, waxaana hay'adaha ay qusayso ka codsanaynaa in ay baaris ku sameeyaan, lana caddeeyo doorka uu ku leeyahay kiisaska afduubka," Omulo ayaa sidaa yiri.

Justice Alliance

Xigashada Sawirka, Justice Alliance

Baaqa Madaxweyne William Ruto

Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha Justin Muturi ayaa sheegay in uu qaatay qaatay baaq ka soo yeeray Madaxweyne William Ruto oo ahaa in wiilkiisa ay sii daayaan hay'adda sirdoonka qaranka ee NIS.

Muturi waa xubintii ugu horeysay oo ka tirsan golaha wasiirada oo si cad u dhaleeceeya qaabka ay dowlada u maareysay afduubka ka dhacay dalka Kenya.

Warbixin uu Talaadadii siiyay waaxda dambi baarista booliiska, Muturi waxa uu si faahfaahsan uga warbixiyay sida wiilkiisa, Leslie, loo afduubtay 22-kii June ee sannadkii hore.

Mr Ruto iyo hay'adda sirdoonka ayaan ka hadlin eedeyntiisa.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Mowjadda afduubka ayaa bilaabatay ka dib mudaaharaadyo looga soo horjeeday canshuur kordhin bishii June ee la soo dhaafay, waana ay sii socotay tan iyo markaas.

Qaar ka mid ah dadka la afduubay ayaa la sii daayay ka dib cadaadis dadweyne.

Horaantii todobaadkan, wasiirka ayaa u sheegay suxufiyiinta inaysan helin wax jawaab ah oo ku saabsan afduubka wiilkiisa, inkastoo uu la xiriiray saraakiisha ugu sareysa laamaha ammaanka.

Muturi waxa uu sheegay in Agaasinka Danbi-baarista (DCI) ay intaa ka dib ku booriyeen inuu qoraal ka qoro iyaga, isaga oo u sheegay in arrintu weli baaris ku socoto.

Ajaanib ayaa sidoo kale la afduubay, oo ay ku jirto dhaqdhaqaaqe caan ah oo u dhalatay Tanzania, Maria Sarungi Tsehai, ayaa Isniintii ka sheekeysay sida ay kooxo hubeysan u qafaasheen, saacado kadibna ay sii daayeen.

Sannadkii hore, hoggaamiyaha mucaaradka Uganda Kizza Besigye ayaa lagu afduubay caasimadda Kenya ee Nairobi, isagoo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyeen saraakiisha ammaanka Uganda, in laga soo tallaabiyay xuduudda, si ay u ugasoo muuqdaan maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Wasiir Muturi

Xigashada Sawirka, Getty Images

In Muturi uu meel fagaare ah ku sheego magaca Ruto ee la xiriira afduubka ayaa caqabad ku ah madaxweynaha, waxaana loo arkaa mid ka soo horjeeda mabda'a mas'uuliyadda wadajirka ah ee dowladda.

Waxa kale oo ay sii kordhisay hadal heynta ku saabsan in xukuumadda ay fashilanto, iyadoo wasiiro iyo masuuliyiin kale ay inta badan beeniyaan in afduubkaasi uu qaranku ka danbeeyo.

Iyadoo ay dadku walaacsanaayeen, madaxweynaha ayaa dhamaadkii sannadkii hore yiri "waan joojinaynaa qabashadii", isagoo kula taliyay waalidiinta inay qiyam wanaagsan ku abuuraan caruurtooda.

Waxa uu sidoo kale uga digay dhalinyarada in aysan isticmaalin baraha bulshada oo ay u xushmeeyaan madaxda, iyadoo ay sii socoto dhaleeceynta baahsan ee dhanka internetka ee dowladda.

Hay'adda Xuquuqul Insaanka ee ay dowladdu maalgeliso, guddiga qaran ee xuquuqul insaanka ee Kenya, ayaa sheegtay in ilaa 82 qof oo Kenyan ah, oo uu ku jiro wiilka Mr Muturi Leslie Muturi, la afduubtay bishii June 2024, in ka badan 20 qofna weli la la'yahay.

Shan ka mid ah dadkii la afduubay dabayaaqadii bishii December ayaa la sii daayay todobaadkii hore, kuwaas oo intooda badan lala xiriiriyay hadallo ka soo horjeeday baraha bulshada ee dowladda.